Atirishada caanka ah ee bartamihii 90-maadkii Bollywood-ka kusoo biirtay Sushmita Sen sidoo kalena filimo badan oo caan ah kasoo muuqatay waxay haatan shaaca ka qaaday inay saaxada filim jilista kusoo laabaneyso mudo 10-sano kadib waxaana siweyn usoo dhaweeyeen arinkaan taageerayaasheeda oo in mudo ah sugayeen inay xidigtaan soo rogaal celiso.

Sushmita Sen mahsruuceeda kowaad Bollywood ma ahan ama ma ahan film tiyaatarka laga daawanayo waa musal sal lagu magacaabo Aarya waxaana si toos ah ama Online ah looga daawan doonaa barta Disney+Hotstar waxaana hawada lagu soo fasixi doonaa musal salkaan 29 Maarso 2020.

Sushmita ayaa musal salkan ku jili doonto gabbar reer Rajasthan ah oo dhaqanka ku dhagan sidoo kalena magaca Aarya ayaa loogu yeeraa oo ah magaca musal salkan wato waxaana Director ka ah Ram Madhwani haataan shaqadiisa waa gabo gabo waxaana hawada lagu soo fasixi doonaa dhamaadka bisha dambe sida la xaqiijiyay ayadoo xidigtaan sheegtay in taageerayaashooda doorkan xiisaha badan ka heli doonaan.

Shirkadaha Disney iyo Fox Star Network ayaa isku darsameen waxayna haatan la baxeen magaca Disney + Hotstar waxayna rabaan suuqa Hindiya inay qabsadaan ayagoo dadka kusoo jiidan doonaan musal salkan cusub Aarya ee Sushmita Sen hogaamiye kowaad ka tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here