Tamil Superstar Suriya ayaa taageerayaashiisa farxad galiyay kadib markii uu la wadaagay aqbaar ku aadan filimkiisa xiga Soorarai Pottru sida ugu dhaqsiyaha badan tiyaatarada loo saari doono madaama mashruucan uu noqon doono filimka ugu horeeyo Tamil ah oo masraxa la saari doono madaama xaalada caadi kusoo laaban rabto.

Filimka Soorarai Pottru wuxuu Suriya ku jilaayaa duuliye ama Pilot wuxuuna ku saabsan yahay sheeko xaqiiqo ah waxaana la horgeeyay gudiga filimada faaf reebana oo mashruucan daawadeen kadibna waxay siiyeen shahaadada loo yaqaan U Certificate oo ka dhigan inuu yahay Universal ama filim qof walbo daawan karo caruur iyo qaangaar sidoo kalena wax muuqaal ah ama hadal ah lagam jarin waxaana lagu tilmaamay filim nadiif ah oo fariin waaqici iyo madadaalo wax gal ah xambaarsan.

Filimka Soorarai Pottru wuxuu Suriya ku matalaa noloshii kabtan GR Gopinath waxaana atirisho kowaad ka ah Aparna Balamurali halka ruug cadaayaasha Bollywood-ka Jackie Shroff iyo Paresh Rawal doorar muhiim ah ku leeyihin filimkan sidoo kalena Mohan Babu iyo Karunas kama marno kaalinta ay qaadan doonaan.

Mashruucan Suria wuxuu ka mid yahay soo saarayaashiisa waxaana Director ka ah Sudha Kongara, qorshahana wuxuu ahaa markii hore la daawado bishii April balse dhibaatada dhacday awgeed mashruucan dib u dhac ayaa ku yimid haatana marka tiyaatarada la furo dhawaan ayaa la daawan doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here