Home » Box Office » Suriya Vs Vikram: Thaanaa Serndha Koottam oo si wanaagsan ku bilaawday halka Sketch xaalka ku xun yahay

Suriya Vs Vikram: Thaanaa Serndha Koottam oo si wanaagsan ku bilaawday halka Sketch xaalka ku xun yahay

Dhul weynaha Tamil Nadu iyo gobolada uu ka kooban yahay waxaa maanta ku hardamayaan labada Superstar Suriya iyo Vikram oo tiyaatarada loo saaray labo filim.

Suriya filimkiisa Thaanaa Serndha Koottam (TSK) ayaa si wanaagsan Tamil Nadi kaga furmay oo ay 60% ilaa 65% halka Vikram filimkiisa Sketch uu ku furmay si ka liidato heerkii laga filaayay oo ah 40% ila 45%.

Labadan Superstar filimadooda waxay iskula saarteen in feestada Pongal Koonfur Hindiya ka bilaabaneyso 14-ka bishan ilaa 17 bishan soconeyso inay ka faa’iideestaan.

Laakiin fagta hore inta aan feestada Pongal la gaarin ayaaba Vikram wado cidlo ah looga tagay waxaana haatan siweyn tiyaatarada u heesto Suriya filimkiisa TSK.

Suriya filimkiisa Thaanaa Serndha Koottam (TSK) xitaa dhul weynaha Telugu ayaa laga daawanayaa wuxuuna kaga furmay halkaas i wacan taasi oo muujineyso in Superstar mashruuciisa cusub guul weyn laga filan doono hadii aysan wax walbo gadaal iska badalin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *