Waxaan horey idin kula wadaagnay in Superstar Vijay filimkiisa xiga Master la baajiyay waqtigii la daawan lahaa oo ahayd 9-kii bishan April madaama Hindiya xaalad bandhow ah ku jirto welina laga guuleesanin Coronavirus oo caalamka oo idil dhibaato ku haayo.

Haatan waxaa la ogaaday in Vijay filimkiisa Master la daawan doono maalinta ay dhalashadiisa ku beegan tahay oo ah 22 June 2020 wuxuuna u dabaal dagi doonaa sanad guuradiisa 46-aad Superstar-kan sida weyn Tamil Nadu looga dambeeyo.

Inkastoo Director Lokesh Kanagaraj uu farxad galiyay taageerayaasha Vijay haddana wuxuu sheegay 100% uusan hubin in 22-ka June filimka Master la daawan doono madaama wax walbo ku xirnaan doonto sida ay xaalada caadi dib ugu soo laabato iyo in tiyaatarada dib loo furo ka hor inta aan waqtigaas la gaarin.

Master waa filim Action iyo qayaano isku jiro oo Vijay labo door ku matali doono door gaangester ah iyo door camiidka ama dhiinka kuleej arday wax ka bartaan waxayna ku xifaaltami doonaan Vijay Sethupathi oo laadar ka ah filimkan.

Sidoo kale Malavika Mohanan ayaa atirisho kowaad ka ah halka Nassar, Andrea Jeremiah, Shantanu Bhagyaraj iyo kuwo kalena doorar muhiim ah ku leeyihiin waxaana muusigada filimkan sameeyay Anirudh Ravichander.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here