Arinka ku aadan is qaraabeysiga waa mid hadal heyn weyn dhashay taasoona kasoo bilaawatay xidigta Kangana Raut kadib markee tiri Karan Johar waxuu wadaa is qaraabeysi iyo inuu dadka xigtadiisa ah garab kusiiyo inee fanka kusoo biiran halka kuwa kalena uusan ku caawineenin.

hadaba arinkaan waxaa inbadan ka hadleen xidigo badan oo ay kamid tahay Vidya Balan, ugu dambeyn waxay arinka ku tumid Sushant Singh Rajput kaaso kusugnaa IIFA 2017 ee dhacday bartamihii sanadkaan.

xidigaan ayaa codeynta IIFA ka qeyb galaayey xiligaaso wax laga weydiyay arinkaan ku aadan is qaraabeysiga iyo sida uu u arko, wuxuu yiri asigoo ka jawaabaya,

“inaad ku raaxeysato sheekada filimka aad jeceshahy oo aad doorato iyo nooca filimkaada uu yahay wa wax aan aad u jeclahay waayo dooqeyga ayaa sameystay, balse isgarab siinta ama garabeeshan ahaan dadkaada inaa u caawiso waa wax jiro meel walbana kajiraan dhexdeenana kajiraan, weyna jiri doontaa ilaa dadka dhamaan iska joojiyaan is qaraabeysiga.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here