Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Filim sameeye Kundan Shah kaasi oo maanta geeriyooday

Taariikh Nololeedka Filim sameeye Kundan Shah kaasi oo maanta geeriyooday

Hordhac:

Kundan Shah wuxuu dhashay 19 October 1947 wuxuuna geeriyooday 7 October 2017 wuxuuna ahaa filim sameeye iyo qoraa Hindi ah.

Kundan Shah wuxuu caan ku ahaa laguna xasuusan doonaa filimka Comdey Classic ah Jaane Bhi Do Yaaro (1983) iyo musal salkiisii hirgalay Nukkad kaasi oo la daawanayay intii u dhaxeesay 1985 ilaa 1986.

Kundan Shah Iyo Wixii Noloshiisa Iyo Shaqadiisa Lag Diiwaan Galiyay:

Shah wuxuu filim sameynta ama Director-nimo ka bartay machadka Film and Television Institute of India ee maagalada Pune arday badana ka bartaan fanka arimaha la xariiraan qaybihiisa kala duwan.

Kundan Shah inta uu ku guda jiray barashada sameynta wuxuu iska jeclaaday sameynta fariimaha shactirada ah ee dadka lagu mada daalin karo.

Kundan Shah filimkiisii kowaad wuxuu ahaa Jaane Bhi Do Yaaro (1983) waxaana wada jileen  Naseeruddin Shah, Ravi Baswani, Om Puri, Pankaj Kapur, Satish Shah, Satish Kaushik, Bhakti Barve iyo Neena Gupta waana filim uu Kundan isaga qoray kana hadlaayay musaqa Hindiya ka jiro dhan walbo oo hab shactiro ah loo dhigay.

Kundan Shah sanadii 1985 abaal marinta National Film: Indira Gandhi Award for Best First Film of a Director ayaa lagu siiyay hal abuurkiisa bulshada wacyi galin u noqday sidoo kalena filimkiisa Jaane Bhi Do Yaaro (1983) waxay wargeyska The Times ku dartay 25-ka filim ee qasab tahay inaad daawatid oo ay taariikhda fanka Hindiya la imaadeen.

Kundan Shah kadib wuxuu diirada saaray dhanka TV-yada asigoo sameeyay musal salka ama taxanaha Yeh Jo Hai Zindagi, waxaana la daawaday August 1984.

Shah kadib wuxuu ganacsi wadaag la galay shirkada Iskra oo ay aas aaseen filim sameeyayaasha Bollywood-ka caan ka ahaa  Saeed Akhtar Mirza, Aziz Mirza iyo kuwo kale.

Shah iyo Saeed Akhtar Mirza waxay isla sameeyeen taxanaha hirgalay Nukkad kaasi oo la daawanayay 1985 – 86 wuxuuna noqday taxane shacabka oo dhan wada jeclaadeen oo fariin shactiro lagu dhex lifaaqay.

Shah waxay u noqotay wax caadi ah inuu sameeyo musal salada hirgaleen sida Manoranjan (1987), Wagle Ki Duniya (1988).

Kundan Shah markii uu mudo ku dhex jiray sameynta filimada musal salada ah wuxuu qaatay go’aan ah inuu 7-sano shaqada ka nasto asigoo sheegay inuu daal fara badan dareemay.

Kundan Shah Iyo Markii Uu Fanka Kusoo Laabtay:

Shah ayaa soo laabtay wuxuuna sanadii 1994 sameeyay filimkii Classic noqday Kabhi Haan Kabhi Naa sidoo kalena sheekada isaga ayaa qoray wuxuuna noqday filimkaan mid ganacsi ahaan guuleestay oo Semi Hit ah.

Filimkaan waxaa wada jileen Shah Rukh Khan, Suchitra Krishnamurthy, and Deepak Tijori waana filimkii ugu horeeyay ee atoore dhamaadka filimka asigoo guul dareestay baxaayo ama atirishada uu jecel heleyn.

Aragtida uu Bollywood-ka kusoo kordhiyay Kundan Shah siweyn ayaa loo soo dhaweeyay waana mid ah aflaanta SRK ka caawiyay inuu fanka Hindiya caga dhigto

SRK bandhigiisii wacnaa shirkada Filmfare Awards waxay ku siisay abaal marinta  Filmfare Critics Award for Best Performance sidoo kale SRK isaga ayaa qirtay in Kabhi Haan Kabhi Naa inuu yahay filimkiisii ugu bandhiga wanaagsnaaa ee uu ebid sameeyay.

Sidoo kalena Director Kundan Shah waxaa sameynta filimkaan lagu siiyay abaal marinta Filmfare Critics Award for Best Movie  waana mid ka mid ah shaqooyinkiisii ugu tayada wanaagsanaa ee uu sameeyay.

Sanadii 1998 Kundan Shah wuxuu sameeyay filimka Kya Kehna waxaana wada jileen Preity Zinta, Saif Ali Khan iyo Chandrachur Singh balse filimkaan labo sano ayuu dib u dhacay waxaana tiyaatarada la saaray sanadii 2000.

Kya Kehna Super Hit weyn ayuu noqday sheekadiisana dadka oo dhan ayay ka ilmeysiisay markalena Kundan Shah indha Bollywood-ka oo dhan ayuu soo jiitay wuxuuna Preity Zinta ka dhigay atirisho awood leh oo aqoonsi dhameestiran heshay.

Kundan Shah filimkiisii xigay Hum To Mohabbat Karega wuxuu ahaa filim shactiro badan waxaana wada jilaan Bobby Deol iyo Karishma Kapoor balse nasiib daro mashruucaan wuxuu noqday mid guul dareestay.

Kadib ruug cadaagaan filimkiisa kale Dil Hai Tumhara sanadii 2002 ayuu soo baxay waxaana wada jileen Rekha, Preity Zinta, Arjun Rampal, Mahima Chaudhary iyo Jimmy Shergill.

Inkastoo Dil Hai Tumhara uu noqday filim heesihiisa hirgaleen ilaa hadana la jecel yahay hadana Boxoffice-ka Flop ayu ka noqday wuuna soo celin waayay lacagihii lagu qarash gareeyay.

Shah filimkiisii xili hore uu sameeyay balse waqti ahaan soo daahay Ek Se Badhkar Ek ayaa sanadii 2004 tiyaatarada la saaray waxaan hogaamiyaal ka ahaayeen Suniel Shetty, Saif Ali Khan iyo Sonali Bendre madaama uu ahaa filim mudo hore la sameeyay wax soo dhaweeyay malahan wuxuuna ganacsi ahaan noqday mid bur buray.

Kundan Shah filimkiisii ugu dambeeyay ee uu Director ka ahaa P Se PM Tak kaasi oo 2015 soo baxay waxaana hogaamiye ka ahayd atirishada  Meenakshi Dixit wuuna bur buray mashruucaan oo cidna isma weydiinin madaama hadal heyntiisa aad u yareed.

Dhamaad,

Waad Ku Mahad Santahay Aqriskaaga.

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

3 Responses to Taariikh Nololeedka Filim sameeye Kundan Shah kaasi oo maanta geeriyooday

  1. King moe Reply

    October 7, 2017 at 11:29 am

    Idinka mudan sxb,,, codsi sxvyal waxa noo Soo qortaan tarikhda director aziz zejawal Iyo tarikhda sohra seghal,, wad mahad San tihiin bahda filim side

  2. asad yaxye Reply

    October 7, 2017 at 9:15 pm

    sxp Kundan Shah ma gaalbaa

    • Zakarie Abdi Reply

      October 7, 2017 at 9:18 pm

      Sxb hadii uu Muslim yahay waa la sheegi lahaa kaliya inta aan xogtiisa ka helnay waan kasoo gudbinay wax kalena waan soo baadi doonaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *