Superstar-ka reer Tamil Vijay ayaa ka farxiyay taageerayaashiisa in filimkiisa weyn Master shaqadiisa soo idlaan doonto dhawaan sidoo kalena si habsami leh duubista mashruucan u socoto sida la wada ogyahay Vijay haatan xili dahabi ah ayuu bartanka kaga jiraa.

Filimka Master waxaa la daawan doonaa 9 April 2020 wuxuuna Vijay sheegay in duubista filimkan soo idlaan doonto bisha Febraayo ee kaabiga nagu soo heyso inta lagu guda jiro sidoo kalena ay xigi doonto in goos goos kooban mashruucan xiisaha badan laga soo bandhi doono.

Vijay filimkiisa Master waxaa laadar ka ah ama door xumaan ku matalaayo xidiga awooda badan Vijay Sethupathi sidoo kalena waxaa atirisho kowaad ka ah Malavika Mohanan halka Lokesh Kanagaraj uu Director ka yahay kaasi oo filimkiisii Khaidi Blockbuster weyn noqday sanadkii hore.

Vijay ayaa la sheegay filimkiisa Master inuu fariin ahaan nolosha Gaangester-ka iyo waxbarashada ka hadlaayo waxaana xusid mudan in Vijay filimkiisii ugu dambeeyay Bigil ee la daawaday Diwali 2019 inuu Blockbuster taariikhi ah noqday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here