Jilaaga caanka ah Sushant Singh Rajput ayaa shaaca ka qaaday inuu hada kahor jeclaaday macalimadiisa iskuulka waana jaceylkiisa ugu horeeyay abid xili uu Class-ka 4-aad uu ahaa maalintii shalay ahed ayuuna sheekadan ka hadlay.

Xidigaan ayaa u dabaal dagaayey guusha filimkiisa Chhichhore gaaray dhowr suaalod ayeena saxaafada weydiiyeen dhanka noloshiisa gaar ah markii wax laga weydiiyay inuu waqtigaan xiriir leeyahay waxuu yiri.

“Saacan la joogo anigo kusugan Delhi bisha waa Sep sanadkuna waa 2019 wax xiriir oo aan leeyahay majiraan noloshana Kalli ayaan ku ahay dadka iyagaa iska dhaadhiciyeen inaan xiriir sameystay.”

Waxaa la weydiiyay in lagu xanto seddexda atiriisho kala ah Kriti Sanon, Sara Ali Khan iyo Rhea Chakraborty mid kamid ah inee is fahmeen ayaa la weydiiyay waxuuna yiri”hada ayaan ka jawaabay inaan xiriir laheen maxay yihiin gabdhaha iiso tirisay dhamaan waa asaxaabteyda midna xiriir gaar ah lama lihi.”

Sushant ayaa ka jawaabay suaasha ah xiriirkaadi ugu horeeyay goormuu ahaa iyo markii ugu horeysay aad qof jeclaatay.waxuu yiri isagoo ka jawaabaya,”Class-ka 4-aad ayaan dhiganaayey markii ugu horeysay aan gabar jeclaado.”

“Balse macalimadeyda ayee ahed gabadhaas wanaageeda ayaa kujeclaaday waligeyna uma sheegan jaceylkeyga oo waxaan go’aansaday marka hore imtixaanadka igusoo socday ee iskuulka inaan diirada saaro waqtina siiyo intii aan imtixaanaadka ku mashquulsana waaba la guursaday macalimadii aan jeclaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here