Atiriishada caanka ah Swara Bhaskar waa qof aan hadalkeeda la gambanin dhowaan ayee ahed markee si kulul oga hadashay dhacdadii jaamacada JNU ee ardayda lagu garaacay iyadoo dowlada ku qeylisay misane la safatay ardaydaas.

Hadana markale waxay si kulul oga hadashay gabar lagu xadgudbay xili feesto ay kasocotay magaalada Delhi gaar ahaan agagaarka Gargi College waxaa la sheegay seddex nin ama ka badan inee gabadha cidlo ku heleen misane gacmahooda la aaden.

Nin walba meeshuu jirkeeda ka taaban karay ayuu taabtay si weyn ayeena gabadhii ugu xad gudbeen sharafkeeda meel kaga dhaceen hadana waa maalin cad oo habeen ma ahan dadka buuqa feestada ayee ku mashquulsanaayen halka ay gabadha luuq gaar ah seddexdaan nin kula xarbineysay si walbe isku difaacdo iskama aysan celin karin niman ka xoog badan.

Ma aysan kufsan balse gacmahooda waxba uguma aysan reebin jirkeeda taasi ayaaba dhib ugu filned gabadha hadaba dumar badan ayaa arinkaan ka ololeeyeen sigaar ah baraha bulshada Swara ayaa arinkaan ogaatay sidii lagu yaqiinayna geesinimadeeda ayee lasoo baxday waxayna baraha bulshada soo dhigtay qoraalkan.

“Maxay tahay waalidda kasocoto Delhi sigaar ah Gargi College damiir naguma dambeeyo miyaa ceeb ha idiin suknaato dadka meesha jooga ee dumarka garabsiineenin Ragg isku sheegan sharafka dumarka ku tumanayaan maxaa indhaha looga eegaya maa la ciqaabo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here