Kiiska Sushant ayaa soo labo kacleeyay sheekadana hader waxay mareysaa in Sushant Singh ciwaankiisa Instagram-ka innla isticmaalo waliba qof aan la aqoonin ayaa isticmaalo arinkaasna waa la isla ogaaday.

Dadkii iyo booliska waxay isla arkeen ciwaanasa Sushant oo isbedel ku imaadeen geeridiisa kadib waxaana shakigan laga qaaday kadib markii la arkay Sushant dadkii uu ciwaanadooda kuxirnaa misane Following uu ku ahaa oo is dhimeen tiro ahaan.

Dad kudhow 7K-qod ayuu Sushant folllow ku ahaa ama kuxirnaa balse hader 6K-qof ayee marayaan tani waxay kadhigtantahay in qof isticmaalo misane dadka Unfollow dhaho si qarsoodi ah sheekada intaas kuma eka waxaa la arkay ciwaanka Sushant oo faallooyinka ama Comments badan masaxaayo ama tirtiraayo xitaa Dhigaallo ama Posts badan ayaa la tirtiray.

Qoyska Sushant horey waxay ugu dhawaaqeyn inee ciwaanadiisa sii shaqeyn doonaan iyagana maamuli doonaan balse waxaa lala yaaban yahay qof Instagramkiisa isticmaalayo ee waxaan sameynaayo dhanka kale booliska waxay ku dhawaaqeyn inee baaritaanka sii wadayaan kiiska Sushant inuu is dil yahay iyo inkale wali makala cado ayuu yiri taliyaha booliska ee Mumbai ayagoo ka noqday hadalkii daraad ay lahaayen ee ah Sushant dharkiisu xarig kadhigtay iskuna dilay.

Ugu dambeyn booliska shaki ayee qabaan markaan mida kale waxay codsadeen in lagu soo wareejiyo ciwaanada Sushant si ay xog badan oga helaan halkaas baaritaankana udheereyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here