Sida aan wada ognahay atirishooyinka kala ah Swara Bhaskar iyo Kangana Ranaut waxaa ka dhaxeeyo dagaal joogto ah markaana Swara ayaa fursad ku heshay Kangana kusoo qaaday weerar culus xili la wada ogyahay in Kangana culees xoogan saaran yahay tan iyo markii arimaha dibad baxayaasha beeraleyda Waqooyiga Hindiya ka socdo si aan loo baahneyn kaga hadalay ayadoo haweeneey waayeel ah ka been sheegtay sawirkeedana adeegsatay kuna tilmaantay qof lacag lasoo siiyay si ay banaan baxa uga qayb qaadato.

Swara Bhaskar jaaniskii ay gaadeesay ayay heshay waxayna tiri “Waxaan u maleynaa wax walbo Kangana ku hadasho ama baraha bulshada soo dhigto inay yihiin sun halisteeda wadato haddana weyba kasii dartay madaama ay been bilaawday inay baahiso waxaa la joogaa xiligii wax laga qaban lahaa qoftaan dadka aanan u kala soocneyn!”

Swara Bhaskar oo hadalka sii wadato waxay tiri “Waxa i dhibaayo ayaa ah in dadka waa weyn xitaa aysan xushmad u heynin hadda ka hor waxay weerar ku qaadatay Jaya Bachchan oo dhali karto, haddana haweeneey masaakiin ah oo gurigeeda iska joogto ayay nabtay kuna tilmaantay qof lacag lasoo siiyay si ay dibad baxa waqooyiga Hindiya ka socdo uga qayb qaadato dowlada culees saarto, wax la aqbali karo ma ahan beenta joogtada ah ee Kangana sheegeyso waa in wax laga qabtaa.”

Ugu dambeyntii Swara Bhaskar waxay Kangana ku tiri “Haddii aad rabtid muran inaad dhexda kaga jirtd maalin iyo habeen dadka kugu faca ah wax ka sheeg aniga diyaar aan kuu ahay inaan dagaalkeena sii wadno laakiin waxaan kugula talin lahaa sidoo kalena kaa codsan lahaa dadka kaa weyn inaad xushmeesid sidoo kalena nabad galyada ugu dadaashid.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here