Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Atirishada Ugu Qurxda Badan Bollywood-ka Aishwarya Rai Bachchan Wax Badan Ka Ogaaw (+Sawiro)

Taariikh Nololeedka Atirishada Ugu Qurxda Badan Bollywood-ka Aishwarya Rai Bachchan Wax Badan Ka Ogaaw (+Sawiro)

Dhalasho Wacan Aishwarya Rai Bachchan Oo Maanta 44-sano jirsatay, fadlan hoos kaga bogo taariikh nololeedkeeda oo Update Ah:

Hordhaca Aishwarya Rai Xogta Ku Saabsan:

Aishwarya Rai Bachchan waa atirisho Hindi ah sidoo kalena ku guuleesatay abaal marinta gabadha caalamka ugu qurxoon sanadii 1994 (Miss World pageant of 1994).

Kadib markii ay fanka guulo badan ka gaartay waxay ka mid noqotay shaqsiyaadka ugu caansan ee ebid Bollywood-ka kasoo dhex muuqdaan. Sidoo kalena Aishwarya Rai waa safiir Hindiya caalamka oo dhan u qaabilsan madaama ay tahay qof bandhig faneed walbo ee aduunka ka dhaco lagu martiqaado sanad walbo!

Aish waxay ku guuleesatay abaal marino badan oo caalami ah gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka sidoo kalena abaal marinta Filmfare Awards 2-jeer ayay ku guuleesatay atirishada ugu wanaagsan ayadoo 10-jeer u tartantay.

aish

Waxaa intaas kaga maamuus weyn in dolwada Hindiya ay siisay abaal marinta Padma Shri oo ah bilada 4-aad ee ugu qiimaha badan kaasi oo muwaadinka Hindiga ah la siiyo haka reebin in sanadii 2009 ay dowlada France iyada siiyay abaal marinta maqaamka weyn leh Ordre des Arts et des Lettres.

Aish inta badan saxaafada aduunka waxay ugu yeertaa “Haweyneyda Aduunka Ugu Qurxoon” (“most beautiful woman in the world”).

Xidigtan sidoo kalena hawlaha samafalka aduunka ka jiro siweyn ayay kaga qayb qaadataa madaama ay tahay safiirka samafalka United Nations Programme on HIV/AIDS (UNAIDS).

Aishwarya Rai Bachchan waa marwo waxayna u dhaxdaa atooraha Hindiga ee lagu magacaabo Abhishek Bachchan waxaana u joogto gabar lagu magacaabo Aaradhya Bachchan.

Aishwarya Rai Bachchan Iyo Bilawgii Noloshiisa:

Aishwarya waxay dhalatay 1 November 1973 haatana 44-jir , gabadhan waxay kasoo jeedaa qowmiyada Tulu ee ku hadlaan luqada Bunta waxayna kasoo jeedaa Manglore ee gobolka Karnataka.

Aabaheed Krishnaraj oo geeriyooday 18 Maarso 2017 wuxuu ahaa dhaqtar Militariga Hindiya la shaqeeyo halka hooyadeed Brinda ay ahayd guri joogto inta badan nolosheeda.

Rare

Aish waxaa la dhashay wiil ka weyn oo lagu magacaabo Aditya Rai kaasi oo Ingineer ah kana shaqeeyo maraakiibta dagaalka wuxuuna wax ka qarash gareeyay filimkii  Dil Ka Rishta (2003) ee Aishwarya atirisho ka ahayd.

Markii dambe qoyska Rai waxay usoo guureen magaalada Mumbia waana markii ay Aishwarya bilaawday inay wax ka barato Arya Vidya Mandir High School, Mumbai.

Rai markii hore wax barashadeedii hoose iyo dhexe waxay kusoo qaadatay Jai Hind College kadib gabadhan dadaal badan ayay sameesay waxayna darajada imtixaanaadkii laga qaaday ku baastay 90%.

par

Kadib waxay tababar u gashay darsiga barashada Dance-ga ayadoo mudo 5-sano ah waday waana xiligii ay dhalinta yar oo ay da’deeda u dhaxeesay 13 sano ilaa 19-sano.

Aish maadada ay ugu jecleed wuxuu ahaa  zoology (waa qayb ka mid ah cilimga Biology taasi oo lagu baranaayo qaybaha kala duwan ee noolasha xeywaanka ah dad ama dugaag weliba qaab dhismeedkiisa, uur ku jirkiisa iyo isbadalka dabiiciga ah ee uu sameeyo) sidoo kalena waxay rabtay inay Medicine ku taqasusto balse kuma guuleesanin qorshaheedi markii dambe.

Kadib qorshaheeda waxay u badalatay inay Arts-ka iyo fanka barato waxayna iska soo qortay Raheja College laakiin wey joojisay hamigeedii waxayna bilaawday oo ay waqti badan siisay dhanka Model-ka.

Aishwarya-Rai-U

Sanadii 1991 Rai waxay ku guuleesatay Super Model tartan ah oo ay qabatay Shirkada Ford waxaana markii dambe lagu soo daray ama lagu daabacay gabadhan dhalinta yar Wargeska Mareekanka ee Vogue.

Rai sanadii 1993 ayay aqoonsi weyn ka heshay shacab weynaha kadib markii ay xayeysiin cabitaanka Pepsi ay la sameesay Aamir Khan weliba hadalada ay xayeysiintan ku leedahay muuqaalkeeda ayay Aish caan ku noqotay “Hi, I’am Sanjana”

Sanadii 1994 waxay ka qayb gashay tartanka quruxda gabdhaha Hindiya Miss India balse kaalinta labaad ayay gashay waxaana ku guuleesatay tartankan Sushmita Sen.

47

Laakiin nasiib wanaag Aishwarya Rai waxay ka qayb gashay tartanka quruxda aduunka Miss World madaama Sushmita Sen iyada loo doortay inay tartanka Quruxda gabdhaha Jamaacada aduunka ay ka qayb gashay.

Aishwarya Rai ayaa ku guuleesatay Miss World sidoo kalena isla 1994 waxay ku guuleesatay  Miss World Continental Queen of Beauty ee qaaradaha Asia iyo Oceania.

Kadib markii riyadeedii ay Aish u rumowday waxay ka hadashay in ay rabto dunida oo nabad ah inay aragto una olo oleyso waxayna noqotay safiirka nabada aduunka ee dhanka Model-ka waxayna ku sugneed magaalada London mudo sanad ah sidoo kalena shaqadeedii Model-ka ayay sii wadatay.

Aishwarya Rai Iyo Sida Ay Fanka Kusoo Gashay (1997 – 1998)

Gabadhan quruxda badan waxay heshay dalabyo badan oo ay Bollywood-ka kaga mid noqon kartay balse iyada ayaa iska diiday waxaana ka xusi karnaa in sanadii 1996 ay diiday inay atirisho kowaad ka noqoto filimka Raja Hindustani oo ay Aamir Khan la jisho.

Aishwarya Rai markii dambe waxay aqbashay dalabka Director Mani Ratman waxayna u sameesay filimka Tamil-ka ah ee lagu magacaabo Iruvar waxaana la jileen Mohanlal, Prakash Raj, Tabu iyo Revathi.

maxre

Filimkan ayaa noqday mid guuleestay sidoo kalena abaal marino badan ayaa lagu qaatay, filimkan soo baxay sanadii 1997 Aishwarya Rai madaama ay luqada Tamil-ka si fiican ugu hadli karin waxaa cod ahaan u hadleesay atirishada lagu magacaabo Rohini.

Isla sanadii 1997 ayay Rai Bollywood-ka kusoo biirtay waxayna filim shactiro iyo jecel isku jiro ah la sameesay Bobby Deol waxaana filimkan lagu magacaabaa Aur Pyaar Ho Gaya

1044

Nasiib xumo filimkan Rahul Rawal iska lahaa siweyn ayuu u guul dareestay ganacsi ahaan sheeko ahaana dadka wey iska diideen laakiin Aishwarya Rai qaab jiliinkeeda siweyn ayaa loo amaanay.

Aish sanadii 1998 waxay dib ugu laabatay Koonfur Hindiya waxayna sameesay filimka Jeans ee lacagaha badan lagu qarash gareeyay, filimkan Rai iyada ayaa ku hadleyso luqada Tamil-ka madaama ay si fiican  baratay wuxuuna noqday mid guuleestay weliba Rai xirafeeda Dance-ga ay soo bandhigtay ayaa siweyn loola cajabay

image

Rai filimka Jeans waxaa la jileen labada wiil ee lagu kala magacaabo Prashanth iyo Nassar waxaana filimkan loo doortay sanadii 1998 inuu Hindiya Oscar-ka kaga qayb galo oo uu filimada aduunka la tartamo.

Aish waxaa magaalada Mumbai dib ugu soo celiyay Rishi Kapoor oo u dhiibtay filimkii uu Director-ka kahaa Aa Ab Laut Chalen waxayna la jishay Akshaye Khanna.

Nasiib xumo filimkan guul weyn ma gaarin sidoo kalena sidoo kalena doorkii ay Rai filimkan ka qaadatay dadka filimada wax ka qoraan siweyn ayay u dhaliileen weliba shabakada Rediff.com oo ka faalootay doorka Rai waxay dhaheen “Aishwarya Rai kaliya qosol gacan ku samees ah ayay la timid marnaba kuma soo bandhigin Aa Ab Laut Chalen ficil dadka soo jiidan karo kaliya wey iska ilmeesay, weyna dhoola cadeesay aragti ahaana wey qurxan tahay!”

Rai Iyo Aqoonsiga Shacab Weynaha Hindiya Marka Ay Heshay (1999 – 2001)

Rai nasiibkii ay u baahneed iyo aqoonsigii ay ku raad joogtay dhanka filimada sanadii 1999 ayay u hirgaleen madaama gabadhan filimkeedii Hum Dil De Chuke Sanam uu guul weyn gaaray asigoo Hit noqday iyadana atirishada ugu fiican ayay ku qaadatay oo ay shirkada Filmfare bixiso markii ugu horeesay waxaana filimkan la jileen Salman Khan iyo Ajay Devgan.

Rai intaas kuma ekeen dadaalkeedii isla sanadii 1999 waxay Bollywood-ka ku qabsatay filimkeedii Taal oo ay Akshaye Khanna iyo Anil Kapoor la jileen weliba bandhig cajiib badan ayay ka sameesay wuxuna noqday filimkan mid guuleestay.

maxred

Sanadii 2000 Aish waxay sameesay 6-filim madaama dhamaan shirkadaha iyo filim sameeyayaasha ay iyada dooqa kowaad ka dhigteen.

Filimkeedii ugu horeeyay wuxuu ahaa Kandukondain Kandukondain waa filim Tamil ah oo ay Rai la jileen Tabu, Mammooty iyo Ajith Kumar wuxuuna noqday filim guul weyn gaaray sidoo kalena sheeko ahaan aad loo amaanay.

Rai filimkeedii xigay wuxuu ahaa Josh oo ay la jishay Shahrukh Khan iyo Chandrachur Singh weliba xidigtay SRK walaashiis ayay ku jishay waxayna sameesay dadaal wacan madaama ay boos cajiib badan filimkan ka qaatay sidoo kalena guul dhex dhexaad ah ayuu Josh gaaray.

Aish waxay sanadii 2000 dadka kaga yaabsatay doorkeedii Hamara Dil Aapke Paas Hai ay ka qaadatay waxayna filimkan la jisha Anil Kapoor weliba tartan waxay u gashay atirishada ugu fiican Bollywood-ka oo ay shirkada Filmfare bixiso madaama filimkeedii guuleestay iyadana siweyn loogu amaanay.

ma

Rai waxayba noqotay qof hadii shaashada uu soo hor istaago dadkaba ay iska jeclaanayaan waayo filimkii weynaa Mohabbatein ayadoo muuqaal marti ah ku leh hadana sida ay SRK ula wadaagtay daqiiqada ay ku leedahay ayay sanadii 2000 hadal heyntiisa kula wareegtay.

Sanadii 2001 Rai waxay sameesay filimkii Albela oo ay la jishay Govinda iyo Jackie Shroff laakiin filimkan sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan dadka wey iska diideen inkastoo heesihii ay siweyn u gadmeen.

Aishwarra Rai Wacdarihii Devdas Iyo Markii Magaceeda Uu Caalamka Ku Faafay (2002 – 2007)

Rai sanadii 2002 waji wanaagsan kuma bilaabin madaama filimkii David Dhawan iska lahaa Hum Kisise Kum Nahin, oo ay la jishay Ajay Devgan, Sanjay Dutt iyo Amitabh Bachchan uu Flop ka noqday.

Laakiin filimkii Devdas ayay aduunka ku qabsatay oo ay la jishay SRK iyo Madhuri Dixit weliba Rai waxay ku qaadatay filimkan abaal marinta atirishada ugu wanaagsan oo ay shirkada Filmfare bixiso markii labaad.

aishwarya-rai-and-n

Devdas aqoonsi caalami ah ayuu helay waxaana loo doortay inuu Hinidya u matalo Oscar-ka sidoo kalena uu filimada aduunka la tartamo waana markii ay Aish aduunyada oo idil magaceeda laga bartay.

Sidoo kalena Aishwarya Rai waxay ka qayb gashay bandhig faneedka caanka ah Cannes Film Festival sanadii 2002 wixii markaas ka dambeeyay ilaa haatan sanad walbo si joogto ah ayay xidigtan uga qayb gashaa.

2003 gudaha Bollywood-ka Aish uma wanaagsaneyn madaama filimadiisii Dil Ka Rishta iyo Kuch Na Kaho ay dhulka galeen sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan.

Rai waxay jishay filimkii Bengali-ga ahaa Chokher Bali kaasi oo guul weyn gaaray iyadana sidoo kale ay abaal marino badan oo caalami ah ku qaadatay isla sanadii 2003.

44992709.cms

Rai sanadii 2004 waxay sameesay filimkii Action-ka ahaa Khakee oo ay la jileen Amitabh, Akshay Kumar, Ajay Devgan iyo Tushar Kapoor filimkan guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray laakiin Rai shil ayaa kasoo gaaray weliba waayo baabuur ayaa luga bidix ka maray kaasi oo sababay inuu jab soo gaaro!

Sidoo kale isla sanadii 2004 filimkeedii Kyun! Ho Gaya Na oo ay Vivek Oberao la jishay isagana wuu guul dareestay inkastoo sheekadiisa lasoo dhaweeyay.

Dhamaadkii 2004 Rai atirisho caalami ah ayay noqotay waxayna jishay filimka British-ka ah Bride and Prejudice, filimkan ayaa daafaha caalamka kasoo xareeyay $24m waxaana lagu qarash gareeyay $7m taasi oo ka dhigtay in macaash aad u badan laga helay.

Rai sidoo kale waxay amaan badan heshay filimka sheekadii la wada jecleestay Raincoat oo ay Ajay Devgan isla jileen inkastoo uu guul dareestay hadana abaal marino badan ayaa lagu qaatay.

hrith

Ash soo laba kacleyn xoogan ayay sameesay dhanka Boxoffice-ka madaama ay Hrithik Roshan la jishay filimkii Dhoom 2 ee Blockbuster-ka noqday sanadii 2006 weliba bandhigii ay filimkan ka sameesay ayaa u suura galiyay in markii 6-aad ay u tartanto abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirishada ugu wanaagsan.

Xidigtan laga daba dhacay sanadii 2007 waxay la timid filimkii Guru oo ay ku matashay xaaska Abhishek Bachchan filimkan ayaa noqday Hit weyn sidoo kalena sheeko ahaan aad ayaa loo soo dhaweeyay weliba filimkan markii 7-aad ayay abaal marinta Filmfare Awards ugu tartantay.

Filimka caalamiga ah oo ay wax ka jishay Aish The Last Legion ayaa isagana sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan guul dareestay isla sanadii 2007.

Rai Bandhigeedii Jodhaa Akbar Iyo Doorarkii Kala Duwanaa Oo Ay Sameesay (2008 – 10)

Kadib markii filimo iska dhex dhexaad ah ay Rai ka guul dareesteen xidigtan waxay la timid sanadii 2008 filimka Jodhaa Akbar ee uu sameeyay Ashutosh Gowariker waxaana la jilay Hrithik Roshan filimkan ayaa guul weyn gaaray sidoo kaleena daafaca caalamka sheeko ahaan siweyn ayaa looga soo dhaweeyay iyo ganacsi ahaan.

Sidoo kale Aish isla sanadkan waxay seygeeda Abhishek iyo aabihiis Amitabh la jishay filimkii Sarkar Raj weliba xidigtan wiil iyo aabihiis ayay filimka si wacan ula qeebsatay sheeko ahaan iyo bandhig ahaan.

Dhinaca filimada caalamiga ah Rai waxay sameesay filimkii The Pink Panther 2 sanadii 2009 wuxuuna gaaray guul dhex dhexaad ah asigoo soo xareeyay $34M sidoo kalena Rai bandhigeeda lalama dhicin!

aishwarya-rai

Sanadii 2010 Aish waxay markale la shaqeesay Director Mani Ratman iyo seygeeda Abhishek Bachchan filimkii Raavan laakiin nasiib xumo filimkan wuu bur buray sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan waa lagu qasaaray!

Aishwara Rai waxay dib ugu laabatay sameynta filimada Tamil-ka ah waxayna ka qayb qaadatay mashruuca weyn Enthiran Robot (2010) filimkan waxa iska lahaa Shankar halka Super Star Rajinikanth uu atoore kowaad ka ahaa filimkan ayaa dhigay rikoor taariikhi ah wuxuuna soo xareeyay macaash waali ah gudaha Hindiya iyo dhamaan daafaha caalamka ah.

Dhamaadkii 2010 xidigtan waxay sameesay filimka Guzaarish ee uu Sanjay Leela Bhansali iska lahaa waxayna la jishay Hrithik Roshan filimkan ganacsi ahan wuu guul dareestay balse sheeko ahaan siweyn ayaa loo soo dhaweeyay waxana Aish ku heshay amaan balaaran.

Sanadii 2011 Aishwarya Rai waxay saxiixatay filimka Heroine oo uu iska lahaa Madhur Bhandarkar laakiin Aish filimkan wey isaga baxday filimkan markii duubis lagu bilaabi rabay madaama ay atirishadan uur yeelatay waxaana lagu badalay Kareena Kapoor.

Aishwarya Rai Iyo Marka Hooyo Noqotay Shaqooyinka Ay Haatan Qabaneyso:

Xidigtan laga daba dhacay 5-sano kadib ayay Bollywood-ka kusoo laabatay madaamay ay hooyo noqotay balse saameyntii ay fanka ku laheyd weli ma lumin.

1280x720-sz8

 

Rai bishii Octobe 9-keeda 2015 waxaa usoo baxay filimka Jazbaa balse nasiib daro Flop ayuu ka noqday inkastoo qaab jiliinkeeda si wacan loo amaanay waxayna sameesay soo labasho heer sare ah.

Aish sanadii 2016 gaar ahaan bishii May waxaa tiyaatarada loo saaray filimka Sarbjit oo isagana guul dareestay walow sheekadiisa aad loola dhacay waxaana la jilay Randeep Hooda oo walaalkeed ku jilaayay.

Ae Dil Hai Mushkil ayaa noqday Hit-kii ay u baahneyd waxaana la daawaday Diwali 206 filimkaan Karan Johar iska lahaa waxaana la jileen Ranbir Kapoor iyo Anushka Sharma.

Aishwarya Rai hada waxay duubeysaa filimka Fanney Khan oo ay isla jilayaan Anil Kapoor iyo Rajkumar Rao waxaana la daawan doonaa xagaaga dambe 2018.

Aishwarya Rai Nolosheeda Gaarka Ah Iyo Hawlaha Kale Oo Ay Qabato:

Xidigtan laga daba dhacay sanadii 1999 ayadoo Bollywood-ka ku cusub waxay xiriir jeceyl la sameesay Salman Khan oo ay sanado badan wada socdeen.

Laakiin xiriirkooda inta badan waxaa daba socday muran iyo dhibaato laga soo tabin jiray gaar ahaan Aish oo ku andacoon jirtay in Salman uu dhibaato joogto ah ku hayay inkastoo ay aad u jecleyd

salman-aish-aff

Sanadii 2001 markii ay Aish iyo Salman si rasmi ah u kala hareen waxay tiri “Aflagaado joogto ah, jirdil, bahdilaad iyo dareen xumo ayaan ku qabay Salman Khan sanado badan”

“Weliba shar joogto ah ayuu nafteyda ku ahaa markii dambe waana sababta keentay inaan nolosha u firaaqeeyo madaama aan nafteyda iyo qoyskeyga sharafkooda u baqay”

Salman Khan ayaa sanadii 2009 asigoo inkiraayo waxa ay Aishwarya Rai ka sheegtay wuxuu wargeska Times of India ku yiri “Ma ahan run inaan haweyn gacan u qaaday, mana u qaadi doono!”

Aishwarya Rai kadib nolosheeda waxaa kusoo biiray Vivek Oberao oo ay mudo kooban xiriir ka wada dhaxeeyay laakiin markii dambe Aish ayaa go’aansatay inay xiriirka u jirto Vivek ayadoon sheegin sababta ay ku kala hareen.

Laakiin xidigtan waxaa laga soo xigtay in Vivek ay u aragtay qof aan nolosheeda masuuliyadeeda qaarin madaama uu wiil iska dhalin yar ahaa xiligaas!

aishwarya-rai-bachchan-rare-unseen-pic-2

Laakiin lama filaan waxay is fahmeen Abhishek Bachchan xili ay wada duubayeen filimka Kuch Naa Kaho kadibna xiriirkoodii sida hoose ku bilaawday wuxuu noqday mid shaac baxay.

14 January 2007 ayay si rasmi ah labadan lamaane faraantis isugu galiyeen halka 20 April 2007 ayay si rasmi ah aroos u galeen weliba dhaqanka Hinduuga ayay labadan lamaane isku guursadeen.

Aish iyo Abhishek xaflad aroos oo aan dad badan lagu wicin ayay ku dhigteen guriga qoyska reer Bachchan.

Rai madaama ay tahay gabar Hinduu ah marwalbo oo ay bandhigyada caalamiga ah ka qayb galeyso marnaba seygeeda kama hari jirin Abhishek wuxuuna kala qayb galay bandhiga Cannes Film festival markii ay is guursadeen iyo sidoo kalena Show-ga caanka ah ee The Oprah Winfrey Show.

2404649829

Aishwarya Rai ayaa hooyo noqotay 16 November 2011 kadib markii ay dhashay gabadha yar ee loo bixiyay Aaradhya Bachchan balse magacan in loo bixiyo mudo 4-bilood ah ayay qaadatay!

Aishwarya Rai waxaa loo aqoonsaday inay tahay shaqsiga ugu caansan ee Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena waxaa loo hibeeyay ama macluumaadkeeda si joogto ah u qoraan in ka badan 17,000 oo Website!!

aishwarya-rai-abhishek-bachchan-sixth-anniversary-best-mo

Rai hantida nadiifka ah oo ay heesato waxaa sanadkan 2017 lagu sheegay inay tahay $36M halka daqliga sanad walbo xidigtan soo galo lagu xaqiijiyay $5M.

Xidigtan waa shaqsi caan ah waxayna xayeysiin u sameysaa qaar ka mid ah shirkadaha caanka ah madaama ay tahay qof caalamka siweyn looga yaqaan.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga

One Response to Taariikh Nololeedka Atirishada Ugu Qurxda Badan Bollywood-ka Aishwarya Rai Bachchan Wax Badan Ka Ogaaw (+Sawiro)

  1. wizz bowy

    November 6, 2017 at 11:40 am

    Rai waa qof duarka calaamad u ah aduunk ku nowl Thnks