Atiriishada caanka ah Taapsee Pannu ayaa maalmahan heysata hadal heynta Bollywoodka warbixinooyin badan ayaana laga qorayaa mudo hal todobaad gudaheed ah iyada kaligeed.

Xidigtaan wax badan ayee ka hadashay markee Neha Dhupia wareysiga siineysay barnaamijkeeda Tv-yada laga daawado marba mowduuc ayaa laga soo qaataa wareysigaas dheer ee Taapsee halkaas wax badan ku shaacisay.

Kangana iyo walaashed ayee weerar ku qaaday, atiriishooyinka kala ah Jacqueline, Urvashi Rautela iyo kuwa kale ayee weerar ku qaaday, Anil Kapoor wiilkiisha Harsh Varrdhan ayee weerar ku qaaday yaaba celin karo Taapsee.

Taapsee Pannu opens up on gender pay gap in Bollywood, says, it bothers her when she's paid just five to ten per cent of her heroes

Markaan waxay u dooday xuquuqda atiriishooyinka Bollywoodka oo ay ku tilmaamtay dhanka mushaaraadka in wax badan laga xaqiro waxay tiri iyadoo hadleysa.

“Hadii atiriishada ka door weyn tahay ama kaa saameyn badan tahay iyo hadii kale marwalba maxay atoorayaasha oga mushaar bataan hadaa nahay atiriishooyinka mushaarkeena waxuu udhigmaa 5% ama 10% mushaarka atooraha qaato, aniga malihi mid ka badan kuwa atoorayaasha hanala siiyo balse waxaan leeyahay xaqa hala simo.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here