Xafladii lagu soo bandhigaayey goos gooska Filimka Sooryavanshi waxay noqotay xafladii ugu weyned dhawaanahan ee goos goos Filim Hindi lagu soo bandhigo inaba caadi ma aha sida ay hadal heyn weyn u abuurtay.

Goobta waxaa ku kulmeen xidigaha kala ah Akshay Kumar, Ajay Devgn, Katrina Kaif, Ranver Singh iyo Rohit Shetty wacdaro ayaana ka dhacay xili jawi farxadeed ay wada qaateen saxaafadana maalinkaas sawiro iyo muuqaalo ayee ka qaateen jilayaashan.

Goos gooska Sooryavanshi hadal heyn weyn ayuuna abuuray waxaana la isku raacay inuu Filimkaan noqon doono Blockbuster weyn waxaana tiyaatarada la saari doonaa 2r bishaan Maarso.

Ajay oo saxaafada la hadlaayo ayaa fariin u diray taageerayaashiisa iyo kuwa Akshay Kumar si ay u joojiyaan dagaalka joogtada ah ee ay baraha bulshada kawadaan maadama atoorayaashan xifaaltan weyn ka dhaxeyn jiray taageerayaashoodana xifaaltab weyn ayaa ka dhaxeeyo. Devgn waxuu yiri isagoo baaq nabadeed diraayo,”waan ognahay waana lasoconaa marwalba dagaalka joogtada ah ee taageerayaasheena isku wadaan waxaan ku baaqayaa inaand dagaalka joojisaan oona isku caawisaan daawashada Filimkaan Sooryavanshi.”

“Ogaada aniga iyo Akshay saaxiibo ayaa waligeen ahen waana is caawin jirnay idinkana saaxiibo noqda iskuna caawiya inaad si wadajir u daawataan Filimkaan sido kalena joojiya dagaalka baraha bulshada aad ka wadaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here