Waxaan horey idiin kula wadaagnay in booliska go’aankii hore ee uu kudhawaaqay kaaso ahaa Sushant isaga is dilay waxayna dhaheen anaga sidaas ayaan ku shakisanahay balse kiiska isdil waa ka weyn yahay baaritaankiisa waan wadnaa wali.

Hader waxaa la sheegay labo hadal oo laga qoray Sushant walaalkiis ama ina adeerkiis iyo saaxiibkiis aadka ugu dhowaa misane filim sameeyo ah waxuuna xoojinaa shakiga ah in Sushant isaga is dilin labadaas hadal ee labada nin kala dhaheen booliska meel ayee ku qorteen.

Sushant ina adeerkiis waxuu dhahay,”inta badan Sushant noloshiisa gaarka ah wax walbo sir ah ilama wadaagi jirin balse mar waxuu iisheegay in dhanka Bollywoodka cadaadis laga saaray oo dad ay dhanka shaqadiisa ku dhibayeen haba noqote isqaraabeysiga hader la sheeg sheegayo.”

Dhanka kale Director Rumy jafry oo ah shaqsi saaxiib la ahaa Sushant aadna ugu dhowaa asna waxuu yiri,”isbuucii ugu horeeyay ee bishaan June waxaan la kulmag Sushant iyo Rhea waxaana ku heshiinay inaan filim wada sameeyno ana aan Director kanoqdo iyagana atoore iyo atiriisho waliba mashruuc shactiro iyo jaceyl isku dhex jiro ah labadoodaba farxad iyo shaqo isku diyaarin weyn ayaa ka muuqatay.”

“Mana u muuqan qof murugeysan haduu is dilaayo siduu filim usaxiixana aad ayuuna ugu xiiso qabay inaa duubista bilaawno waliba waxuu sugi weysana mudada bandowga jiray inta laga baxaayo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here