Atirishada door kasto sameyn karto sidoo kalena filimada Bollywood-ka iyo kuwa Koonfur Hindiya sameyso Taapsee Pannu ayaa diyaar garrow adag ugu jirto duubista filimkeeda xiga oo ay ku mataleyso orod yahan sidoo kalena tababar adag qaadatay si doorkeeda 100% kaga run sheegto atirishadan la wada jecel yahay.

Taapsee Pannu waxay shaqo ka wadaa filimkeeda lagu magacaabo Rashmi Rocket waana filim looga hadlaayo gabadha tartanka orodada meel sare ka gaartay Rashmi oo socdaalkeeda orodka tuulo kasoo bilaawday ilaa markii dambe biladdo caalami ah oo dahab ah dalka Hindiya usoo hoyisay.

Filimkan xiisaha badan waxaa Director ka ah Akarsh Khurana wuxuuna filim sameeyahan qirtay in Taapsee Pannu tababar adag sameeso xili walbo sidoo kalena haatan 100% isku badashay orod yahan oo ay meel iska dhigtay muuqaalkeedii atirishonimo ee soo jiidashada lahaa.

Wuxuuna filim sameeye Akarsh Khurana yiri “Taapsee dadaalkeeda waxaan ku cabiri karaa oo kaliya inaan dhihi karo hadda waxay diyaar u tahay orod yahay Usain Bolt inay la tartanto! Dabcan waxaan sidaas u leeyahay Usain Bolt orod cid ku gaarto malahan waana ogahay in Taapsee lala bar bar dhigi karin balse waa waxa kaliya ee aan ku qayixi karo dadaalka ay sameesay Taapsee oo hubaal ahaan filimkan qof walbo kaga yaabsan doonto isbadalka dhabta ah oo ay la timid dhanka orodka inay ka run sheegto 100%.”

Filimka Rashmi Rocket waxaa maal galinayaan Ronnie Screwvala, Neha Anand iyo Pranjal Khandhdiya waana filim fariin Sports waaqici ah xambaarsan lana qorsheenayo xagaaga sanadka dambe 2021 in la daawado ayadoo la wada eegi doono sida Taapsee Pannu ugu cadaalad fali doonto doorka Rasmi oo Hindiya ku weyn dhanka orodka marka ay timaado biladaha caalamiga ah ay ku guuleesatay awgeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here