Tamil Superstar Suriya ayaa siweyn u difaacay xaaskiisa Jyotika oo ka mid ah atirishooyinka Koonfur Hindiya loogu jecel yahay kadib markii muran xoogan dhexda ka gashay sidoo kalena ay ku kaceen qolyaha Hinduuga reer Tamil ee xag jirka ah.

Jyotika ayaa dhawaan dadka ku boorisay inay iskuulada iyo isbitaalada garab qabtaan oo ay lacago ugu deeqaan ama wixii ay awoodi karaan lana mid yihiin mandarada ama goobaha Hinduuga wax ku caabudaan waxayna Jyotika tiri “Ma ahan kaiya inaan Mandarada lacag ku bixino ka warqabistooda waxaa lagu jiraa waqti adag waxaana idinku boorin lahaa iskuulada iyo isbitaalada in lacago lagu bixiyo oo la garab istaago waayo waxay muhiim u yihiin sida Mandarada oo kale.”

Dad badan oo Hinduu xag jir ah ayaa ku kaceen Jyotika oo baraha bulshada dagaal ku wadaan atirishadan uguna goodiyeen marka bandowga laga baxo inay gurigeeda weerar kusoo qaadi doonaan madaama ay Mandarada wax ku caabudaan la bar bar dhigtay goobaha wax barashada iyo isbitaalada.

Balse Jyotika seygeeda Superstar Suriya ayaa ka carooday xaaskiisa gardarada lagu heesto wuxuuna baraha bulshada soo dhigay qoraalkan “Haddii geedaha aamusaan ama daganaan muujiyaan waa qasab in dabeesha aysan u ogolaanin xaalad daganaansho ku jiraan. Hadalkii xaaskeyga dhawaan kasoo yeeray waa mid haatan baraha bulshada lagu hadal haayo dhanka xunna laga eegay. Weliba waxaa la dhahay fikirkeedii ahaa inay dadka ku boorisay iskuulada iyo isbitaalada wax ku sadaqeestaan sida Mandarada wax loogu sadaqeesto la mid tahay arin dambi ay gashay. Ma aqaan sababta dadka qaar ee bulshadeena ka mid ah arinkaas gaf ugu arkeen. Balse ogaada inta badan hogaamiye diimeedkeena waxay qabaan in bini aadanimada muhiim tahay sida goobaha wax lagu caabudo looga war haayo qasab tahay in looga war haayo goobaha nafsada bini aadanka lagu bad baadiyo laguna hormariyo.”

Suriya oo hadalka sii wato wuxuu yiri “Qoyskeyga oo idil waxay gaarab taagan yihiin Jyotika sidoo kalena hadaladii kasoo yeeray waa kuwo sax ah kuna haboonaayeen waqtigii loo baahnaa qofkii u baahan inuu iskuulada iyo isbitaalada garab siiyo waa mid dhankeena soo xigo waana mahad santihiin.”

Dhinaca shaqada Suriya waxaa u diyaarsanaa filimka Soorarai Pottru oo la daawan lahaa bishan April gudaheeda balse dib u dhac ayaa ku yimid daawashadiisa madaama Hindiya xaalad bandow ah ku jirto waxaana mashruucan masraxa laga daawan doonaa markii xaalada caadi kusoo laabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here