Atiriishada caanka ah Taapsee Pannu waxay dhex dabaalaneysa guusha Filimkeeda Saand Ki Aankh ee Bhumi Pednekar la jishay waxayna xidigtaan wareysi xiiso leh siisay Neha Dhupia oo ku casuumtay barnaamijkeda ay jilayaasha kuwareysato misane Tv-yada laga daawado.

Taapsee ayaa goobta wax badan kaga hadashay sida Kangana Ranaut iyo walaashed Rangoli ayee goobta ku jaftay, waxay ka hadashay shaqadeeda, jilayaasha ugu xun ay la shaqeysay iyo moeduucyo kale oo kala duwan.

Neha ayaa weydiisay Taapsee inee ka hadasho ama wax ka sheegto dagaalka afka ah ee ka dhaxeeyo iyada Taapsee ah iyo dumarka walaalaha ah ee Kangana Ranaut & Rangoli Ranaut waxay ku jawaabtay Taapsee sida tan.

“Mazaan sameey karaa aniga hadee i jecel yihiin gabdhahan walaalaha ah sababto ah waqtigooda ayee ii huraan maalin walba anige i magac hayaan waana la yaabay xan walbo iyo duqeeyn walba ay ii geestaan fursaf ma siiyo.”

“Kuma mashquulo aflagaadooxa iyo dacaayadooda joogtada ah laakiin waliga hadaa aragto qof adiga kugu mashquulaayo waaba qof ku jecel hadii si kale loo fiiriyo dhanka kalena wuxuu noqon karaa qof ku neceb ileen cadowga waa kugu mashquulaa oo dhibkaada ayuu jecel yahay marka Kangana iyo walaashed cadow ma dhihi karo balse hablo maseersan oo ijecel le iska dheh. ”

Hadalkaan nukliyeerka ah ee aadka u kulul macquul ma ahan inee ka aamusaan Kangana iyo walaashed Rangoli oo ah labo kala daran waxaan sugnaaba waa jawaabtoodaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here