Hrithik Roshan iyo Sussanne Khan sanadii 2014 ayay si rasmi ah u kala tageen waxayna soo idleeyeen 14-sano xiriir rasmi ah oo ka dhaxeeyay.

Balse tan iyo bilawgii sanadka hore lamaanihii hore waxay bilaabeen inay aad isugu soo dhawaadaan waqti badaan isla qaataan xiliyada ay firaaqada heestaan.

Waxaa jirtay rajo ku aadaneyd in Hrithik iyo Sussanne dib isugu soo laaban doonaan weliba sheekada waxay sii xoogeesatay Hrithik u dabaal dagayay sanad guuradiisa 45-aad.

Sussanne hada qoyska reer Roshan aad ayay ugu dhow dahay xili walbo oo ay xaflad qabaan kama maqnaato si la mid ah Hrithik wey garab istaagtay markii uu sanadkii hore dagaal kula jiray atirishada Kangana Ranaut oo dacwad kusoo oogtay inuu ku xad gudbay xuquuqaheeda gaarka ah balan jaceylna kaga baxay.

Laakiin qof ka tirsan qoyska reer Roshan ayaa xaqiiqada dhabta ah Bollywood Hungama uga warbixiyay wuxuuna yiri “Hrithik iyo Sussanne waa labo waalid oo caruurtooda wax walbo ka hor mariyeen waxay tusaale u yihiin lamaanaha kala tageen sida ay u dhaqmi lahaayeen”

“Waxay ku heshiiyeen inay iska hilmaamaan qilaafkii ay ku kala tageen marwalbana ay farxada caruurtooda ka taliyaan midaas ayaa keeneyso inay waqti badan wada qaataan qof walbana qof kale garab istaago”

“Laakiin heshiiskooda qayb kama ahayn inay dib isugu soo laabtaan oo qof walbo noloshiisa gaarka ah xalkeeda isaga ayaa yaqaan”

Qofkaan reer Roshan ka tirsan oo magaciisa diiday in la baahiyo wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay “Waan ku farxi laheen hadii ay Hrithik iyo Sussanne dib isugu soo laaban lahaayeen laakiin ilama ahan midaas inay dhici doonto!”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here