Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Emran Hashmi Oo Kooban In Badan Wax Ka Baro (+Sawiro)

Taariikh Nololeedka Emran Hashmi Oo Kooban In Badan Wax Ka Baro (+Sawiro)

 

Maanta waxaa 39 jir noqday Atooraha lagu magacaabo Emraan Hashmi oo ay soomaalida ku barteen doorka dhunkashada waana atoore door walba sameyn kara waqtigaan la joogo.

24-kii March 1979-kii ayuu Adduunyada ku soo biiray Emraan waxaana uu ku dhashay magaalada Mumbai ee dalka India ayadoo uu maanta u dabaal dagaayo sanad guurada dhalashadiisa.

Taariiqdiisa Filimada.

Emraan waa Aktar, waxaa adeer u ah  filim soo saaraha caanka ah ee Mahesh Bhatt,Waxaa uu keenay Hashmi filimo badan oo Hit noqday.

Sanadkii 2003 ayuu bilaaway jilista filimada waxaana filimkiisii ugu horeeyay uu ahaa Footpath waxaana filimkaas  kadib uu keenay filimkii Murder ee 2004 kaas uu ku muujiyay inuu yahay Aktarka dhunkashada iyo muuqaalada kadhanka ah dumarka,waana uu ku soo shacbaxay, Filimka Murder waxaa uu box office-ka sameeyay rikoor waana uu guuleystay.

Kadib waxaa uu keenay filimo xiriir ah kuwaaso qaarkod guulo wacan u gaareen, Emran guud ahaan filmada Hit-ka dhamestiran u noqdeen waa 6 film waxayna kala yihiin Murder (Super Hit),Jannat (Super Hit), Once Upon A Time In Mumbai (Hit), Murder 2 (Super Hit), The Dirty Picture (Super Hit) iyo Raaz 3 (Super Hit).

Filmkiisa u dambeyay waxuu ahaa Baadshaho kaaso la daawaday sanadkii 2017 ee an so dhaafnay balse nasiib xumo filmkaan waxuu ka noqday Flop.

Hashmi seddex jeer ayaa loo magaacabay Abaalmarinta Filmfare Award ee Aktarka ugu fiican filimkiisa.

Nolashiisii hore.

Emraan Hashmi waxaa uu ka dhashay qoys Muslim ah waxaana iska dhalay Anwar Hashmi iyo Mahira Hashmi

Aabihiisa Anwar Hashmi isagana waxaa uu ahaa Aktar.

Hashmi waxaa uu wax ku soo  bartay Sydenham College ee magaalada Mumbai sidoo kale jaamacada Mumbai ayuu ku soo wax bartay.

emraan-wife

Nolashiisa qaaska ah.

Hashmi waxaa uuu guursaday14 December 2006 gabadha lagu magacaabo Parveen Shahani kadib lix bil iyo bar ay is shukaansanayeen waxayna u dhashay wiilka lagu magacaabo Ayaan Hashmi.

Oo Sidee guurkoodu u dhacay

Xaflada guurka Aktarkan ayaa aheyd mid la waafijiyay guurka Islaamka oo kale maxaa yeelay waa Muslimiin qoyskiisa, 2010-kii Emraan waxaa loo dhalay wiil magaciisana waxaa uu ka dhigay Ayaan Hashmi,15-kii January 2014 Emraan wiilkiisa afar jirka ah ee Ayaan ayaa la dhibtoonayey xanuunka kansarka.

Diintiisa Maxey tahay Isaga muxuuna ka aaminsan yahay diimaha kale

 

Emraan Hashmi waxaa uu sheegay inuusan ka soo horjeedin diimaha kale ee dunida ka jira waxaana uu sheegay inuusan xaaskiisa dhihin marna in diintiisa muslimka ay soo raacdo.

Emraan waxaa uu sheegay inuu Muslim yahay kuna qasbeyn qaadashadeeda qof waliba waxaana uu tusaale u soo qaatay xaaskiisa oo diinteeda kula ciwaadeysata gurigiisa.

3 Responses to Taariikh Nololeedka Emran Hashmi Oo Kooban In Badan Wax Ka Baro (+Sawiro)

  1. akshy says

    March 24, 2018 at 10:10 am

    sxp kaartada fridy daruwala lasoo bandhig

  2. Bile

    March 26, 2018 at 2:19 pm

    Sxb qoraalka sax mar waxaad soo qortaan waxaa loo dhalay gabar lagu magacaabo Ayaan markalena waxaa ka dhigtay wiil lagu magaacbo Ayaan.. ma gabar baa mise waa wiil qoraalka ku noqo bro.

    • Ali Aadan

      March 26, 2018 at 4:56 pm

      sxb aadba u mahadsantahay waan saxnay magaca Ayaan ayaa na qalday sida xaqiiqda ahna waa wiil