Shweta Singh Kirti ayaa kusoo dhigtay barteeda Instagram-ka si ay ula wadaagto taageerayaasha walaalkeed iyo jilaagi Bollywood-ka Sushant Singh Rajput qoraal gacmeedkiisa xili uu muujinaayay rabitaankiisa.

Qoraalka waxuu ku muujiyey rabitaanka farshaxanka iyo siduu ugu fiicnaa. “Waxaan u maleynayaa inaan ku qaatay 30 sano noloshayda, 30-ka ugu horeeya, waxaan isku dayay inaan wax noqdo. Waxaan doonayay inaan ku fiicnaado waxyaaba badan, waxaan doonayay inaan ku fiicnaado tennis-ka, iyo iskuulka iyo darajooyinka. Iyo wax kasta oo aan ku daawaday aragtida ama aan lakulmo. Kuma fiicni sida aan ahay, laakiin haddii aan ku fiicnaado waxyaaba badan waa ok, ”ayuu jilaaga qoray.

“Waxaan xaqiiqsaday inaan ciyaar khaldanaa. Sababtoo ah ciyaarta marwalba waxay ahayd in la ogaado waxa aan horay u ahaa, ”ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka ee soobandhigtay sushant walaashiis. Sushant Singh Rajput wuxuu ku dhintey kiis is dil ah sida ee diiwaangaliyeen policeka bishii Juun 14, 2020 magaalada Mumbai.

Filimkiisii ​​ugu dambeeyay, Dil Bechara, waxaa si rasmi ah loogu sii daayay Disney Plus Hotstar bishii july 24, 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here