Tamil Superstar Vijay wuxuu ku jiraa waqti dahabi ah madaama filimkiisii ugu dambeeyay Bigil uu soo xareeyay 300 Crore sidoo kalena xidigan waxaa la sheegay filimkiisa xiga Master oo la daawan doono 9 April 2020 inuu sameyntiisa ku qaatay 100 Crore oo hormaris ah sidoo kalena daqli waali ah gacanta ku dhigay bilooyinkii ugu dambeeyay.

Haddaba waaxda canshuuraadka maamulka gobolka Tamil Nadu ayaa guriga Vijay ku qaadeen weerar gaadmo ah oo aan cidna la ogeysiinin madaama dhaq dhaqaaqiisa dhaqaale laga shakiyay waxaana la sheegay in guriga Vijay laga helay lacago gaarayo ilaa 77 Crore oo u dhigan $10.76m.

Waxaa la sheegay in Vijay kadib saraakiisha waaxda canshuuraadka ugu tageen goobta uu filimkiisa Master ku duubayay madaama uu ka maqnaa gurigiisa ku yaalo bartamaha magaalada Chennai waxayna wararka intaas ku darayaan in booliska su’aalo weydiinayaan Vijay shaqsiyaadka la shaqeeyaan ee dhanka xisaabaadka iyo daqliga u qaabilsan madaama lala yaaban yahay in $10.76m gurigiisa taalay lacag kaash ah oo intaas la eg ayadoo la geen karay bank ama bangi.

Sidoo kale waxaa la sheegay shirkada AGS Cinemas ee Vijay u maal galisay filimkiisii ugu dambeeyay Bigil inay lacago canshuuraad laga rabay bixiso la dhuumatay ama dadkii qaabilsanaa laaluush siisay waana sababta keentay in guriga Vijay duulaan lagu qaado ogaal la’aan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here