Tamil Superstar Vijay dhawaan wuxuu soo idleeyay duubista filimkiisa Master oo qorshaha yahay in la daawado 9 April 2020 balse haatan u badan tahay in dib loo dhigi doono madaama tiyaatarada Hindiya xiran yihiin sidoo kalena la ogeyn xiliga laga guuleesan doono caabuqa halista badan Coronavirus-ka.

Haddaba waxaa la ogaaday Superstar Vijay filimkiisa Master doorka uu ku matali doono kadib markii sawir laga soo qaaday ID Card-ka ama kaarka aqoonsiga uu filimkan qoorta ugu jiro waxaana ku qoran inuu Dean ama Camiid ka yahay kuleej sidaa darteed Vijay filimkan camiim ama maamulaha kulyada Arts-ka sidoo kalena ardayda badan filimkan kala soo muuqan doonaan oo doorar muhiim ah ku leh.

Filimka Master waxaa Director ka ah Lokesh Kanagaraj sidoo kalena Vijay waxaa loo badinaa labo door inuu filimkan ku matalaayo madaama marna la arkay asigoo door gaangester ah matalaayo sidoo kalena si adag u wada dagaalami doonaan laadarka filimkan Vijay Sethupathi waxaana mashruucan weyn atirisho kowaad ka ah Malavika Mohanan sidoo kalena Shantanu Bhagyaraj iyo Andrea Jeremiah iyagana doorar muhiim ah ayay ku leeyihiin.

Superstar Vijay waqti dahabi ah ayuu ku jiraa waxaana wada ogeyn sanadkii hore flimkii Bigil inuu Blockbuster taariikhi ah noqday kaasi oo 300 Crore ka talaabay ganacsigiisa dibad iyo dal markaana waxaa lagu kalsoon yahay marka xaalada Hindiya caadi kusoo laabato in mashruuciisa xiga Master ganacsi balaaran sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here