Taariikh Nololeedka Quruxleyda Koonfur India Shruti Haasan Min Bilaaw Ilaa Dhamaad (+Sawiro)

Madaama Shruti Haasan ay u dabaal dageyso sanad guuradeeda 32-aad sidoo kalena xidigtan shacbiyad balaaran ku leedahay gudaha Hindiya waxaan go’aansanay inay idinla wadaagno taariikh nololeedkeeda min bilaaw ilaa dhamaad.

Shruti Haasan waa atirisho Hindi ah taasi oo shirkada Bollywood, Telugu iyo Tamil la shaqeyso sidoo kalena xirfad dhanka heesaha ah leh.

Xidigtan waxaa aabo u ah Super Star-ka weyn ee daafaca caalamka caan ka ah Kamal Haasan waxayna ka mid tahay xiligan atirishooyinka ugu saameynta balaaran gudaha Hindiya.

Xidigtan maqaam sare ayay ka gaartay shirkada Koonfur Hindiya sidoo kalena waxay galaan gal xoogan ugu jirtaa inay Bollywood-ka ka noqoto atirisho awood badan.

Shruti Haasan waa xidig aad u qurux badan sidoo kalena door walbo sameyn karto waxayna xiligan Koonfur Hindiya ka tahay xidig dalabadeedka aad u sareeyo lana shaqeyso dhamaan Super Stars-ka laga dambeeyo.

Shruti Haasan Iyo Bilawgii Nolosheedii Marxaladaha Ay Soo Martay:

Shruti Haasan waxaa waalid u ah labo jilaa oo gudaha Hindiya caan ka ah Kamal Haasan iyo Sarika Thakur waxayna xidigtan ku dhalatay magaalada Chennai 28-kii Janaayo sanadii 1986.

Shruti Haasan waxaa la dhalatay gabar ka yar oo lagu magacaabo Akshara Haasan oo iyadana ah atirisho dhawaan Bollywood-ka kusoo biirtay.

Shruto waxbarashadeedii qaybaha ugu muhiimsanaa waxay kusoo qaadatay Iskuulka lagu magacaabo Abacus Montessori School eek u yaalo magaalada Chennai.

 

Kadib xidigtan waxay usoo guurtay magaalada Mumbai si ay kaga diyaariso madaada Cilmi nafsiga (psychology) waxayna ka baray St. Andrew’s College.

Shruti Haasan si ay dhinaca fanka saameyn ugu yeelato waxay xooga saartay barashada filim jilista iyo muusigida sida darteed waxay safar u aaday dalka Mareekanka si muusigada heer uga gaarto waxayna wax ka baratay machad muusigada lagu barto eek u yaalo magaalada California kadibna waxay kusoo laabatay magaalada Chennai oo ay ku dhalatay xidigtan.

Shruti Haasan Iyo Sida Ay Filim Jilista Ku Bilaawday Iyo Qaabkii Ay Atirisho Ku Noqotay:

Xidigtan sanadii 2000 waxay muuqaal marti ah ku yeelatay filimkii Hey Ram ee aabaheed Kamal Haasan uu Director iyo atoore kowaad ka ahaa waxayna ku heshay doorkeedii koobnaa amaan balaaran.

Shruti Haasan dalabyo kala duwan ayay iska diiday waxayna ugu dambeyntii aqbashay sanadii 2007 inay atooraha caanka ah R Madhavan la sameyso filim cusub ee uu iska lahaa Nishikanth Kamat laakiin filimkan ma hirgalin wuxuuna noqday mashruuc meel la iska dhigay.

Nasiib wanaag sanadii 2008 calfatay filimkii Luck oo ay la jishay Imran Khan sidoo kalena ay ku wehliyeen Sanjay Dutt iyo Mithun Chakrabory.

Imran Khan oo ay Shruti Haasan yaraantoodii saaxiibo ahaayeen ayaa kala talo bixiyay in filimkii Luck atirihsho kowaad looga dhigo laakiin nasiib daro filimkan markii uu soo baxay sanadii 2009 wuxuu noqday mid guul dareestay.

Xidigtan niyad jab xoogan ayay la kulantay waxayna u weecatay dhanka muusigada iyo heesaha inay xooga saarto ayadoo shaqo ka qabatay filmaan uu aabaheed Kamal Haasan hogaamiye ka ahaa.

Shruti waxay sanadii 2011 la timid filim Telugu ah ayadoo la jishay atooraha lagu magacaabo Siddharth waxaana filimkan lagu magacaabaa Anaganaga O Dheerudu.

Laakiin filimkan ma noqonin mid ay Shruti aqoonsi fiican ku hesho wuxuuna noqday filim guul dareestay ganacsi ahaan.

Xidigtan markale Bollywood-ka ayay u laabatay waxayna wax ka jishay filimka Dil Toh Baccha Hai Ji oo ay Ajay Devgn iyo Emran Heshmi hogaamiye ka ahaayeen.

Shruti filimkan muuqaalo kooban ayay ku lahayd laakiin waa mid guul dareestay mana noqonin filim ay amaan ku hesho.

Isla sanadii 2011 Shruti Haasan waxaa usoo baxay filimka 7aum Arivu ee Tamil-ka ahaa waxayna la jishay Suriya nasiib wanaag filimkan guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray sidoo kalena Shruti qaab jilinkeeda si wacan ayaa loo amaanay.

Filimkeedii ugu dambeeyay ee sanadii 2011 xidigtan wuxuu ahaa Oh My Friend oo ay la jishay Sidharth, Hansika Motwani iyo Navdeep.

Filimkan guul dhex dhexaad ah ayuu Koonfur Hindiya ka gaaray sidoo kalena Shruti saameyn wacan ayay la timid.

Shruti Haasan Iyo Marka Ay Bilaawday Sameynta Filimada Blockbuster-ka Ah:

Shruti sanadii 2012 ayay heshay guushii ay u baahneed waxayna sanadkan ku af bilaawday filimka Tamil-ka ee lagu magacaabo 3 waxayna la jishay Super Star Dhanush waa filim jeceyl oo ay Shruti amaan badan u keshay.

Sidoo kalena filimkan guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray wuxuuna ka caawiyay markii ugu horeesay inay xidigtan u tartanto abaal marinta Filmfare Awards atirishada ugu wanaagsan qaybta Koonfur Hindiya.

Shruti oo jawi wacan ku jirto waxay sanadii 2012 keentay filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Gabbar Singh oo ay la jishay Super Star Palwan Kalyan

Filimkan ganacsi ahaan guul taariikhi ah ayuu gaaaray waana filimkii ugu horeeyay ee Shruti Haasan Hit dhameestiran u noqday.

Xidigtan nasiibkeeda ayaa is raacay waxayna sanadii 2013 la timid filimkii Blockbuster-ka noqday Balupu oo ay la jishay Super Star Ravi Teja waana filim Telugu ah

Shruti Haasan dadaalkeeda ayay sii laba laabtay waxayna sanadii 2013 waxayna dib ugu soo laabatay Bollywood-ka ayadoo keentay filimada kala ah Ramaiya Vastavaiya D-Day laakiin nasiib daro labadan filim waa kuwo guul dareesteen inkastoo xidigtan qaab jiliinkeeda si wacan loo amaanay.

Shruti sanadkii 2014 ma ahan mid ay hilmaami karto waayo labo filim oo Big Hits noqdeen ayay la timid sidoo kale abaal marin caalami ah ayay heshay.

Xidigtan filimkeedii kowaad 2014 wuxuu ahaa Yevadu oo ay la jishay Super Star Ram Charan wuxuuna noqday filim Super Hit ah oo guul weyn gaaray.

Waxaa u xigay filimkii Race Gurram oo ay Super Star Allu Arjun la sameesay oo isagana Blockbuster u noqday waxaa intaas u dheer in abaal marinta Filmfare Awards qaybta atirishada ugu wanaagsan Koonfur Hindiya xidigan lagu siiyay.

Shruti sanadii 2014 waxay kusoo qatintay filimkii Tamil-ka ahaa oo ay la jishay Vishal wuxuuna noqday filim guul dhex dhexaad ah gaaro sidoo kalena sheekadiisa la amaano.

Shruti Haasan ayaa Bollywood-ka usoo laabatay sanadkii 2015 waxayna sameesay labadii filim ee guulaha dhex dhexaadka ahaa u gaareen Gabbar is Back oo ay Akshay Kumar la jishay iyo Welcome Back oo ay John Abraham la sameesay.

Laakiin xidigtan waxay aduunka kaga yaabsatay filimkeedii wacnaa ee Telugu ahaa Srimanthudu oo ay Super Star Mahesh Babu la shaashada kula wadaagtay.

Srimanthudu waa filim Blockbuster weyn ah sidoo kalena Shruti Haasan  ka caawiyay inay abaal marinta IIFA qaybta koonfur Hindiya atirishada ugu wanaagsan lagu siiyo.

Xidigtan dadaalkeeda ayaad u sareeyo sidaa darteed sanadii 2015 Super Star Vijay ayay la sameesay filimkii Puli balse nasiib daro filimkan waa mid ganacsi ahaan iyo sheeko ahaan guul dareestay.

Shruti sanadkii 2015 waxay kusoo gaba gabeesay filimka Tamil-ka ahaa Vedalam oo ay Super Star Ajith Kumar la jishay.

Vedalam wuxuu noqday filim guul weyn gaaray sidoo kalena in ka badan 100 Crore lacago gaarayo gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka kasoo xareeyay.

Sanadkii 2016 waxay sameysay labo film kuwaaso kala ah Rocky handsome oo Bollywood ahaa waxayna la hogaamineysay John Abraham balse ganacsi ahaan wuu fashilmay maadama uu Flop noqday filmkaan.

Sido kale waxay sameyay filmka Telugu ah ee Premam kaaso ah la hogaamisay atooraha Naga Chaitanya waxuna noqday film guul dhexdhexaad ah gaaray Above Average/Semi Hit.

Ugu dambeyn sanadki 2017 Shruti waxay la timid sedex film oo kala duwan Singham 3 oo ay Super Star Suriya la jishay balse waa film guul darestay filmkaan sido kale waxay keentay Katamarayadu oo ay la jishay Power Star Pawan Kalyan balse waxuu noqday film lagu qasaaray ganacsi ahaan Big Flop.

Shruti sanadkii 2017 waxay kusoo qatintay filmka Bollywoodka ah ee Behen Hogi Teri kaaso ay lajishay Rajkumar Rao guuldarada ayaa daba kacday xidigtaan maadama filmkaana Disaster ka noqday.

Shruti oo cadaadis xoogan saaran waxay kaashatay aabahed Kamal Haasan maadama guuldaro badan isdaba kaceen xidigtaan waxayna haatan duubis kuwadaa filmka aabahed Kamal Haasan Director ka kayahay ee Sabaash Naidu waxaana la daawan doona sanadkaan 2018 bisha Nov sida la qorsheyay waxaana hogaamiye ka ah Kamal Haasan.

Dhamaad…..