Superstar Suriya wuu soo laabtay waxaan ogeyn in sanadkii hore labadiisii filimk NGK iyo Kaappaan ganacsi ahaan ka fashilmeen balse midaas uma hakanin Superstar-kan wuxuuna soo bandhigay goos gooska kooban ee filimkiisa 39-aad laguna magacaabo Soorarai Pootru.

Qof walbo oo daawaday muuqaalkan kooban ee 1-daqiiqo 18-ilbiriqsi soconaayo wuxuu amaan balaaran kala dul dhacay Suriya iyo fariinta waaqiciga ah ee uu markaan doortay waxaana filimkan xiisaha badan la daawan doonaa horaanta bisha April ee sanadkan sida qorshaha yahay.

Filimka Soorarai Pootru wuxuu xambaarsan yayay fariin dhab ah ayadoo Suriya uu filimkan ku jilaayo nin halgan badan u galaayo sidii uu ku noqon lahaa duuliye ama Pilot wuxuuna filimkan Suriya ka yahay soo saare halka Sudha Kongara uu agaasimay ama Director ka yahay mashruucan xiisaha badan.

Si gaar ah filimka Soorarai Pootru waxaa looga hadlaa nolosha duuliye G. R. Gopinath oo maanta iska leh shirkada diyaaradaha Hindiya caanka ah Air Deccan halgankii uu soo galay iyo meeshii uu shaqada kasoo bilaabay ayuu Suriya shaashada daawadayaasha ku tusi doonaa.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska kooban filimka Soorarai Pootru laga soo bandhigay sidoo kale ruug cadaayaasha Bollywood-ka sida Jackie Shroff iyo Paresh Rawal ayaa doorar muhiim ah filimkan ku leh:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here