Atirishada door walbo matali karto ee Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya ka dhaxeyso Taapsee Pannu waxay gacanta ku dhigtay mashruuc xiiso badan waana filim Jarmal ah oo lagu magacaabo Run Lola Run asigoo Hindi ah dib loo sameenayo in doorkiisa hogaaminta ay qaadato.

Run Lola Run waa filim Jarmal oo Classic ah kaasi oo sanadii 1998 la daawaday wuxuuna fariin ahaa xambaarsanaa qayaano, cabsi iyo Action waxaana loo bixiyay magaca Loop Lapeta madaama Af Hindi lagu daawan doono sidoo kalena mashruucan waxaa lagu soo daray Tahir Raj Bhasin.

Taapsee Pannu waxay matali doontaa doorkii hirgalay ee Franka Potente jishay halka Tahir Raj Bhasin isagana matali doono Taapsee saaxiibkeed waxaana doorkaas horey u matalay Moritz Bleibtreu. Sidoo kalena filimkan agaasimi doono ama Director ka noqon doono Aaksha Bhatia kaasi oo dhawaan agaasimay filimka taxane ah Inside Edge ee Amazon Prime laga daawaday wuxuuna agaasimay qaybta labaad ama season-ka labaad ee taxanahan.

Shirkada Sony Pictures Entertainment India ayaa soo iibsatay xuquuqda dib u sameynta filimka Run Loola Run una bixisay magaca Loop Lapeta waxayna Taapsee Pannu u arkaan inay tahay qofka kaliya ku haboon inay filimkan Classic ah dib u sameyso sidoo kalena waxay matali doontaa doorkii dhibka badnaa ee atirishada Franka Potente la siinayo kaliya 20-daqiiqo inay lacag fara badan ku keeno si ay saaxiibkeeda noloshiisa u bad baadiso.

Filimka Loop Lapeta duubistiisa waxay bilaaban doonaa bisha April ee sanadkan waxaana la qorsheenaa in daafaha caalamka laga daawado 29 Janaayo 2021 ama sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here