Taariikh: Aamir Khan Oo Ka Sheekeeyay Markii Ugu Horeesay Ee Uu La Kulmay Salman Iyo SRK:

0
2177

Barnaamijkeena Waayo Waayo aan ugu magac darnay oo aan kusoo qaadanyo xasuusaha hore ee Bollywood-ka maanta wuu ka duwanaan doonaa nidaamkii hore.

Inta badan Waayo Waayo waxaan kusoo qaadan jirnay sawir sharaxaad wato oo xili hore ah xogna xambaarsan oo aan aqristayaasha la wadaagi jirnay.

Balse maanta barnaamijka ma garab mareyno waxaan idiin heynaa xog xasuus hore iyo waayo waayo xambaarsan balse aan sawir wadanin.

Aamir Khan Oo Ka Hadlay Markii Ugu Horeesay Ee Uu Salman Khan Iyo Shah Rukh Khan La Kulmay:

Aamir Khan oo ayaa wareysi xasuus dheer xambaarsan wargeyska canka ah Mid-Day siiyay wuxuuna ka hadlay xasuusta sida uu maanta ugu haayo kulamadii ugu horeeyay ee uu la qaatay labadiisa saaxiib Salman iyo SRK.

Aamir Oo Ka Hadlaayay Kulankii Salman: Markii ugu horeesay ee Salman la kulmay waxaan isku aragnay guriga filim sameeye Babla *Aditya Bhattacharya) kaasi oo sii sameeyay filimkii Raakh (1989).

Waxaa xusid mudan in Salman iyo aniga hal fasal wada dhigan jirnay mudo hal sano ah iskuulkii St Anne’s, in Pali Hill xili aan ahayn fasalka labaad, laakiin aniga iyo Salman xiligaas aqoon iskuma laheyn.

Guriga Babla waxaan u tagay inaan kala hadlo sameynta filimka waqtiga yar soconaayo Paranoia oo aan aniga jilaa ka ahaa, waxaana filimka ku duubnay mudo hal bil ah aniga waxay ii ahayd markii ugu horeesay ee aan filim jilo waxaana jiray 15-sano.

Salman banaana Babla gurigiisa ayuu baaskiil ku watay, kadib guriga ayuu soo galay madaama uu Babla aqoon u lahaa, kadib aniga iyo Salman waxaan istaagnay baloonka guriga waan yara sheekeesanay.

Waxaan ka xasuusataa hadaladiisa inuu ii sheegay sida uu u doonayo jilaa inuu noqdo, waxaana ka aaminay inuu yahay qof aad u wanaagsan oo riyadiisa rumeen karo.

Aamir Oo Ka Hadlaayay Kulankii SRK: Waxaan xasuusta inaan kulan yar la qaatay xili aan Juhi Chawla filim la duubayay weliba wadada ayaan ku kulanay.

SRK waxaan ku kulanay inuu Juhi u socday madaama ay filimka Raju Ban Gaya Gentleman wada duubayaan wax yar ayaan wada hadalnay oo aan badneyn.

Waxaan xasuustaa marka aan la kulmay weli filimkiisii kowaad Deewana (1992) ma uusan soo bixin, wuxuu ahaa qof dagan oo aad u wanaagsan, waxaana la qaatay kulan diiran”

Gunanaad: Bal yaa qiyaasi karay in sedexdaan mudo 25-sano ah fanka Hindiya iska maamulaan karaan marka loo fiiriyo daruufaha ay soo mareen ee uu Aamir ka sheekeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here