Atiriishooyinka marwalba waa laga shaqo badan yahay oo atoorayaasha ayaa ka shaqo badan waana sababta ay ugu adagtahay Atiriisho inee sameyso 15 Filim Hit dhameestiran noqdaan sababtana waa inee Aflaamtooda yaryihiin inta badan 50-Filim atiriisho sameysana qarnigan cusub maba soo bixin.

Atoorayaasha 20 Hit inee sameyaan wax sahlan ayee latahay oo qaarkood ayaaba 30 ilaa 50 Hit gaareen balse atirishooyinka waxaa iskoor u ah 15 Hit sidaas ay tahay Hema Malini oo kale 20 Hit kudhowaad ayee sameysay.

Taariikhda fanka hindiya kaliya 4 atiriisho ayaa sameyeen darajada 15 Filim Hit dhameestiran noqdaan atiriishooyinkaasna waxay kala yihiin Mumtaz, Hema Malini, Madhuri Dixit iyo Karisma Kapoor oo mid walba 15 Filim Hit dhameestiran ah (Hit, Superhit, Blockbuster & All Time Blockbuster) u diiwaan gashan.

Marka wey adagtahay atiriisho unee 15 Hit sameyso hadaba hoos kaga bogo atiriishooyinka hader qaanadan soo gali karaan misane kudhow inee bar bardhigaan iskoorka 4-atiriisho 15-Hit sameyeen:

Kajol-14 Filim Hit dhameestiran noqdeen ayee sameysay kaliya hal Filim ayaa udhiman inee darajadaas gaarto waana atiriishada ugu dhow.

Katrina Kaif: 13-Filim Hit dhameestiran noqdeen ayee sameysay 2 Filim kaliya udhiman.

Kareena Kapoor: 12 Filim Hit dhameestiran ah ayee sameysay 3 Filim ayaana udhiman inee darajadaas gaarto.

Deepika Padukone: 11-Filim Hit dhameestiran ah ayee heystaa 4 Filim ayaana udhiman.

Sido kale waxaa jiraan Atiriishooyin xawaare sare kusocdaan hader sida Alia Bhatt oo 6-Filim Hit dhameestiran heysato, Shraddha Kapoor oo 7 mareyso iyo kuwa kale aan aragno atiriishada darajadaan kusoo biiri doonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here