Atirishada awooda badan door kasto sameyn karto Taapsee Pannu una dheer tahay Bollywood-ka iyo dhamaan shirkadaha kala duwan ee Koonfur Hindiya ka dhisan la shaqeyso ayaa sheegtay inay qaadeyso talaabo ay qasab tahay jilaa kasto inuu qaado marka ay xaalada caadi kusoo laabato shaqooyinka Bollywood-ka dib loo amba qaado sidoo kalena tiyaatarada la furo.

Xidigtan haatan ku jirto waqti wacan filim soo saarayaasha ay xiiseeyaan la shaqeynteeda waxay si rasmi ah u sheegtay inay hoos u dhigi doonto lacagaha ay aflaanta ku sameyso diyaar u tahay dhaqaale xumida fanka Hindiya ka jirto awgeed inaysan sicirkeedii hore suuqa dalbanin sidoo kalena lacagaha ay qaadato hoos u dhigi doonto marka xaalada caadi kusoo laabato.

Taapsee Pannu waxay tiri “Dhibaatada dhaqaale xumi dunida oo idil ayay ka jirtaa balse kuma sii jirto fanka waayo daqliga ugu badan dhanka tiyaatarka ayuu kasoo gali jiray haatana waa mid xiran lama garan karo xiliga nolosha caadi kusoo laaban doonto sidaa darteed waxaan diyaar u yahay inaan hoos u dhigo lacagaha aan aflaanta ku sameyn jiray mana la imaan doono shuruudo adag waana u naxariisan doonaa filim soo saarayaasha iyo filim sameeyayaasha kala duwan.”

Atirishadan la wada jecel yahay waxay baaq u dirtay dhamaan jilaayaasha kale ayadoo tiri “Waxaan ku boorin lahaa in jilaa kasto uu dhimo lacagaha uu aflaanta ku sameyn jiray waayo xiligan waxay u baahan yihiin filim soo saarayaasha garab istaag waana hubaa in jilaayaasheena qalbi wanaagsan yihiin sidoo kalena aysan dalban doonin lacagihii horey u dalban jireen ka hor inta aan xaaladan adag la galin.”

Taapsee Pannu waa 32-jir magac ku heshay sameynta aflaanta fariimaha waaqiciga ah xambaarsan waxaana siweyn loogu amaanay bilawgii sanadkan filimkii ay hogaamiye ka ahayd Thappad. Haatana waxay duubis ku waday inta aan bandowga la galin filimka Haseen Dillruba waana filim Hindi ama Bollywood ah waxaana ku wehliyaan Vikrant Massey, Hansika Motwani iyo Harshvardan Rane fariin ahaana waa mid cabsi iyo qayaano isku jiro waxaana Director ka ah Vinil Mathew qorshana wuxuu yahay in 18 September 2020 la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here