kaliya afar maalin ayaa inooga harsan daawashada filimka War kaaso ka mid aflaamta ugi weyn ee sanadkan 2019 la daawan doonp haddii uusan ahayn kan ugu weyn

waxaana filimkan ku xifaaltami doonan labada aktar ee kala ah Hrithik Rosha iyo Tiger Shroff kuwqaso filimkan kusoo bandhigi doono Action iyo Dance heer sare ah waana arrin kor usii qaadaysaa hadal-haynta iyo xiisaha filimkan

iyadoo aktarka Tiger Shroff mar waliba shaaciyo inuu weligiisa ku dayin jiray ama uu iska dhigi jiray sida qaabka aktarka Hrithik Roshan maadaama uu si weyn taageero aktarkan

Tiger ayaa dhawaan isagoo xayeesiin u sameenaya filimka War ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inuu habeen walba ka hor inta uusan seexanin inuu daawado heesta filimka War ee Jai Jai Shiv Shankar kaaso dhawaan lasoo saaray waxaana heestana ay iskala soo muuqanaayaan aktarka Hrithik Roshan

haddaba Tiger oo arrintan ka hadlaya ayaa waxa uu yiri ” run ahaantii waxaan mar waliba isku daya inan sameeyo ama aan iska dhigo sida isaga ( Hrithik ) waxaan xili walba jeclahay inan u ciyaaro sida isaga oo kale sidaas darteed waxaan habeen walba daawada heeska Jai Jai Shiv Shankar inta aan seexan waxaan hurdaa anigoo xifdisan ciyaartiisa si aan u sameeyo subax xiga midaasna waxaa tababarkayga”

Tiger ayaa meesha ka bixiyay hadalada dadka isla meel dhiga ciyaarta isaga iyo Hrithik maadaama Tiger uu qirtay Hrithik inuu yahay macalinkiisa sidoo kalena uu ku tababarto dheeshiisa War waxaa la daawan doona 2 bisha soo socota ee October oo ku beegan dhalashada Gandhi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here