Shabakada Yahoo ayaa soo bandhigtay in sanadkan 2020 labada shaqsi loogu baadi goobka badnaa gudaha Hindiya inay yihiin atoorihii geeriyooday Sushant Singh Rajput iyo gabadhii saaxiibtiis ahayd Rhea Chakraborty oo lagu eedeeyay inay dilkiisa ka dambeesay balse markii dambe lagu waayay wax dambi ah inkastoo gabadhan kiis kale oo dhanka daroogada ah lagu xiray markii dambena damaanad lagu soo daayay.

Sida ay CBI-da Hindiya warbixintooda hordhaca ah ku sheegeen Sushant Singh Rajput geeridiisa waxaa loo diiwaan galiyay inuu isaga gurigiisa isku dilay 14-kii June 2020 xili uu kaligiis guriga isku soo xiray kadibna xarig isku dilay sidaa darteed baadi goobka macluumaadkiisa ayaa sababtay barta Yahoo inuu isaga noqdo midka xogtiisa loogu raadinta badan yahay sanadkan 2020.

Fadlan hoos kaga bogo 10-ka shaqsi ee ugu caansan Hindiya ee loogu baadi goob badnaa macluumaadkooda barta Yahoo sanadkan 2020:

10. Allu Arjun

9. Filim sameeye Anurag Basu

8. Sonu Sood

7. SP Balasubrahmanyam wuxuu ahaa muusigiiste caan ah oo geeriyooday 25-kii September 2020

6. Rishi Kapoor oo geeriyooday 30 April 2020

5. Irrfan Khan oo geeriyooday 29 April 2020

4. Salman Khan

3. Akshay Kumar

2. Amitabh Bachchan waxaa ku dhacay karoona inta sanadkan lagu guda jiray.

1. Sushant Singh Rajput.

Dhinaca kale hoos kaga bogo 10-ka gabdhood ee ugu caansan barta Yahoo macluumaadkooda loogu baadi goob badnaa sanadkan 2020:

10. Sara Ali Khan

9. Kareena Kapoor Khan

8. Heesaa Kanika Kapoor

7. Heesaa Neha Kakkar

6. Katrina Kaif

5. Priyanka Chopra Jonas

4. Sunny Leone

3. Deepika Padukone

2. Kangana Ranaut boqorada muranka!

1. Rhea Chakraborty.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here