Atiriishada caanka ah Taapsee Pannu waxay dhex dabaalaneysa guusha Filimkeeda Saand Ki Aankh ee Bhumi Pednekar la jishay waxayna xidigtaan wareysi xiiso leh siisay Neha Dhupia oo ku casuumtay barnaamijkeda ay jilayaasha kuwareysato misane Tv-yada laga daawado.

Taapsee ayaa goobta wax badan kaga hadashay sida Kangana Ranaut iyo walaashed Rangoli ayee goobta ku jaftay, waxay ka hadashay shaqadeeda, jilayaasha ugu xun ay la shaqeysay iyo moeduucyo kale oo kala duwan.

Neha ayaa weydiisay Taapsee inee sheegto atoore Bollywood katirsan oo iyada fikir ahaanteda ay u aragto inuu meesha isqaraabeysi ku joogo balse qaab jiliin ahaan eber yahay daawadayaashana iska diideen waxayan tiri Taapsee.

“Waa Harsh Varrdhan Kapoor (Anil Kapoor wiilkiisa) sida aan ka arkay atoorahan fagtii hore soo dhaweyn wuu heli waayey oo daawadayaasha wey iska diideen balse hadii waalidkiis shirkada caan ka ahaan laheen Filim labaad cidna lama saxiixateen xitaa aniga booskiisa hadaa joogi lahaa sidaas ookale cidna ilama saxiixateen.”

Taapsee ayaa sheegtay in atoorahan Filimkiisa kowaad lagu diiday mar jilaaga hadii filimkiisa kowaad lagu diido soo dhaweyn mahelin ayee tiri waxuuna Bollywoodka baaqi kusii ahaan karaa kaliya waa in waalidkiis meesha u joogaan waanan sababta Harsh uu baaqi usiiyahay sida ay hadalka udhigtay.

Harsh Varrdhan Kapoor waxuu kusoo caan baxay Filimka Mirzya ee 2016 la daawaday kaaso ganacsi ahaan iyo sheeko ahaanba bur buray 2 sano kadib waxuu sameeyay Bhavesh Joshi Superhero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here