Sussanne Khan waxay u dhixi jirtay Superstar Hrithik Roshan ayadoo labo wiil u dhashay sidoo kale waxay walaalo yihiin atooraha Zayed Khan lagu magacaabo halka aabo uu u yahay halyeega Bollywood-ka 70-maadkii iyo 80-maadkii ka dhex muuqan jiray Sanjay Khan balse haatan gabadhan ciwaano wanaagsan lagama soo daabacayo.

Waxaan idinla wadaagnay in Sussanne Khan iyo ku dhawaad 34-qofood oo kale oo dad caan ah ku jiraan laga qabtay goob lagu caweeyo xili dambe habeen ah kuna yaalo magaalada Mumbai kadibna booliska xabsi dhigeen madaama ay jebiyeen sharciga bandowga habeenkii Mumbai ka jiro si looga hortago faafista cudurka karoonaha.

Sidoo kale warbaahinta Hindiya waxay qoreen in Sussanne Khan damiin lagu sii daayay dhawaana maxkamad lasoo taagi doono ayadoo ganaax adag la kulmi doonto. Balse gabadhan arinkan wax kama jiraan ayay ku tilmaantay waxayna sheegtay in warbixin qaldan saxaafada soo xigteen aadna uga xun tahay in magaceeda iyo midka qoyskeedaba meel looga dhacay.

Sussanne Khan qoraal rasmi ah oo ay soo saartay waxay ku tiri “Si xushmad ku dheehan haddaan wax u cadeeyo, habeen hore waxaan joogay xaflad casho dhalasho oo uu igu casuumay qof ka mid ah saaxiibada aadka iigu dhow, qaar kooban oo annaga naga mid ah ayaa ku daaheen Dragon Fly Club oo ku yaalo JW Marriott, deegaanka Sahar. Waxaa goobta imaadeen saraakiisha amaanka kadibna waxay isla hadleen maamulka Club-ka waxayna isla garteen arimaha inay isla xaliyaan oo sharaxaad laga siiyo sababta 2:30 am goobta u furan tahay, sidoo kalena dhamaan martida goobta joogtay oo aan aniga ku jiray waxaa la weydiistay inay sugaan ku dhawaad sedex saacadood inta arinta laga xalinaayo. Ugu dambeyntii waxaa naloo ogolaaday inaan goobta ka baxno 6:00 am aroortii. Sidaa darteed warka been abuurka ah ee warbaahinta siiseesay kuna aadan in nala xiray gabbi ahaanba waa qalad sidoo kalena waa war masuuliad darro ka muuqato.”

Sussane Khan waxay sheegtay inay ka warqabto maamulka Maharahstra bandowga habeenkii ay soo rogeen oo ka bilaabanayo 11:00 pm kuna eg 6:00 am aroortii sidoo kalena aysan wax qalad ah galin madaama martida casuuntay u sheegeen in wax walbo iyaga xalin doonaan balse aysan jirin sharci ay jebisay iyo sidoo kale xabsi la dhigay gabadhaan oo ka xun sida warbaahinta Hindiya ayadoo aanan hubsanin warka meel walbo ku faafiyeen ciwaan ahaan in Sussane Khan la xiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here