Tamil Superstar Vijay wuxuu haatan ku jiraa waqtigiisa ugu fiican awood ahaana looma dhawaan karo balse aqbaar kale oo farxad leh ayuu taageerayaashiisa la wadaagay taasi oo ku aadan in wiilkiisa Jason Sanjay filim jilista kusoo biirayo sidoo kalena kaalintiisa atoorenimo qaadan doono.

Vijay wiilkiisa Jason waxaa soo caan bixin doono atooraha caanka ah Vijay Sethupathi filimkiisa xiga ayuu kala soo muuqan doonaa waxaana wada ognahay in Vijay iyo saaxiibkiis Vijay Sethupathi isla soo wadaan filimka Master oo qorshaha yahay in la daawado 22 June 2020 ayadoo markii hore la daawan doonaa 9 April 2020 balse dib loo dhigay daawashadiisa tiyaatarada oo xiran awgeed.

Jason haatan wuxuu ku sugan yahay dalka Canada asigoo waxbarashada heerka sare halkaas kusoo gaba gabeen rabo kadib waxaa lagu soo caan bixin doonaa filimka Telugu ah Uppena  dib u sameyntiisa oo Tamil ah waxaana soo saare ka ah Vijay Sethupathi oo sidoo kale filimkan door muhiim ah ku yeelan doono waxaana duubis lagu bilaabi doonaa marka ay xaalada caadi kusoo laabato.

Filimka Uppena waxaa lagu soo caan bixinaa Panjaa Vaisshnav Tej iyo Krithi Shetty halka Vijay Sethupathi door muhiim ah ku leeyahay wuu diyaarsan yahay bishii April ayaa la daawan lahaa balse dib ayaa loo dhigay daawashadiisa haatana asigoo Tamil ah Vijay Sethupathi ayaa soo iibsaday wuxuuna kusoo caan bixin doonaa wiilka Vijay oo lagu magacaabo Jason.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here