Atiriishada caanka ah Taapsee Pannu waxay dhex dabaalaneysa guusha Filimkeeda Saand Ki Aankh ee Bhumi Pednekar la jishay waxayna xidigtaan wareysi xiiso leh siisay Neha Dhupia oo ku casuumtay barnaamijkeda ay jilayaasha kuwareysato misane Tv-yada laga daawado.

Taapsee ayaa goobta wax badan kaga hadashay sida Kangana Ranaut iyo walaashed Rangoli ayee goobta ku jaftay, waxay ka hadashay shaqadeeda, jilayaasha ugu xun ay la shaqeysay iyo moeduucyo kale oo kala duwan.

Neha ayaa weydiisay Taapsee waa kuwee ayee tiri labada jilaa ugu xun abid ee aad la shaqeysay Taapsee maba ka xishoonin ee si deg deg ah u magacaawdo jilayaashas waxayna tiri iyadoo sii sharaxeysa mid walba waxay ku aragtay.

“Jacqueline Fernandez waa mida kowaad ee ugu xun jilayaasha aan abid la shaqeeyay sababto ah markii aan Judwaa duubeynay waxay ahed atiriisho marwalba shidan waxay jeceshahay inee dhar gaaban xirato jirkeeda ayeena ku faanta aniga waan isku dayey inaan iyadoo kale noqdo waanse noqon waayey.”

“Jilaaga labaadna waa Vicky Kaushal sababto ah waxaan waligey ku dadaali jiray inaan muuqaal walba ee shaashada horteeda ah la wadaago laakiin muuqaaladii aan la wadaagay wey yaraayeen waa atoorw qaab jiliin dahabi ah leh oo aan jeclahay la shaqeyntiisa marka aniga ahaan labadaas ayaa iigu xumayeen inta aan la shaqeeyay.”

Taapsee waxay sharaxday in jilayaashaas shaqsi ahaan aysan xumeyn balse waqtiga oo isku diiday ay ku xumaadeen micnaha waxay rabtay Jacqueline oo kale inee noqoto wey ku guul dareesatay iga tag Jacqueline waad xuntahay hadaaba adi cml noqon waayey ayee kawadaa halka Vicky ay jeceshahay Filim walba la sameeyso hadana uma suurto galeyso.

Dadka qaar hadaladan is khilaafsan wey ku wareereen Taapsee ma waxay weerartay jilayaashan mise wey ammaantay ileen hadal is khilaafsan ayaa meesha yaalo qofkiisa si dadban ufahmo oo dhanka inee ammaaneyso u fahmo waa sidii ay Taapsee rabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here