Suldaan Mahesh Babu wuxuu gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ku leeyahay taageerayaal farabadan waana Superstar awood badan oo fanka Telugu siweyn hormuud ugu ah waxaana horey idin kula wadaagnay magaca filimkiisa cusub oo lagu magacaabo Sarkaru Vaari Paata (SVP) waxayna shaqadiisa bilaaban doonaa bisha September ee nagu soo fool leh waa duubista guud ee filimkan.

Haatan Director Parasuram wuxuu sheegay in filimka Sarkaru Vaari Paata heeska magaca mashruucan (Title Track) lasoo bandhigi doono 9 ka bishan August waana marka uu Mahesh Babu u dabaal dagi doono sanad guuradiisa 45-aad mana dhigan doono xaflad weyn ee kaliya taageerayaashiisa hadiyad wuxuu kaga dhigi doonaa heeska magaca filimkiisa in lasoo bandhigo oo Internet-ka lagu soo fasaxo.

Filimka Sarkaru Vaari Paata waxaa la sheegay in haatan atirisho labaad looga dhigi doono Ananya Panday gabadha fanka Hindiya ku cusub oo sanadkii hore filimkii Pati Patni Aur Woh kusoo caan baxday madaama mashruucan atirisho kowaad ka tahay Keerthy Suresh waxaana lagu kalsoon yahay in filimkan mudo afar bilood ah shaqadiisa lagu qaban doono kadibna qorshaha wuxuu yahay xagaaga dambe in la daawado filimkan weyn.

Sidoo kale waxaa la isla dhex maraa Superstar Kichcha Sudeep inuu filimkan Sarkaru Vaari Paata laadar awood badan ka noqon doono balse weli lama xaqiijinin madaama wada hadalo u socdaan isaga iyo Director Prasuram oo doonayo mashruuciisa inay Mahesh ku wehliyaan jilaayaal caan ah oo Hindiya iyo daafaha caalamka laga yaqaano.

2 COMMENTS

  1. Wa idin salmy filimside.net waxna raba inad arimaha susahant singh noso badisan case kiisa iyo waxyabaha laga qoray mhdnsd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here