Superstar Shivaraj Kumar waa halyee siweyn looga dambeeyo kana tirsan fanka lagu magacaabo Sandalwood ee xarun u ah magaalada Banglore aadna u daawadaan dadka reer Kannada ee gobolka Karnataka koonfur Hindiya ka tirsan dagaan haatana ruug cadaagan wuxuu soo wadaa filim weyn oo luqadaha Kannada iyo Telugu lagu daawan doono.

Superstar Shivaraj Kumar filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mashruuca lagu magacaabo Drona oo soo baxay 6 bishan Maarso balse caqabad waxaa ku noqday Cronoavirus-ka madaama tiyaatarada la xiray waxaana macquul ah in filimkan masraxa dib loogu soo celiyo marka xaalada caadi kusoo laabato.

Haatan waxaa la sheegay Shivaraj Kumar inuu fanka Telugu kasoo muuqan doono balse ma ahan markii ugu horeesay filim Tollywood ah sameyn doono wuxuu horay u jilay filimkii Killing Veerappan sidoo kalena filimka Gautami Putra Shatakarni ee Balakrishna hogaamiye ka ahaa muuqaal marti ah ayuu ku yeeshay waxayna ka dhigan tahay mar sedexaad mashruuc Telugu ah inuu sameyn doono laakiin filimkan luqada Kannada xitaa waa lagu daawan doonaa.

Filimkan weyn waxaa Director ka noqon doono Shiva Dhulipudi oo shaqada filim agaasinka ku cusub wuxuuna Shivaraj Kumar ku matali doonaa filimkan labada luqad lagu daawan doono door aan horey loogu arag waxaana la qorsheenaa in duubis lagu bilaabo lixda bilood dambe ee sanadkan sidoo kalena jilaayaal kale oo Koonfur Hindiya caan ka ah ayaa lagu soo dari doonaa.

Dhinaca kale Shiva Rajkumar aad ayuu u mashquulsan yahay madaama haatan uu soo gaba gabeyn rabo duubista sedex filim oo xiiso badan kuwaas oo kala ah Bhajarangi 2, RDX iyo Bairathi Ranagallu waxaana xusid mudan labo ka mid ah aflaantan isla sanadkan gudihiisa in la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here