Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Bollywood Super Hero Hrithik Roshan Iyo Marxaladihii Uu Soo Maray (+Sawiro)

Taariikh Nololeedka Bollywood Super Hero Hrithik Roshan Iyo Marxaladihii Uu Soo Maray (+Sawiro)

Hrithik Roshan waa atoore Hindi ah kana tirsan Bollywood-ka wuxuuna ka mid yahay xidigaha ugu awooda badan fanka Hindiya.

Hrithik Roshan wuxuu ku guuleestay 6-jeer abaal marinta Filmfare Awards qaybaheeda kala duwan guud ahaana wuxuu heestaa 28-biladood oo caalami ah.

Inta badana saxaafada Bollywood-ka iyo mida caalamka waxay Super Star-kan ugu yeertaa “Shaqsiga ugu soo jiidashada badan atoorayaasha Hindiya qaybahooda kala duwan”

Hrithik Roshan 80-kii ayuu bilaabay filim jilista asigoo wiil yar laakiinse sanadii 2000 ayuu Bollywood-ka awood ku qasbaday madaama uu la yimid filimkii caalamka ka yaabiyay Kaho Naa… Pyaar Hai.

Wixii markaas ka dambeeyay wuxuu noqday Super Star isku filan kana mid ah atoorayaasha Bollywood-ka ugu awooda badan dhan walbo.

Marka laga soot ago filim jilista Hrithik wuxuu xirfad u leeyahay inuu madraxa ruwaayado ka jilo sidoo kalena waa heesaa, waxa intaas usii dheer inuu xayeysiimo kala duwan u sameeyo qaar ka mid ah shirkadaha aduunka ugu caansan haka reebin inuu leeyahay shirkado sameyso dharka Model-ka noocyadooda kala duwan.

Hrithik Iyo Yaraantiisii Marxaladaha Uu Soo Maray:

Xidigan wuxu ku dhashay magaalada Mumbai 10-kii Janaayo sanadii 1974 waxaana aabe u ah Rakesh Roshan oo ahaan jiray atoore Bollywood-ka ka tirsanaa haatana ah Director siweyn looga dambeeyo.

Hrithik asigoo 6-jir ah ayuu shaashada soo hor istaagay waayo awoowgiis J. Om Prakash oo ayaa qarash gareeye iyo filim sameeye ayaa filimkiisii Aasha (1980) Hrithik kusoo daray.

Wixii markaas ka dambeeyay hal muuqaal ama labo muuqaal ayuu filimada qoyskiisa ku yeelan jiray waxaana ka mid ahaa filimkii aabihiisa maal galiyay Aap Ke Deewane (1980) ee uu Hrithik wax ka qaaday muuqaal ahaan heestii hir gashay “Ram Kare Allah Kare”

Sidoo kalena Hrithik wuxuu muuqaal ku yeeshay filimkii uu awoowgiisa lahaa ee lagu magacaabo Aas Paas (1981) wuxuuna ku lahaa muuqaal warqad jecel uu u dhiibayo Dharmendra una soo dhiibtay Hema Malini heestii “Shehar Main Charchi Hai” ayuu Hrithik ku dhex muuqdaa.

Laakiin door muhiim ah ee uu hadlaayo wuxuu Hrithik sameeyay markii uu 11-sano jiray asigoo loogu wacaayay magaca Govinda filimkii Bhagwan Dada (1986) ee awoowgiis J. Om Prakash iska lahaa.

Hrithik wuxuu ahaa wiil dadaal badan asigoo fanka ku dhex jiro ayuu hadana waxbarashada meel wanaagsan ka gaaray.

Markii uu waxbarashada sare dhameestay xidigan qoyskiisa waxay usoo diyaariyeen inuu darajada Master kusoo diyaariyo dalka Mareekanka laakiin Hrithik wuu ku gacan seeray wuxuuna ka doortay inuu barto filim jilista iyo xirfadeeda kala duwan asigoo kusoo bartay magaalada New York.

Hrithik wuxuu jeclaa waligiis inuu fanka ku dhex jiro sidaa darteed wuxuu aabihiis kala shaqeeyay filimada kala ah Khel (1992) iyo Koyla (1997) asigoo Director ka caawiyo ka noqday sidoo kalena wax badan ka korarsaday.

Hrithik Markii Uu Si Dhaqsi Ah Super Star Ku Noqdao (From Actor To Super Star):

Wiil walbo oo Bollywood-ka ku cusub wuxuu ku riyoodaa inuu noqdo atoore lasoo dhaweeyo kadibna uu si tartiib ah magac ku yeesho.

Laakiin Hrithik Roshan mudo 14-cisho ah ayuu Super Star ku noqday markii uu Bollywood-ka kusoo biiray, xidigan 14 bishii Janaayo ayaa tiyaatarada loo saaray filimkiisii ugu horeeyay Kaho Naa… Pyaar Hai oo ay la jishay Ameesha Patel oo iyadana fanka ku cusbeed.

Filimkan waxaa sameeyay Rakesh Roshan wuxuuna noqday filim Classic ah oo darajada Blockbuster gaaray gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka wuxuuna dhigay rikooro badan oo taariikhi ah.

Hrithik iyo aabihiis waxay filimkan macaash ahaan kaga heleen 62 Crore (US$9.4 million) sidoo kalena Hrithik abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywood-ka oo ay shirkada Filmfare bixiso ayuu ku guuleestay sidoo kalena abaal marinta atooraha Bollywood-ka ku cusub midka ugu wanaagsan Filmfare Best Male Debut Award isaga ayaa ku guuleestay.

Hrithik sanadii 2000 qaas ayuu u ahaa sidoo kalena filimkiisii labaad Fiza isagana mid guuleestay ayuu noqday waxaana la jishay Karishma Kapoor oo walaashiis ka weyn ku matashay sidoo kalena filimkiisii sedexaad wuxuu ahaa Mission Kashmir oo guuleestay.

Hrithik 12-biladood gudaheeda ayuu ku noqday atoore dhameestiran loona baahan yahay waxaana kusoo xoomeen dhamaan shirkadaha kala duwan ee Bollywood-ka.

Sanadii 2001 filimkiisii kowaad wuxuu ahaa Yaadein oo uu ruug cadaa Subash Ghai iska lahaa waxaana la jileen Kareena Kapoor iyo Jackie Shroff balse wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Hrithik ka guul dareesto.

Hrithik Roshan sanadii 2011 wuxuu ku qatimay filimkii dadka miisaanka culus la isugu keenay Kabhi Khushi Kabhie Gham wuxuuna filimkan noqday Blockbuster weyn sidoo kalena Hrithik doorkiisii si wacan ayaa loogu amaanay.

Hrithik Roshan sanadii 2002 waa sanadkii ugu xumaa ee xidigan soo maray tan iyo markii uu Bollywood-ka kusoo biiray waayo sedexdii filim ee uu sameeyay dhamaantoodii wey guul dareesteen: Aap Mujhe Achche Lagne Lage, Na Tum Jaano Na Hum iyo Mujhse Dosti Karoge!

Hrithik Iyo Markii Uu Soo Laba Kacleeyay:

Xidigan ayaa dareemay in awoodiisa ay dhulka gashay sidoo kalena u baahan yahay inuu boorka iska jafo sidaa darteed bilawgii 2003 wuxuu la shaqeeyay Sooraj Bartajya oo ah Director laga dambeeyo wuxuuna kala shaqeeyay filimkii Main Prem Ki Diwani Hoon.

Filimkan ay Abhishek iyo Kareena ku wehliyeen Hrithik ayaa guul dareestay sidoo kalena heerkii laga filaayay ma uusan gaarin.

Hrithik Roshan iyo aabihiis Rakesh Roshan ayaa dib u midoobeen waxayna la imaadeen filimkii aduunka ka yaabiyay Koi Mil Gaya.

Qoyska reer Roshan sheeko ku cusub Bollywood-ka ayay la imaadeen sidoo kalena Hrithik wuxuu ku dhiiraday door ku cusub fanka inuu sameeyo madaama sheekooyinka Seyniska qayaaliga ku saleesan Bollywoodka laga aqoonin.

Koi Mil Gaya wuxuu noqday filimkii ugu weynaa sanadii 2003 sidoo kalena macaash 80 Crore (US$12 million) ayay Hrithik iyo aabihiis ka heleen filimkan waxana usii dheereed inay abaal marin walbo oo caalami ah hanteen, weliba Hrithik markii labaad ayuu ku guuleestay atooraha ugu wanaagsan Bollywood-ka.

Hrithik wuxuu bilaabay siyaasada ah inuu sanadkii ugu yaraan hal filim sameeyo sidaa darteed sanadii 2004 xidigan wuxuu la yimid filimkii Lakshya inkastoo filimkan uu ganacsi ahaan guul dareestay hadana Hrithik amaan fara badan ayuu ku helay qaab jilinkiisii wacna.

Hrithik Markii Uu Waji Cusub La Yimid (From Super Star To Super Hero):

Hrithik iyo aabihiis hadii ay isku tagaan wax cusub ayaa laga fishaa sidaa darteed qoyskan awooda badan waxay la imaadeen sanadii 2006 filimkii Krish ee Blockbuster-ka weyn noqday sidoo kalena soo xareeyay macaash 117 Crore (US$18 million) dhamaan daafaha caalamka.

Hrithik filimkan si wacan ayaa loogu amaanay wuxuuna ku muteestay in loogu yeero Bollywood Super Hero oo ilaa haatan isaga qaas u ah magacan.

Krish wuxuu ahaa qaybta labaad ee filimkii Koi Mil Gaya wuxuuna Hrithik kusoo bandhigay inuu door walbo xidigan jili karo.

Laakiin 2006 waxaan ala arag ayuu Hrithik sameeyay waayo Krish oo kaliya kuma gaabsanin wuxuu la yimid filimkii xarakada badnaa Dhoom 2.

Dhoom 2 wuxuu noqday Blockbuster sidoo kalena wuxuu iskoorka filimka lacagaha ugu badan ee ebid Bollywood-ka soo xareeyo kala wareegay filimkii Sunny Deol jilay ee Gaddar Ek Prem Katha.

Hrithik ayaa ku qaatay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan oo ay shirkada Filmfare bixiso markii 4-aad.

Super Star-kan sanadii 2007 wax filim ma keenin saaxada ayuu ka maqnaa wuxuuna soo laabtay sanadii 2008 asigoo la yimid filimkii taariikhiga ahaa Jodhaa Akbar oo ay Aishwarya Rai la jishay.

Filimkan guul weyn ayuu gaaray sidoo kalena wuxuu ka caawiyay Hrithik inuu markii 4-aad ku guuleesto abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywood-ka oo ay shirkada Filmfare bixiso.

Sidoo kalena Jodhaa Akbar wuxuu Hrithik u suura galiyay inuu ku guuleesto abaal marin caalami ah Golden Minbar International Film Festival qaybta atooraha ugu wanaagsan wuxuuna ka dhex qaaday 54-dal oo la tartansiiyay waxaana xaflada abaal marintan lagu qabtay magaalada Kazan ee dalka Russia.

Super Hero sanadii 2009 wax filim ah ma sameynin wuxuuna aad ugu mashquulay duubista filimkiisa uu qarash gareeyaha ka ahaayeen asiga iyo aabihiis Kites waxaana filimkan la daawaday 20 May sanadii 2010.

Kites gudaha Hindiya filim guul dareestay ayuu ka noqday laakiin daafaha caalamka rikoor caalami ah ayuu ka dhigay weliba wuxuu noqday filimkii ugu horeeyay ee Bollywood ah kaasi oo Top 10-ka Boxoffice-ka dalka Mareekanka soo galo!

Sidoo kale Hrithik Roshan wuxuu markii ugu horeesay bishii November 2010 filim u sameeyay Director-ka weyn Sanjay Bhansali waxayna ka wada shaqeeyeen filimkii Guzaarish oo ay Aishwarya Rai ku jirtay.

Nasiib xumo Guzaarish wuxuu noqday filim bur buray gancsi ahaan balse Hrithik Roshan qaab jilinkiisii aad ayaa loo amaanay wuxuuna u tartamay abal marinta atooraha ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare bixiso.

Soo Laba Kacleyntii Hrithik Roshan Iyo Marka Uu Iskoorada Dhigay:

Super Hero dib ayuu usoo laba kacleeyay wuxuuna bartamihii sanadii 2011 la yimid filimkii Classic noqday Zindagi Na Milegi Dobara.

Filimkan guul weyn ayuu gaaray sidoo kalena wuxuu noqday filim caalami ah oo ay ku faanaan Bollywood-ka sheeko ahaan iyo ganacsi ahaan.

Hrithik ayaa cirka galay magaciisa wuxuuna sii waday sameynta aflaanta hirgaleen asigoo la yimid bilawgii 2012 filimkii Agneepath wuxuuna noqday filimkan Super Hit sidoo kalena waa filimkii ugu horeeyay ee Hrithik hogaamiye ka yahay kaasi oo 100 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyo.

Hrithik iyo aabihiis ayaa la imaadeen qaybta sedexaad ee taxanaha Krish markana Krish 3 wuxuu dhigay rikoor caalami ah.

Krish 3 sidii la filaayay si ka weyn ayuu u gadmay waxayna reer Roshan ka heleen lacago sare u dhaafayo  300 Crore  (US$45 million) isku darka gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka taasi oo ka dhigtay xidigan in sanadii 2013 uu Bollywood-ka wacdaro xoogan ka dhigay.

Hrithik Roshan ayaa sanadii 2014 la yimid filimkii Action-mada halista ahaa uu kusoo bandhigay Bang Bang, inkastoo filimkan gudaha Hindiya uu guul dhex dhexaad ah ka gaaray hadana daafaha caalamka siweyn ayaa looga soo dhaweeyay wuxuuna wadar ahaan soo xareeyay lacago $50M gaarayo!

Hrithik Roshan sanadkii 2015 wax filim ma keenin wuxuuna inta badan ku mashquulsanaa duubista filimkiisa weyn Mohenjo Daro oo la daawaday 12 bisha August ee sanadkii 2016 waxuuna ka noqday film guul darestay oo Flop ah sido kale sanadkii tagay ee 2017 waxaa xidigaan usoo baxay filmkisa Kaabil.

Inkastoo filmkaan ganacsi ahaan guul darestay oo uu Below Average uu noqday hadana bandhiga camoola nimoda uu xidigaan jilay aad ayaa loogu amaanay waxaana la filaa in sanadkaan abaal marino kala duwan lagu siiyo bandhigaas cajiibka ah.

Super Star-kan cadaadis xoogan ayaa saaran sida awged waxuu rabaa inuu iska dajiyo cadaadiskas waana Hit raadis waxaana sanadkan 2018 usoo bixi doona filmkiisa Super 30.

Hrithik ayaa ku matalaayo filimkaan nolosha macalinka Hindiya caanka ah Anand Kumar kaasi oo bilawgii qarnigaan arday badan si wacan u baray xisaabaadka soona kordhiyay barnaamijyo xisaabaadka dhanka Kumbiyuutarka sahlaan oo ay dowlada Hindiya xitaa adeegsato.

Filimka Super 30 waxaa la daawan doonaa 23 November ee sanadkkan 2018 waana filim lagu kalsoon yahay inuu Hrithik Roshan awoodiisa dhanka Boxoffice-ka mudadan sii wiiqeyso kusoo ceshan karo.

Hawlaha Kale Ee Uu Hrithik Roshan Qabtay:

Roshan labo jeer ayuu dhigay rikoor caalami ah asigoo lacagaha ugu badan atoore ebid filim ku sameeyay uu ku qaatay filimada Bang Bang iyo Mohenjo Daro.

Hrithik ayaa filimkii Bang Bang sameyntiisa ku qaatay 50 Crore sido kale filimkiisa kale ee Mohenjo Daro waxuu sanadkii 2016 ku qaatay 60 Crore.

Marka laga sootago filim jilis xidigan wuxuu leeyahay xirfad dhanka heesaha ah asigoo ka heesay filimada kala ah Kites (2010), Guzaarish (2010) iyo Zindagi Na Milegi Dobara (2011).

Sanadii 2011 Hrithik Roshan wuxuu dhex dhexaadiye ka noqday barnaamijka Dance-ga ee TV-ga laga daawaday ee lagu magacaabo Just Dance.

Waxaa la sheegay inuu halkii dhacdo dhex dhexaadin teedii ku qaatay 17.5 Crore waana lacagtii ugu badneed ee ebid atoore barnaamijyada TV-yada ka baxaan qabto uu ku qaato!!

Hrithik waxaa taalo muuqaalkiisa u eg looga sameeyay lana dhigay madxafka caanka ah Madame Tussauds Wax Museum 20-kii Janaayo 2011, asigoo noqday jilaaga 5-aad ee Bollywood-ka ka tirsan kaasi oo taaladiisa madxafka London ku yaalo la dhigo.

Sidoo kale xidigan taalo kale oo muuqaalkiisa u eg waxaa laga dhigay oo ay taalaa madxaf ku yaalo magaalada Washington, D.C. ee dalka Mareekanka.

Roshan bishii November 2013 wuxuu soo bandhigay shirkada uu sida gaarka ah u leeyahay HRx ee soo saarto qalabka kala duwan ee lagu jimicsado.

Hrithik Roshan Iyo Noloshiisa Gaarka Ah:

Hrithik Roshan wuxuu guursaday 20-kii December 2000 gabadha ay mudo saaxiibada ahaayeen Sussanne Khan.

Hrithik ayaa sheegay inuu Sussanne Khan aqoon u lahaa tan iyo markii ay dhalin yaraayeen sidoo kalena jecel xad dhaaf ah isku qaadeen.

Labadan lamaane waxay isku dhaleen labo wiil oo lagu kala magacaabo Hrehaan oo dhashay 2006 iyo Hridhaan oo dhashay 2008.

Balse labadan lamaane mudo 17-sano ah xiriirkii jecel ee ka dhaxeeyay ayay sanadki 2014 soo gaba gabeeyen madaama ay si rasmi ah u kala tageen.

Waxaa la sheegay in Hrithik Roshan lagu xantay inuu xiriir qarsoodi ah la sameeyay gabadhii la jishay filimkiisii Kites ee lagu magacaabo Barbara taasi oo keentay in xaaskiisa Sussane ay ka carootay ugu dambeyntiina ay nolosha isku firaaqeeyaan.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga,