Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Madadaaliyaha Kowaad Ee Bollywood-ka Akshay Kumar (King of Bollywood) Min Bilaaw Ilaa Dhamaad Oo Update Ah (+Sawiro)

Taariikh Nololeedka Madadaaliyaha Kowaad Ee Bollywood-ka Akshay Kumar (King of Bollywood) Min Bilaaw Ilaa Dhamaad Oo Update Ah (+Sawiro)

Dhalasho Wacan Super Star Akshay Kumar Oo Maanta 50-sano Jirsaday………..

Hordhaca Xogta Super Star Akshay Kumar

Rajiv Hari Om Bhatia wuxuu dhashay 9 September 1967, waa 50-jir ku dhashay magaalada Amristar, Akshay Kumar waa atoore Hindi ah, filim qarash gareeye, kaaratee yaqaan, sidoo kalena kasoo muuqdo barnaamijyada TV-yada ka baxaan.

Akshay Kumar wuxuu sameeyay in ka badan 100 filim oo Bollywood ah kuwaas oo uu atoore kowaad ka yahay, marar badan ayuu u tartamay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan Bollywood-ka oo ay shirkada Filmfare Awards bixiso.

Akshay Kumar abaal marinta National Films Awards ayuu 2017 ku guuleestay qaybta atooraha ugu wanaagsan waxaana biladaan qiimaha badan siisay dowlada Hindiya asigoo ku muteestay bandhigii Classic ahaa ee uu filimka Rustom ka muujiyay.

Sida guud labo jeer ayuu Filmfare Awards ku guuleestay oo kala ah (Laadarka ugu wanaagsan iyo shactiroolaha wanaagsan).

Akshay dadaalkiisa oo wacan iyo sidoo kalena 25-sano oo uu Bollywood-ka ka dhex muuqdo loogana dambeeyo sameynta aflaanta wajiyada kala duwan lagu jilaayo wuxuu muteestay in magacyo badan ay saxaafada ugu yeerto waxaana ka mid ah Akki, Khiladi, Khiladi Kumar iyo King of Bollywood.

Markii uu Akshay fanka kusoo biiray horaantii 90-kii xidigan wuxuu sameyn jiray aflaan Action ah wuxuuna amaan badan ku helay sameynta filimada taxanaha ah ee “Khiladi Series” sidoo kalena wuxuu Action-mo wacan kusoo bandhigay aflaan ay ka mid yihiin  Waqt Hamara Hai (1993), Mohra (1994), Elaan (1994), Suhaag (1994), Sapoot (1996) iyo kuwo kale.

Kumar waa waji badan yahay hadii dhanka Action-ka uu aqoonsi caalami ah ku helay sidoo kalena dhanka dareenka iyo qalbi jileeca shacbiyad balaaran ayuu ku helay wuxuuna sameeyay aflaan jeceyl oo aad loo jecel yahay waxaana ka mid ah Yeh Dillagi (1994), Dhadkan (2000), Andaaz (2003) and Namastey London (2007).

Dhanka shactirada waaba boqor-ka loo caleemo saaray sameynta filimada dadka qalbiga u sifeeyo wuxuuna caan ku yahay inuu sanado badan shacab weynaha aduunka kaga qosol siinaayay filimadiis Classic ah oo ay ka mid yihiin Hera Pheri (2000), Mujhse Shaadi Karogi (2004), Garam Masala (2005), Bhagam Bhag (2006), Bhool Bhulaiyaa (2007), Singh Is Kinng (2008) iyo kuwo kale.

Marka laga hadlaayo guulaha shaqsi ahaaneed uu gaaray King of Bollywood wuxuu dhigay rikoor taariikhi ah bishii Febraayo 2013 madaama uu noqday atoorihii ugu horreeyay ilaa haatana heesto rikoorka ah in wadarta guud ee lacagaha filimadiisa ay soo xareeyeen 20-bilyan oo Rupees ($300M)!

Sidoo kalena Kumar shabakada Boxoffice India oo ah keyda ugu weyn ee natiijada aflaanta lagu xaqiijiyo waxay Akshay Kumar u aqoonsatay atooraha ugu guulaha badan Bollywood-ka 23-sano ee ugu dambeesay asigoo sameeyay 47-filim oo guuleesteen!!

Aqoonsi shaqsi ahaaneed ayuu Akshay heestaa madaama dawlada Hindiya ay sanadii 2011 ay siisay abaal marinta  Padma Shri waana bilada 4-aad ee ugu darajada sareyso ee muwaadin Hindi ah la siiyo.

King of Bollywood sidoo kalena wuxuu isla sanadii 2011 ku guuleestay abaal marinta  Asian Awards asigoo qaarada Asia ay ku tilmaantay jilaa dunida inteeda kale aqoonsi caalami ah ka heesto!

Dhanka dhaqaalihiisa gaarka ah Akshay kaalinta 10-aad ayuu ka galay atoorayaasha aduunka ugu hodansan waxayna shirkada Forbes ku xaqiijsay Akshay daqliga soo galay xidigan 12-bilood ee ugu dambeesay (June 2016 – June 2017)  inuu yahay $37 million.

Sidoo kalena xidigan wuxuu ka lacag badiyay dhanka daqliga soo galay 12-bilood ee ugu dambeesay qaar ka mid ah xidigaha Hollywood-ka ugu caansan oo ay ka mid yihiin Harrison Ford, Will Smith, Adam Sandler, Brad Pitt iyo Leonardo DiCaprio.

Akshay Kumar Bilawgii Noloshiisii Iyo Marxaladaha Uu Soo Maray:

Akshay wuxuu ku dhashay magaalada Amristar ee gobolka Punjab, aabihiis  Hari Om Bhatia wuxuu ka tirsanaa ciidamada Militariga Hindiya halka hooyadiis xidigan lagu magacaabo Aruna Bhatia.

Akshay asigoo aad u dhalin yar ayuu Dance-ga ku fiicnaa wuxuuna xidigan ku noolaan jiray xaafada Chandni Chowk ee magaalada Delhi kadib wiilkan yar iyo qoyskiisa waxay usoo guureen  Koliwada ee ka tirsan Mumbai.

Akshay xaafada uu ku noolaa reer Punjab ayaa u badnaa sidoo kalena wiilkan wuxuu waxbarasho ka bilaabay Don Bosco School.

Kumar wuxuu bilaabay markii dambe waxbarashada sare asigoo wax ka baran jiray Guru Nanak Khalsa College, laakiin kuma waarin hal sano kadib waxbarashada wuu isaga tagay wuxuuna u hayaamay magaalada Bangkok ee dalka Thailand si uu cayaarta Kaarateega xirfad ahaan usoo barto.

Akshay qoyskiisa iyo walaashiisa Alka Bhatia wuu isaga hayaamay wuxuuna go’aan ku gaaray inuu nafsad ahaantiisa isbadal la imaado sidaas ayuu Hindiya kaga tagay.

Kumar markii uu dhalinta yaraa wuxuu ku riyoon jiray inuu mar un atoore Bollywood-ka ka tirsan riyadaasna si qarsoodi ah aabihiis ayuu ugu sheegan jiray.

Akshay Kumar with his mom Aruna Bhatia

Akshay iyo hooyadiis Aruna Bhatia

Xiligii uu Kumar dalka Thailand barashada cayaarta Kaarateega u joogay xiligan xiligiisa firaaqada ah kabal yeeri ama (Waiter) ayuu maqaayad ka ahaan jiray markii dambena cuno kariye ama (cook) ayuu u dalacay si uu noloshiisa u maareeyo.

Kumar Hindiya ayuu kusoo laabtay asigoo shahaado cayaarta Kaarateega ah heesto kadibna tartan kala duwan ayuu ka qayb galay asigoo qaar ka mid ah ku guuleestay.

Mid ka mid ah ardaydii uu Akshay Kumar bari jiray cayaarta Kaarateega ayaa ku dhiiri galiyay inuu dhanka Model-ka bilaabo madaama ardaygaas uu sawiro qaado fiican ahaa.

Kumar labadii maalmood ee ugu horreesay sawirada laga qaaday iyo labiska uu xirtay ayaaba noqdeen kuwo shidan wuxuuna ka helay lacago fiican.

Weliba labada maalmood ee uu Model-ka sameeyay lacagaha uu ka helay waxay ka badnaatay mudo bil ah mushaarka uu ka heli jiray cayaarta Karaateega ee uu dadka bari jiray!

Sidaa darteed Model-ka iyo Fashion-ka inuu xooga saaro ayuu bilaabay madaama uu lahaa qaab dhismed dadka soo jiidan karo.

Sidoo kalena filimo kala duwan ayuu ka noqday dadka cayaarta Dance-ga lagu tijaabiyo ka hor inta aan heesaha lagu darin cayaarta.

Maalin maalmaha ka mid ah Kumar wuxuu haleeli waayay ama ka baaqatay diyaaradii uu magaalada Bangalore ku aadi lahaa asigoo halkaas xayeysiin ku sameyn rabay.

Kadib wuxuu booqday Studio filimaan lagu duubayay asigoo wato sawiro iyo warqado xaqiijinaayo inuu Model-ka ku wanaagsan yahay.

Nasiib wanaag habeenkaas waxay goobta isku arkeen filim qarash gareeyaha lagu magacaabo Pramod Chakravarthy kaasi oo la dhacay waxqabadka Akshay iyo sawiradiisa wuxuuna la saxiixday inuu atoore kowaad ka noqdo filimkii Deedar.

Waxaa lagu tilmaamay sida uu Akshay Kumar Bollywood-ka kusoo galay mid nasiibka uu ka saaciday balse uusan marnaba helin qof ka tala bixiyo ama garab siiyo si uu atoore kaga noqdo fanka!

Akki Iyo Sida Ay Indhaha Ugu Kala Qaadmeen Bollywood-ka Markii Uu Soo Galay:

Waxaa muhiim ah inaan xusno in sanadii 1987 uu Akshay Kumar muuqaal yar oo uu ku matalaayay macalin cayaarta Kaarateega sidoo kalena aan loo soo xiganay uu ku yeeshay filimkii Aaj ee uu atoore kowaad ka ahaa  Kumar Gaurav waxaana iska lahaa Mahesh Bhatt, xitaa laguma xusin Akshay inuu filimkan muuqaal ku yeeshay madaama uu iska ahaa qof iska caadi ah!

Inkastoo Deedar uu ahaa filimkiisii ugu horreeyay ee uu saxiixday hadana xidigan filimkiisa kowaad ee tiyaatarada loo saaray wuxuu noqday Saugandh (1991).

Waxaana Akshay filimkan la jileen  Raakhee iyo Shantipriya laakiin filimkan dhulka ayuu galay mana noqon filim la sheeg sheego, waxaa Akki ugu xigay filimki Dancer isagana filimkan isla sanadii 1991 ayuu soo baxay waana filim guul dareestay sheeko ahaana la iska diiday.

Nasiib wanaagsan wiilkan dadaalka badan aqoonsigii iyo sharafkii uu mudnaa wuxuu ku helay filimkiisii Khilladi oo sanadii 1992 soo baxay waxaana iska lahaayeen Abbas-Mustan, filimkan ayaa Hit weyn noqday Akshayna waxaa loo bixiyay Khiladi Kumar.

Laakiin filimkiisii xigay Mr. Bond ee sanadii 1992 soo baxay Akshay wuu ka dhacay wuxuuna noqday filim lagu qasaaray, xidigan sanadii 1992 wuxuu kusoo qatimay filimkii Deedar waa midkii ugu horreeyay ee uu saxiixday balse dib u dhac ayaa ku yimid wuxuuna noqday filimka daadka qaaday.

Sanadii 1993 saxiixyo badan ayuu Akshay sameeyay madaama uu Bollywood-ka si fiican u guda galay laakiin xidigan kama fikirin sameynta filimo tayo leh ee wuxuu hadafkiisa ahaa inuu qof walbo la shaqeeyo.

Sidaa darteed dhamaan aflaantii ee uu 1993 sameeyay badankooda wey guul dareesteen wuxuuna la yimid sanadkaad Ashaant,, Dil Ki Baazi, Kayda Kanoon, Waqt Hamara Hai iyo Sainik.

Kumar Iyo Marka Uu Dareemay Guusha Macaanka Ay Leedahay:

Akshay Kumar sanadii 1994 ma ahan sanad uu iloobi karo waayo wuxuu sameeyay 11-filim oo kala duwan weliba dadaalkiisa gudaha Hindiya iska dhaaf ee daafaha caalamka meelo ka mid ah ayaa laga dareemay.

Filimkiisii Mohra ee uu Suniel Shetty la jilay wuxuu noqday Blockbuster weyn weliba filimkii labaad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay sanadii 1994 ayuu noqday.

Waxaa xusid mudan in filimkiisii Yeh Dillagi ee uu Kajol iyo Saif Ali Khan la jilay inuu ka caawiyay markii ugu horreesay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan ee shirkada Filmfare bixiso inuu u tartamo.

Image result for akshay kumar in 90s

Marnaba lama iloobi karo aflaantiisii 1994 guulaha gaareen ee uu Akshay la yimid waxaana ka mid ah Main Khiladi Tu Anari, Suhaag iyo Elaan.

Akshay wuxuu noqday atoore la jecel yahay oo dhanka Action-ka looga dambeeyo sidaa darteed sanadii 1995 markale ayuu guul gaaray madaama filimkiisii Sabse Bada Khiladi oo ay Mamta isla jileen uu Hit dhameestiran noqday weliba magaca Khiladi inuu nasiib ku leeyahay ayuu muujiyay.

Kumar guuldarooyin wuu la kulmay laakiin wuxuu magaciisa iyo mansabkiisa ku joogteeyay filimkii Super Hit-ka weyn noqday Khiladiyon Ka Khiladi oo ay Raveena iyo Rekha la jileen.

Kumar filimkan aqoonsi caalami ah ayuu ku muujiyay wuxuuna tusay dadka in filim hadii kaligiis loo dhiibo inuu guul weyn gaarsiin karo wixii markaas ka dambeeyay wuxuu saxiixday aflaan badan oo uu kaligiis atoore kowaad ka yahay.

Kumar Iyo Marka Uu Ku Sigtay Inuu Mustaqbalkiisa Bollywood-ka Dhulka Galo:

Marka laga reebo in sanadii filimkii uu caawiyaha ka ahaa  Dil To Pagal Hai (1997) uu Blockbuster noqday dhamaan aflaantii kale ee uu xidigan sameeyay intii u dhaxeesay 1997 iyo 1999 waxay ahaayeen aflaan wada guul dareesteen.

Akshay marwalbo bandhigiisa ma xumeyn laakiin filimadiisa guul ma gaari jirin xiligaas xidigan dhulka ayuu galay magaciisa waxayna dadka ku tilmaameen ubax qalalay oo aan dib loo qoyn karin!!

Weliba Kumar waxaa la sheegay in 13-filim ay xidigan ka guul dareesteen mudadii uu hoos u dhaca weyn heestay waxaana filimadaas ka mid ah ‘Daava’, ‘Tarazu’, ‘Aflatoon’, ‘Insaaf’, ‘Keemat’, ‘Barood’ ‘Zulmi’ iyo kuwo kale.

Hoos u dhaca Akshay qabsaday ayaa sababay inuu ka haro ama la tartami waayo raggii uu xifaaltanka gaarka ah kala dhaxeeyay sida Ajay Devgan, Shah Rukh Khan iyo Suniel Shetty oo ay fanka isku xili magac wada yeesheen.

Soo Laba Kacleyntii Akshay Iyo Markii Uu Bilaabay Sameynta Filimada Tayada Wanaagsan:

Akshay Kumar inuu yahay atoore aad u wanaagsan dood kama taagneyn balse dooqa filimadiisa ayaa xidigan lagu dhaliili jiray laakiin sanadii 1999 ayaa lagu tilmaamaa (The Turning point of his career).

Waa sanadkii u suura galiyay inuu fanka baaqi kusii ahaado mudo dheer sidoo kalena la wada qiro inuu yahay atoore mudan in marwalbo loo dhiibo aflaanta sheekada fiican leh.

Kumar labadiisii filim ee 1999 uu la yimid Sangharsh iyo Jaanwar wuxuu kusoo bandhigay qaab jiliinkiisii ugu wanaagsanaa wuxuuna ku helay amaan balaaran iyo shacbiyad aad u balaaran.

Jaanwar waa filim guul weyn gaaray sidoo kalena Akshay Kumar ka saaray abaartii dhanka Boxoffice-ka ka heesatay mudo dheer.

Sanadii 2000 sidoo kale sanad qaas ah ayay Akshay Kumar u ahayd madaama filimadiisii Dhadkan iyo Hera Pheri ay guulo gaareen sidoo kalena xidigan siweyn loogu amaanay jiliin ahaan iyo sheeko ahaan.

Image result for akshay kumar in 90s

Weliba filimka Hera Pheri wuxuu noqday filim Classic ah kana mid noqdo aflaanta shactirada ee ugu wanaagsan oo ay ebid Bollywood-ka sameeyaan.

Kumar cagaha ayuu dhulka la helay wuxuuna noqday dooqa kowaad ee filim sameeyayaasha sidaa darteed sanadii 2001 xidigan wuxuu sameeyay filimkii sheekadiisa wacneyd Ek Rishta oo daafaha caalamka siweyn uga gadmay.

Sidoo kalena isla sanadii 2001 wuxuu la yimid filimkii Ajanbee oo ay Bobby Deol isla jileen wuxuuna ku qaatay abaal marinta laadarka ugu wanaagsan oo ay shirkada Filmfare Awards bixiso.

Akshay joogto ayay u noqotay inuu sanad walbo aflaan Boxoffice-ka guulo ka gaaraan uu sameeyo wuxuuna sanadii 2002 la yimid labada filim ee guulaha gaareen ‘Awara Paagal Deewana’ iyo ‘Aankhein’.

Laakiin sanadii 2003 ayuu darajo sare ku tilaabsaday madaama filimkii Andaaz ee uu kaligiis atoore ka ahaa uu noqday Big Hit weliba xidigan filimkan gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka siweyn ayuu aqoonsi caalami ah kaga helay.

Kumar nasiibkiisa ayaa iska noqtay mid joogto ah sidaa darteed sanadii 2004 wuxuu la yimid filimkii Hit ka noqday ‘Mujhse Shaadi Karogi oo ay Salman Khan isla jileen sidoo kalena filimada Khakee iyo Aitraaz guulo dhex dhexaad ah ayay gaareen.

Kumar maba ahaan karo guul la’aan sida darteed sanadii 2005 wuxuu la yimid labadii filim ee wacnaayeen Waqt iyo filimkii Hit ka weyn noqday Garam Masala ee shactirada ahaa.

Akshay Darajada Super Star-nimada Marka Uu Gaaray Iyo Xiligii Uu 3-Khans Ka Meel Saaray

Intii u dhaxeesay 2000 ilaa 2005 Akki wuxuu ahaa atooraha ugu guulaha badan Bollywood-ka laakiin sanadii 2006 wixii ka dambeeyay ayuu darajada Super Star-nimada helay.

Nin walbo maalinkiisa ayuu sugtaa waxaana bilaabay 2006 xiligii Kumar uu noqday Super Star buuxo waayo aflaan guul waa weyn gaareen ayuu isku xijiyay intii u dhaxeesay 2006 ilaa 2008.

Kumar gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka taageerayaashiisa wuxuu damaanad ahaan u siiyay filimkii uu sameeyo inuu ugu yaraan Hit noqdo wuxuuna xidigan sameeyay aflaan Hit dhameestiran wada ah oo ay ka mid yihiin Phir Hera Pheri (2006), Bhagam Bhag (2006), Namastey London (2007), Heyy Babyy (2007), Bhool Bhulaiyaa (2007), Welcome (2007) iyo Singh Is King (2008).

Xidigan wuxuu gaaray in loogu yeero King Of Bollywood sidoo kalena uu ka awood badiyo 3-Khans (Salman, SRK iyo Aamir) oo sanado badan Bollywood-ka iska heesteen.

Weliba Akshay Kumar sanadii 2007 ilaa 2009 wuxuu ahaa atooraha lacagaha ugu badan Bollywood-ka filimada ku sameeyo!

Akshay Kumar Iyo Hoos U Dhac Saameeyay Guulihii Laga Yaqiinay Markii Ay Asiibeen:

Xiligii dahabiga ahaa ee Akshay Kumar hakad ayaa ku yimid madaama xidigan sanadihii 2009 ilaa 2011 uu la yimid aflaan badan oo aan gaarin guulihii lagu yaqiinay.

Super Star-kan sanadii 2009 wuxuu awoodi waayay inuu filim Hit dhameestiran noqday sameeyo asigoo la yimid aflaanta kala ah Chandni Chowk To China (Disaster), 8 x 10 Tasveer (Disaster), Kambakkht Ishq (Average), Blue (Flop) iyo De Dana Dan (Average).

Akshay iyo taageerayaashiisa lama filaan ayay ku noqotay in 2009 uu ku dhameestay Hit la’aan laakiin bilawgii 2010 ayuu la yimid filimkii wacnaa ee shactirada ahaa Housefull oo Hit weyn noqday.

Laakiin isla markiiba Akki waxaa ku adkaatay inuu sameeyo filim Hit dhameestiran noqdo wuxuuna la yimid filimada kala ah Khatta Meetha (Flop), Action Replayy (Flop), Tees Maar Khan (Semi Hit), Patiala House (Flop), Thank You (Flop) iyo Desi Boyz (Flop).

Waa yaab 11-filim ee Akshay Kumar sameeyay intii u dhaxeesay 2009 ilaa 2011 kaliya hal filim oo ah Housefull (2010) ayaa Hit dhameestiran ka noqday.

Kumar Iyo Mar Labaad Wacdaraha Uu Dhigay Ileen Super Star Kaliya Filim Fiican Ayuu U Baahan Yahay!

Never write off Akshay Kumar, sheekada waa sidaas ileen sanadii 2012 awood ayuu kula wareegay Boxoffice-ka gudaha Hindiya madaama lixdii bilood ee ugu horreesay uu sameeyay labo filim oo 100 Crore soo xareeyeen Housefull (Super Hit) iyo Rowdy Rath–e (Blockbuster).

Weliba filimka Rowdy Rath–e wuxuu noqday filimka ugu weyn ee uu taariikh ahaan Akshay Kumar sameeyo sidoo kalena waa filimka loogu daawasho badan gudaha Hindiya ee uu Akshay sameeyo madaama 20-milyan iyo 95,000 oo qof ay filimkan tikit u goosatay tiyaataradana ka daawadeen!

Akshay Kumar 2012 wuxuu ku qatimay labada filim ee guulaha gaareen MG – Oh My God! (Super Hit) iyo Khiladi 786 (Average).

Sanadii 2013 Akshay waxay u ahayd sanad iska dhex dhexaad ah waayo filimkiisii Special 2016 guul fiican ayuu gaaray laakiin labadiisii filim ee kale Once Upon A Time In Mumbaai Dobaara! Iyo Boss wey guul dareesteen.

Kumar ayaa sanadii 2014 la yimid filimkii cajiibka badnaa Holiday – A Soldier Is Never Off Duty kaasi oo Hit weyn noqday sidoo kalena ka caawiyay inuu amaan badan ku helo doorkiisii dhibka badnaa.

Kumar Iyo Xiligii Cadaadiska Soo Wajay Iyo Sida Uu Isaga Dajiyay:

Shabakada Boxoffice India waxay sheegtay Akshay Kumar inuu yahay atooraha sedexaad ee ugu shacbiyada balaaran gudaha Hindiya kaliya Salman Khan iyo Shah Rukh Khan ayaa ka shacbiyad badan laakiin xidigan shacbiyadiisa kama faa’iideesanin 24-bilood ee ugu dambeesay.

Kumar 5-filim ee ugu dambeesay ee uu sameeyay weli ma jiro mid Hit dhameestiran noqday: Entertainment (Flop), The Shaukeens (Flop), Baby (Average), Gabbar Is Back (Semi Hit) iyo Brothers (Flop).

Sidaa darteed xidigan wuxuu u baahan yahay Hit dhameestiran inuu sameeyo si uu isaga dajiyo cadaadiska saaran dhanka Boxoffice-ka wuxuuna isaga dajin karaa hadii filimkiisa bisha October 2-deeda la daawan doono Singh Is Bling uu Hit weyn noqdo mardame lagama daba hadli doono.

Dhanka qaab jiliinka iyo amaanta uu helay Akshay Kumar sanadkan 2015 waayahan ma uusan helin waayo filimkiisa Baby bandhiga uu ka muujiyay siweyn ayaa loola dhacay waxaana la sadaalinaa inuu sanadkan bilad ku qaadan doono sidoo kalena filimkiisa Gabbar Is Back sheeko ahaan waa mid gudaha Hindiya laga soo dhaweeyay.

Akshay Kumar iyo Marka Uu Noqday The Hit Machine 2016-2017:

King Kumar sanadii 2016 Bollywood-ka isaga ayaa xoreestay madaama filimadiisa oo dhan ay Hit dhameestiran noqdeen.

Xidigaan wuxuu la yimid sedex filim oo waa weyn Airlift (Super Hit), Housefull 3 (Hit) iyo Rustom (Super Hit) sidoo kalena mid walbana min 100 Crore ka badan ayuu soo xareeyay sanadkaan.

Akshay kumar, akshay kumar birthday, akshay kumar housefull, akshay kumar airlift, akshay kumar rustom, akshay kumar image

Akshay Kumar wuxuu noqday atoorihii ugu horreeyay ee hal sano gudaheeda sameeyo sedex filim oo mid walbo 100 Crore gudaha Hindiya kasoo xareeyay wuxuuna soo kordhiyay iskoor cusub.

Guusha ugu weyn ee Kumar sanadkaan gaaray ayaa ah inuu Boxoffice-ka ku garaayay Hrithik Roshan oo ay isla saarteen filimada Rustom iyo Mohenjo Daro 12 August 2016.

Laakiin Akshay ayaa si awood ku dheehan guusha u qaatay wuxuuna Hrithik Roshan filimkiisii Mohenjo Daro noqday Flop halka Akshay filimkiisii Rustom uu noqday Big Hit.

King Kumar 2017 dar dar kale oo dheeraad ah ayuu lasoo baxay wuxuuna la yimid labo filim oo Hit dhameestiran noqdeen sidoo kalena 100 Crore ka badan gudaha Hindiya kasoo xareeyeen.

Akshay filimkiisii kowaad Jolly LLB 2 waxaa la daawaday 10-kii Febraayo 2017 wuxuuna noqday sidoo kalena macaash xoogan ayay ka heleen kooxda cajaladaha qeybiyaan asigoo.

Laakiin 11 August 2017 ayuu wacdaro taariikhi ah dhigay madaama filimkiisii Toiler Ek Prem Katha Super Hit weyn noqday sidoo kalena 131 Crore soo xareeyay kuna yahay ilaa haatan filimka sanadkaan 2017 lacagaha ugu badan keenay.

Akshay Kumar Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Wax Badan Ka Ogaaw:

Akshay Kumar waxaa u dhaxdo Twinkle Khanna oo ahaan jirtay atirisho Bollywood-ka ka tirsan waxayna aqal galeen 17 Janaayo sanadii 2001.

Labadan lamaane waxay aabo u yihiin wiil (Aarav) iyo gabar lagu magacaabo (Nitara) sidoo kalena qoyskan waxay ka mid yihiin qoysaska Bollywood-ka ka tirsna kuwooda ugu awooda badan.

Hadaba hada ka hor waxaan idinla wadaagnay maqaal xiiso badan oo aan kaga hadalnay Akshay Kumar iyo gabadhaha uu xiriirada kala duwan lasoo sameeyay waxaana maqaalkaas ugu magac darnay: Shabeel Naagood-ka Bollywood-ka: Akshay Kumar Iyo Xiriiradii Jaceyl Ee Uu Horrey Usoo Sameeyay Wax Ka Ogaaw (+Sawiro).

Fadlan hoos kaga bogo maqaalkaas oo aan markale dib idin kula wadaagnay madaama qaar ka mid ah aqristayaasheena aysan arkin inay macquul tahay:

Akshay Kumar Iyo Pooja Batra: waa gabadhii ugu horreesay ee uu Akshay xiriir jaceyl la wadaago ka hor inta uusan Bollywood-ka kusoo biirin, Pooja dhanka Model-ka ayay ku fiicneyd waxaana ka caawiyay Akshay inay fanka kusoo biirto.

Labadan lamaane iskuma waarin waxaana eeda dusha looga tuuray Akshay oo markaas Pooja iska iloobay si uu Bollywood-ka heer sare uga gaaro!

Akshay Kumar Iyo Ayesha Jhulka: Akshay noloasha Bollywood-ka wuxuu ka dhex helay Ayesha Jhulka weliba waxay aad isku jeclaadeen kadib markii filimkoodii Khiladi uu Hit noqday. kadib labadan lamane jaceylkooda banaanka ayay soo dhigeen waxaana laga ogaaday Bollywood-ka oo idil.

Balse Ayesha jaceylkeeda wey ceshan weesay madaama uu markaas Akshay wiil dhalin yar ahaa xiisahii uu Ayesha u haayay ayaa meesha ka baxay!

Akshay Kumar Iyo Raveena Tandon: Inaba caadi ma ahan sheekadan waayo waxaa lagu tilmaamaa jaceylkii ugu weynaa ee Bollywood-ka ka dhacay 90-kii.

Labada lamaane mudo sedex sano iyo ka bada waxaa ka dhaxeeya xiriir nafta la isku quuray weliba heer waxay gaareen inay aflaanta kusoo bandhigaan sida ay isugu dhow yihiin!

Laakiin markii dambe fool xumo iyo dagaal ayaa lagu kala tagay waxaana eeda dusha laga saaray Akshay Kumar.

Raveena oo marar badan ka hadleyso sidii uu Akshay u galay waxay tiri “Sedex sano ayaan Akshay nafteyda siiyay waayo jaceylka waxaa igala weynaa kalsoonida iyo is aaminaada waxaan ku balanay inaan is guursano balse isaga ayaa meel cidlo ah iiga tagay”

Wargeska The Times wuxuu sheegay in labadan lamaane ay si hoose isku guursadeen mudana ay wada noolaayeen laakiin Akshay uu ka diiday Raveena inay banaanka soo dhigto arinkan asigoo diidanaa in atirishooyinka Bollywood-ka uu kala shaqeeyo inay ogaadaan sidoo kalena aysan filimada la jilin!

Akshay ayaa xiligaas ku amray wixii ka dambeeyay 1995 in Raveena ay joojiso filim jilista sidoo kalena ay dhameestirto aflaanta ay horrey u saxiixatay.

Raveena waxaa hayay jaceyl waali ah waxayna aqbashay dhamaan codsiyadii Akshay si ay mar un reer wada yeeshaan.

Balse Raveena dulqaadkii ayaa ka dhamaaday madaama uu Akshay balankii kasoo bixi waayay sido kalena sanadii 1999 Raveena waxay sheegtay in Akshay uu qayaamay madaama uu xiriir hoose la yeeshay Reekha iyo Shilpa Shetty xili ay sugeesay inay wada aqal galaan.

Waxay tiri “Nafteya wey dhibtootay mana sii xamili karo dhib intaan ka weyn sidaa darteed inaan Akshay Kumar ka haro faa’ido weyn ayaa iigu jirtay waayo nolosheyda fanka iyo mustaqbalkeyga gaarka ah labaduba isaga ayaa god ku riday!!”

Akshay Kumar Iyo Rekha: waa xiriir waali ah madaama aysan jiil ahayn labadan shaqsi hadana Akshay waxaa indhaha tiray soo jiidashada waalida ku dheehan oo ay Rekha ku tustay filimkii Khiladiyon Ka Khiladi weliba muuqaalo dareen ku dheehan ayay la sameesay wixii markaas ka dambeeyay Akshay wuuba iloobay noloshii Raveena wuxuuna ka ag dhawaaday Rekha.

Taasi oo sababtay in Rekha ay Akshay ka hesho halka Raveena ay dagaal la timid kuna wargalisay Rekha inay Akshay ka fogaato laakiin markii dambe Raveena iyada ayaaba meel cidlo ah kusoo dhacday!!

Akshay Kumar Iyo Shilpa Shetty: Akki aya gacanta ku dhiay Shilpa xili uu rabay inuu buuqii Raveena iyo Rekha kaga nasto.

Labadan xidig si fiican ayay isku fahmeen sidoo kalena aflaan badan ayay isla jileen taasi oo sare usii qaaday xiriirkii ka dhaxeeyay.

Laakiin Shilpa ayaa dhibsatay sida ay saxaafada Hindiya xiriirkooda uga faalooto iyo in laga dhigay gabar uu Akshay Kumar doonayo inuu waqtiga ku lumiyo sidii kuwii horre oo kale.

Laakiin Shilpa waxay ka quusatay Akshay markii ay ogaatay inuu xoraansi iyo is gaad gaad ku haayo Twinkel Khanna oo saaxiib la ahayd Shilpa.

Shilpa markaas ayay go’aansatay inay nolosheeda xisaabiso sidoo kalena ay dib u liqdo hamigii ay ka qabtay inay Akshay Kumar nolosha la wadaagto!

Akshay Kumar Iyo Twinkle Khanna: Kadib markii uu Akshay gabdhaha ugu qurxoon Bollywood-ka waqti lasoo qaatay wuxuu ugu damebyntii gacanta ku dhigay Twinkle oo markaas ahayd gabar yar oo aan arimaha jaceylka waaya arag ku ahayn.

Akshay ayaa ka balan qaaday Twinkle inuu gabi ahaanba joojiyay dabeecadihii shabeel naagoodka haatana uu diyaar u yahay inuu nolol cusub sameysto.

Twinkle ayaa aqbashay codsiga Akshay waxayna isku guursadeen si qarsoodi ah mudo kadib arinkan waxaa ogaadeen waalidka Twinkle ee Rakesh Khanna iyo Dimple Kapadia waxayna ka biyo diideen in Akshay uu gabadhooda guursado.

Ugu dambeynti Twinkle ayaa waalidkeeda u sheegtay inay Akshay iyada dooratay haatana uusan ahayn qof xun diyaarna u yahay inuu reer dhisto sidaa darteed sanadii 2001 ayaa loo dhigay aroos weyn oo ay labada waalid kasoo qayb galeen.

Akshay iyo Twinkle haatan mudo 14-sano ah ayay isla nool yihiin waxayna u heysaa wiil iyo gabar Aarav iyo  Nitara.

Akshay Kumar Iyo Priyanka Chopra: Akshay noloshiisa guurka kadib wuxuu noqday nin xasiloon kana fogaado in saxaafada ay wararka reerkiisa bur burin karo ka qoraan.

Balse markale ayuu god ku dhacay waayo waxay aad igu dhawaadeen Priyanka Chopra waxaana la sheegay inuu xiriir qarsoodi ah dhex maray kadib markii aflaantoodii ay wada sameeyeen guul wada gaareen.

Aflaanta lagu amaanay labadan jilaa waxaa ka mid ah “Andaaz”, “Mujhse Shaadi Karogi”, “Aitraaz” iyo “Waqt: Race waxayna ku muujiyeen sida ay isugu macaan yihiin in marwalbo filim loo wada dhiibo.

Akshay iyo Priyanka xiriirkooda inta uusan sii balaaran waxaa tilaabo adag qaaday Twinkle Khanna oo Akshay soo xasuusisay balankii uu ka qaaday.

Sidoo kale Twinkle meel xun ayay ka gaartay waxayna Akshay ku wargalisay inay nolosha u firaaqeyn doonto hadii uu markale Priyanka Chopra filim la sameeyo ama la shaqeeyo.

Akshay oo aan rabin in qoyskiisa uu bur buro amarkii xaaskiisa ayuu qaatay wixii markaas ka dambeeyay filim dambe lama sameynin Priyanka sidoo kalena mar dambe Akshay iyo xantiisa dhanka naagaha lama maqlin ilaa haatan!!!!

Dhamaad,

Waad Ku Mahad santahay Aqriskaaga

10 Responses to Taariikh Nololeedka Madadaaliyaha Kowaad Ee Bollywood-ka Akshay Kumar (King of Bollywood) Min Bilaaw Ilaa Dhamaad Oo Update Ah (+Sawiro)

  1. ayuub

    September 9, 2017 at 9:05 am

    filimside.net
    fadlan waxan idinka codsanaya inad update kadhigtan meelaha ka khaldan tariikhda AKSHAY
    sida anad ku sheegten filmka MOHRA super hit
    Oo ad ka dhigtan BLOCKBUSTER

    • Zakarie Abdi

      September 9, 2017 at 9:14 am

      Waan ka dhignay walaalkeen mahad sanid sida aad qaladaadka yar noo tustay.

  2. ayuub

    September 9, 2017 at 9:17 am

    Ada mudan Zakariye Abdi

  3. Axmed

    September 9, 2017 at 9:31 am

    Zakariye Abdi
    sxb waxad naga saxdaan mesha ad dhahdeen dhaqaalaha so galay Akshay kumar oo ad dhahdeen(June 2015 – June 2016) inuu yahay $31.5 million.

    please nooga dhiga mida 2016/2017
    o ah 37million

    • Zakarie Abdi

      September 9, 2017 at 9:37 am

      Waan ka dhignay waadna ku mahad santahay sida quruxda badan ee taariikhda Akki noola turxaan bixisay…

  4. muxamed

    September 9, 2017 at 9:37 am

    Taariikhdiit hore ugu jirtaa mise waa nid lasoo casriyeeywy

    • Zakarie Abdi

      September 9, 2017 at 9:46 am

      Walaal Update ayaan ku sameenay waa midii hore.

  5. actor

    September 9, 2017 at 10:31 pm

    filmka namastey london hit dhamestiran miya mase maaha iga jaahil saara idinko mahadsan

    • Zakarie Abdi

      September 9, 2017 at 11:28 pm

      Maya walaal waa Semi Hit sida shabakada Boxoffice India ku diiwaan gashan.

  6. kacab jr

    September 10, 2017 at 11:07 pm

    waa yaabe magaca king of Bollywood shahrukhan Lee Ku ogaaye goorma akshay na loo bixiyay saxafada shahrukhan ayay igu yeerta magacyo kala duwan sida king khan king of Bollywood baadshah of Bollywood king of romance sxb marka mararka qaar hadalada waa laga fiirsada ee taladeyda qaado waxan ahay taagere number 1 srk