Jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput wararkiisa la xiriira geeridiisa ayaa saacad-saacad loo soo daabacayaa waana arin cajiib ah in atoorahan hadal heynta hindiya si weyn uqabsado waxuuna yareyay ka hadalka wararkii kale ee maalin laha ahaayeen.

Hadaba hader war soo dhacay waxuu sheegayaa in Sushant geeridiisa kahor ka xumaaday hab dhaqan dhanka Alia Bhatt iyo Sara Ali Khan uu kala kulmay iyo khalad ay ka galeen warkaan soo baxay haduu run noqdo si rasmi ahna shaaca loiga qaado hubaal ahaan Alia iyo Sara dad badan oo shalay jeclaa ayaa beri nici doonaan.

Maxuu yahay warka soo baxay:

Sushant markuu bilaaway inuu la shaqeeyo Sara Ali Khan sigaar ah uu la sameeyay filimkii Kedarnath (2018) waxuu dareemay ama uu arkay in sixun loola dhaqmay horta hadal heynta filimka oodhan ayee kala wareegtay maadama Sara Ali Khan inta aysan Bollywoodka soo galin si weyn saxaafada uxiiseyn jireen waxayna kasoi jeeda qoys fanka hindiya caan ka ah.

Hadaba kooxda Kedarnath mudnaanta kowaad ee filimka Sara ayee siiyeen goobta filimka lagu duubaayey Sushant bahdil ayuu ka dareemay in isaga loola dhaqmo shaqaalo caadi ah oo kale halka Sara boqorod oo kale loola dhaqmay maadama qoys awood iyo magac leh kasii jeedo arinkaas Sushant wuu dhibsaday marka kowaad.

Marka xigta Alia Bhatt ayaa la sheegay ine filim la sameeyn rabtay Sushant Singh Rajput waliba aad ayuu ugu farxay la shaqeynta gabadhaan maadama uu waligiis xiiseyn jiray balse waxaa la sheegay Alia inee isaga baxday mashruucaas kadib markee ogaatay in Sushant atoore ka yahay sababto ah dooqeeda ma ahen Sushant oo kama aysan helin inee la shaqeyso sababtaas ayeena kudiiday mashruucaas.

Sushant ayaa aad oga carooday in Alia diiday la shaqeyntiisa iyo inee atiriisho u noqoto arinkaasna wuu kaniyad jabay Alia waxaa kaloo laga haya iney sikaftan ahaan u tiri Sushant waan dili lahaa halka Ranver aan shukaansan lahaa Ranbir na waan guursan lahaa waxay kaloo kaftan ahaan utiri waa kuma Sushant maba garanaayo.

Isku soo wada duub arimahaas oodhan Sushant ayaa sigaar ah oga xumaa Alia Bhatt halka uu ka xumaaday kooxda Kedarnath inee ka doorteen Sara isagii Sushant ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here