Taariikh Nololeedka Super Star Govinda Oo Maanta Xaflada Dhalashadisa U Dabaal Dagaya (+Sawiro)

Dhalasho Wacan Super Star Govinda oo maanta u dabaal dagaayo dhalashadiisa asigoo jirsaday 54 sano xidigaan wuxuu dhashtay 21 Dec 1963.

Govinda aabahiis Arun Kumar Ahuja waxuu ahaa jilaa waxuuna ka soo jeeday Gujranwala oo haatan ka mid ah dalka Pakistan waxuuna haystay diinta Hinduuga hooyadiisna waxa la oran jiray Nazeem waxeyna aheyd Muslim laakiin waxaa diinta ka bedelay oo ka dhigay Hindu aabahiis maadaama dumarka Hindiga ay ragga qabaa ka dambeeyaan oo ay wax walba u sameeyaan sida dhaqankoodu yahay.

Waxaana ay xiligii dambe qoyskiisa qabsaday dhibaato badan kadib markuu aabahiis xanuunsaday uuna geeriyooday waqtigii uu yaraa Govinda.

Govinda ayaa ugu yaraa qoyskiisa oo ka koobnaa lix caruur waxuuna ka qalin jabiyay College lagu barto dhaqaalaha waxaana ku adkaatay inuu helo shaqo maadaama ay ku adkeyd luqadda Ingiriiska oo dalkaasi Hindiya aad uga ah Muhiim sababtoo ah waxuu doonayay inuu shaqo ka helo hoteelada Dalxiiska sida Taj Mehal Hotel.

Balse aabahiis ayaa talo usoo jeediyay oo kula taliyay inuu iska noqdo Govinda Jilaa maadaama uu ahaa nin aad u shactaro badan isagoo markiiba matalay filinkii Saturday Night Fever iyadoo markaasna ay aad u la dhaceen dadkii daawaday ciyaarta uu kusoo bandhigay filinka. Waxaana u xigay filin uu abtigiis Anand u sameeyay oo lagu magacaabi jiray Love 86 kaasoo soo baxay sanadkii 1985 iyadoo kadibna uu saxiixay inuu sameeyo ilaa 40 filim.

Govinda waxuu jilay in ka badan 120 filin oo Hindi ah waxaana uu soo jiitay indhaha daawadayaasha kadib markii asigoo cusub uu kaga yaabiyay dadka Jilitaan qosol badan iyo waliba qoob ka ciyaar xirfadeysan waxuuna caan ku noqday xiligii 80 maadkii iyo 90 maadkii aflaamtiisa comedy-ga ama majaajilada ah sida Shola Aur, Shabham.

Inkastoo Govinda Aflaamtiisa oo u badnaa Comedy ama majaajilo Romance iyo Action ama dagaal aan lagu soo koobi Karin halkaan ayaa waxaa ka mid ahaa kuwoodii ugu caansanaa, Shola Aur Shabnam (1992), Aankhen (1993) Raja Babu (1994), Coolie No. 1, (1995), Saajan Chele Sasural (1996), hero No 1, (1997), deewana mastana (1997) , Bade Miyan Chote Miyan (1998), Haseena Maan Jaayegi (1999), Anari No. 1 (1999), Jodi No. 1 (2001) iyo Partner, waxuuna jeclaa inay la matalaaan aflaanta atriishooyinka kala ah Divya Bharati , Karishma Kapoor, Juhi Chawla, Manisha Koirala, iyo Raveena Tandon.

Govinda ayaa waxaa uu guursaday gabar magacaabo Sunita kadib markii ay jeclaatay xili uu matalayay filinkiisi Mahurat oo soo saare ka ahaa abtigiis Anand Singh iyadoo Sunita ay la dhalatay xaaska abtigiis waxaana ay isguursadeen sanadkii 1987 ayagoo is qarsanayay muddo 4 sanadood ah.

Waxaana lamaanahan u jooga haatan laba caruur ah Narmada iyo Yashvardhan, Govinda ayaa sheegay mar uuka hadlayay qoyskiisa inuu aad u jecelyahay xaaskiisa maadaama ay tusay jaceyl asigoo ka badbaaday shil gaari uuku dhiman gaaray xili uu u safrayay inuu duubo filmkii Khudar sanadkii 1994.

Govinda waxa uu matalay markii u horeysay laadar ama tuug sanadkii 2000 waxuuna ahaa filinkii lagu magacaabayay Shikari balse sanadahii ka dambeeyay 2000 waxuu u wareegay Dhanka siyaasadda uuna door weyn ka qaatay talada ama maamulka dalkiisa waxuuna xubin baarlamaan ama Xildhibaan ka ahaa Hindiya mudooyinkiii dambe iyadoo uu hadana ka tagay kursigiisii sanado kahor , waxuuna siyaasad ahaan xisbiga Govinda uu ku jiray xukumayay dalkaasi India mudooyinkaan dambe.

Dhanka jilitiaanka aflaamta ayuu dhowr jeer kusoo laabtay uuna kasoo tagay siyaasadda waxaana la xasuustaa filinkii Omshanti Om ee Shahrukh khan inuu wax ka dhigay asigoo ah madax ah iyo sidoo kale Salaam Ishq, Do not Disturb iyo Life Partner, isagoo ugu dambeyn sanadkii 2008-dii sheegay inuu iskaaga tagay siyaasadda uuna ka baxay waxuuna sheegay inuu sii wadanayo shaqadiisii Bollwyood ee aflaamta maadaama uu sheegay inay kala macaan badantahay siyaasadda.

Govinda sanadkaan 2017 waxaa usoo baxay filmka Aa Gaya Hero balse nasiib xumo filmkaan burbur taariikhi ah ayaa ku habsaday maadama uu noqday Disaster ama film burburay ganacsi ahaan.

Sido kale Govinda waxaa sanadka dambe usoo bixi doona Filmka Fry Day kaaso ah film madadaalo ah waxaana filmkaan la jili doono Varun Sharma.

Abaal marinda uu Govinda ku guulestay waxaa kamid ah shirkada Filmfare Award ayaa gudoonsisay sanadkii 1997 abaal marin qaas ah bandhiga filmkiisa Saajan Chale Sasural halka sanadkii 2000 ay markale gudoonsisay abaal marinta shactirolaha ugu wanaagsan bandhigiisa filmka Haseena Jaayengi.

Star Screen Award ayaa gudoonsiisay xidigaan abaal marin qaas ah sanadkii 1995 bandhigiisa filmka Coolie NO.1 sido kale Zee Cine Award ayaa sedex jeer gudoonsisay abaal marinta shactiroolaha ugu wanaagsan filmada kala ah Dulhe Raja, Bade Miyan Chote Miyan, Haseena Maan Jaayengi iyo hal abaal marin oo ah qeybta atoore caawiyaha ugu wanaagsan oo ay siisay sanadkii 2007 filmkii Partner.

Ugu dambeyn IIFA Award ayaa gudoonsiisay xidigaan abaal marinta shactiroolaha ugu wanaagsan filmada kala aha Jodi No.1 iyo Partner.

 

Dhamaad….