Mid kamid ah taageerayaasha ugu waaweyn ee Shah Rukh Khan ayaa ku hanjabay inuu is dili doono hadii SRK uusan ku dhawaaqin 1 Janaayo 2020 Filimkiisa xiga waana arin lala yaabah 24 saac u dambeysay hadal heyna ka dhalisay Twitter-ka.

Sidaan wada ognahay Bollywood King Khan Aka Shah Rukh Khan Filimkiisa u dambeyay waxuu ahaa Zero oo la daawaday Decembee 2018 balse mashruucan wuu guul dareestay hadaba taagerayaashiisa waxay ku rajo weynaayen in 2019 filim xiiso leh la imaan doono.

Midaas ma dhicin xitaa 2020 wax Filim ah uma qorshesno inkastoo warar xan ah sheegayeen inuu duubis ku bilaawi doono Director Atlee iyo Rajkumar Hirani Filimadooda hadana Rasmi ma ahan warkaan.

Shah Rukh Khan's fan threatens to commit SUICIDE if the actor doesn't announce a new film on January 1

Hadaba taageerayaashiisa dulqaadka ayaa ka dhamaaday waxayna ka xun yihiin in jilaagooda aduunka isaga dalxiiso wax filim ahna uusan sameynin mudo sanad ka badan waxaa bilaawatay markaan hanjabaad.

Waxuu yiri ninkaan taageeraha weyn u ah SRK sida tan,”sidaan kuu sugeynay waan daalnay waxaan rabnaa inaa si deg deg ugu dhawaaqdo Filimkaada xiga ee aad duubeyso hadii aadan 1 Janaayo ku dhawaaqina waa ballan waan is dilayaa waan ku celinayaa waa iga dhab waan is dilayaa.”

Shah Rukh Khan maxuu sameyn doonaa deg deg ma ugu dhawaaqi doonaa Filimkiisa xiga isla beri si wiilkan naftiisa loo bad baadiyo mise waxuu diidaya inee arinkaan caado noqoto oo wuu iska aamusi doonaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here