Kartik Aryan taageerayaashiisa si weyn ayee kobcayaan waxuuna noqday xidig laga daba dhacay oo dhalinyada Ragg iyo dumarba soo jiiday hubaal ahaana sanadaha soo socda atoorayaal badan ayuu shacbiyad ku garaaci doonaa.

Jilaagan waa mid kamid ah jilayaasha baraha bulshada taageerayaashooda si weyn kula falgalaan oo suaalahooda ayuu kaga jawaaba isagoo Reply ugalo balse ma awoodo dhamaantooda inuu uwada jawaabo ileen faalooyinka (Comments-ka) kumanaan ayee ka badan yihiin.

Sidaa aawged waxaa dhacdo dadka qaar inee ku dhibsadeen inuusan Kartik usoo jawaabin (qaab Reply ahaan) waana sababta keentay in nin kamid ah taageerayaashiisa uu dhaho lacag ayaa iga diyaar ah oo waanba iibsana jawaabta Kartik.

Nin taageero u ah Kartik ayaa sidan Instagram-ka ku qoray isagoo ka faaloonaayey Post uu Kartik soo dhigay waxuu yiri ninka oo hadlaayo,”walal Kartik taageero weyn ayaan kuu ahay balse waxaan ku dhib qabaa inaan jawaabahaada helin nasiib uma yeelan inaad waligey iiso jawaabto marka waxaa diyaar iga ah 1 lakh ($100,000) si aan u helo jawaabtaadaa (Reply).”

Hadalkaan Comment-ga ah dad badan ayaa la yaabeen qaarkood wey ku qosleen balse Kartik kama aamusin wuuna usoo jawaabay waxuuna yiri,”walaalka waad ku mahadsantahay dareenka aad muujisay sharaf ayeena ii tahay inaad i taageerto balse waa ceeb dalabka ii soo bandhigtay.”

“Sababto ah aniga ma iibsado taageerayaasheyda markaan u jawaabayo waxaa macquul ah inaan arki waayey qoraaladaada hore ama waqtiga ii saamixi waayey laakiin bahasha ganacsi haka dhigin halkaan idinka ayaa leh oo aan waqti idin kula qaataa waqtigaasna iib ma ahan ee waa xor iyo lacag la’aan (Free).”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here