Taariikh Nololeedka Super Star-ka Kowaad Ee Bollywood-ka Rajesh Khanna (29 December 1942 – 18 July 2012) Qaybta 1-aad

Super Star-ka kowaa ee Bollywood-ka Rajesh Khanna wuxuu geeriyooday 5-sano ka hor asigoo fanka heerkii ugu sareesay ka gaaray sidoo kalena maqaam ahaan weli loo dhawaan karin darajada uu fanka ka gaaray.

Rajesh Khanna magaciisa rasmiga waa Jatin Khanna wuxuu dhashay 29 December 1942 wuxuuna geeriyooday 18 July 2012 asigoo 69-jir ah ayuu geeriyooday.

Rajesh Khanna wuxuu ahaa atoore Bollywood-ka ka tirsan, filim soo saare sidoo kalena wuxuu ahaa siyaasi gudaha Hindiya caan ka ah.

Dadka Bollywood-ka ka faaloodo waxay ugu yeeraan “first superstar” and the “original superstar” of Indian cinema sababtana waxay tahay inuu sameeyay 15-filim oo xariir ah kuwaas oo guuleesteen intii u dhaxeesay 1969 ilaa 1971!

Rajesh Khanna sanadii 1966 ayuu Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna filimkiisii kowaad ahaa Aakhri Khat, wuxuuna guud ahaan xidigan kasoo muuqdayo 160-filim sidoo kalena 17-filim oo waqti kooban soconaayo wuu kasoo muuqday (Short Films).

Rajesh Khanna sedex jeer ayuu ku guuleestay abaal marinta atooraha ugu wanaagsan oo ay shirkada Filmfare Awards bixiso (Best Actor) sidoo kalena sanadii 1991 Filmfare abaal marin qaas ah ayay siiyeen (Special Awards) halka sanadii 2005 ay Filmfare Super Star-kan siisay abaal marinta loo yaqaan Lifetime Achievement Award.

Rajesh Khanna wuxuu ahaa atooraha lacagaha ugu badan filimada Bollywood-ka ku sameeyo intii u dhaxeesay 1970 ilaa 1987 kaliya Amitabh Bachchan ayaa darajadan la wadaagay intii u dhaxeesay 1980 ilaa 1987.

Sidoo kale Rajesh Khanna wuxuu ka mid noqday baarlamaanka Hindiya asigoo dhinaca New Delhi laga soo doortay wuxuuna xil dhibaan ahaa intii u dhaxeesay 1992 ilaa 1996.

Rajesh Khanna wuxuu guursaday atirishada caanka ah Dimple Kapadia bishii Maarso sanadii 1971 waana 8-bilood ka hor inta uusan Dimple filimkeedii kowaad Bobby soo bixin.

Rajesh iyo Dimple waxay isku dhaleen labo gabdhood oo iyagana Bollywood-ka kusoo biireeen Twinkle Khanna iyo Rinkle Khanna waxaana Twinkle qabo Super Star Akshay Kumar.

Kadib markii uu mudo xanuunsanaa Rajesh Khanna wuxuu geeriyooday 18 Jul sanadii 2012 waxayna dowlada Hindiya siisay abaal marinta darajada sedexaad ee muwaadinka Hindiga ah la siiyo sanadii 2013 (Padma Bushan).

30 April sanadii 2013 Rajesh Khanna si rasmi ah dowlada Hindiya iyo gudiga filimada kala duwan qiimeeyaan waxay xidigan u siiyeen darajada “The First Superstar of Indian cinema”

Waana darajo isaga kaligiis loo nisbeeyay sida la isku raacay waana sababta loo dhaho Super Star-ka kowaad ee Hindiya soo maray.

Rajesh Khanna Iyo Bilawgii Noloshiisa Marxaladaha Ay Soo Martay:

Rajesh wuxuu ku dhashay magaalada Amristar ee gobolka Punjab ka tirsan 29 December 1942, waxaana magaciisa rasmiga la dhahaa Jatin Khanna.

Rajesh Khanna waxaa soo korsadeen  Chunni Lal Khanna iyo Leela Wati Khanna oo qaraabo iyo deris la ahaayeen labadiisa waalid.

Xidigaan aabihiis wuxuu usoo guuray Hindiya kadib markii dalalka Pakistan iyo Hindiya la kala qeybiyay dhamaadkii 40-kii.

Rajesh Khanna aabihiis waxaa la dhahaa Lala Hiranand halka hooyadiis lagu magacaabo Chandrani Khanna, waxaana xusid mudan in aabihiis uu ahaan jiray maamulaha sare ee iskuulka MC High School ee ku yaalay xaafada Burewala oo haatan dalka Pakistan ka tirsan.

Laakiin xidigaan waalidiinta soo korsadeen waxay ahaayeen kuwo qandaraasyada tareenada qaadan jireen waxayna usoo guureen Bombay sanadii 1935.

Rajesh Khanna wuxuu wax ka bartay St. Sebastian’s Goan High School ee magaalada Bombay ku yiilay waxayna wax isla barteen wiilka ay saaxiibada ahaayeen Ravi Kapoor oo markii dambe la baxay Jetendra Kapoor sidoo kalena Super Star weyn Bollywood-ka ka noqday.

Rajesh asigoo aad u dhalin yar ayuu bilaabay ka helista sameynta ruwaayadaha wuxuuna ka qayb qaadan jiray ruwaadaha masraxa iskuulada laga sameeyo.

Dadaalkiisa wacan ayuu ku gaaray inuu abaal marino kala duwan ku helo qaab jiliinkiisa ruwaayadaha iskuulka uu xili walbo ka muujin jiray.

Sanadii 1962 Khanna wuxuu ruwaayada Andha Yug ku matalay wiil dhagool iskari dhaawacan oo aan hadleynin qof walba ayaa ruwaadiisa ka helay, waxaana la kulmay xidigaan martida lagu casuumay goobta shaqsigii ugu darajada sareeyay wuxuuna usoo jeediyay inuu filim jilista bilaabo.

Laakiin bilawgii 60-kii Rajesh Khanna waxaa u suura gali weesay inuu Bollywood-ka shaqo ka helo, kadib wuxuu dhameestay waxbarashadii heerka sare asigoo Jaamacada kowaad dhameestay wuxuuna qaata shahaadada Bachelor of Arts intii u dhaxeesay 1959 ilaa 1961.

Rajesh Khanna adeerkiisa KK Talwar ayaa usoo jeediyay inuu magaca Jattin Khanna badalo kana dhigto Rajesh  sidoo kalena xidigaan saaxiibadiisa iyo xaaskiisa waxay ugu yeeri jireen magaca Kaka oo loola jeedo wiilkii wajiga cunuga lahaa (baby faced boy) waana erey Punjabi ah.

Rajesh Khanna Bilawgii Waayihiisa Fanka (1966 – 1975):

Rajesh wuxuu ka mid ahaa 8-dhalin yaro oo isugu soo hartay bandhigii All India Talent Contest ee sanadii 1965 waxaana qaban qaabiyeen barnaamijkan xirfadlayaasha jiliinka lagu soo saarayay United Producers iyo Filmfare.

Waxana xusid mudan in bilawgii tartankan ay ka qayb qaateen 10,000 oo dhalin yaro ah waxaana ugu dambeyntii koobka ku guuleestay Rajesh Khanna.

Qarash gareeyayaasha Bollywood-ka xiligaas ugu caansanaayeen BR Chopra, Bimal Roy, GP Sippy, HS Rawail, Nasir Husain, J. Om Prakash, Mohan Saigal, Shakti Samanta iyo Subodh Mukherji ayaa shirkada United Producers iska lahayeen waxayna la cajabeen xirfada Rajesh Khanna oo koobkii All India Talent Contest ku guuleestay sanadii 1965.

Sanadii 1966 ayuu Rajesh Khanna sameeyay filimkiisii ugu horeeyay wuxuuna ahaa  Aakhri Khat waxaana Director ka ahaa Chetan Anand kadib waxaa u xigay inuu filimkii Raaz sameeyay ee uu iska lahaa Ravindra Dave wuxuuna labadaan filim ku sameeyay heshiis lala galay markii uu abaal marintii All India Talent ku guuleestay.

Khanna filimkiisii kowaad Aakhir Khat wuxuu noqday filimkii Hindiya ugu tartamay abaal marinta Oscar-ka u tartamo qaybta loo yaqaan Best Foreign Language.

Rajesh Khanna bilawgii fanka wuxuu yiri “Inkastoo Aakhir Khat uu ahaa filimkeygii iigu horeeyay hadana filimka ugu horeeyay ee aan hogaamiye ka noqday wuxu ahaa Raaz oo aan la sameeyay Babita oo xiligaas siweyn gudaha Hindiya caan kaga ahayd”

“Inkastoo aan kalsooni badan isku qabay hadana aadbaan ugu xishooday inaan Camera-da soo hor istaago sedexdii muuqaal ee ugu horeesay markii la iiga duubayay”

“Inkastoo hadalkeyga uu toosnaa hadana dhaq dhaqaaqa la iiga rabay ma sax saneyn waxaan wax badan iga caawiyay Director Ravindra Dave”

Rajesh Khanna kadib siweyn ayay isugu daba dhacday nasiibkiisana si wacan ayuu u toosay madaama uu sameeyay filimo wacan guulana gaareen waxaana ka mid ah Aurat, Doli iyo Ittefaq.

Waxaa xusid mudan filimkii Baharon Ke Sapne ee uu sanadii 1967 Rajesh sameeyay uu ahaa filim si murugo ku dheehan ku dhamaanayo wuxuuna dhamaadkiisa ku dhamaanaya si murugo iyo xanuun badan laakiin todobaadkiisa kowaad marka ay dadka dhaliileen sida uu filimkaan ku dhamaanayo dib ayaa loo duubay todobaadkiisa labaadna waxaa tiyaatarada lagu soo celiyay filimkaan asigoo ku dhamaanayo si farxad ah.

Rajesh Khanna waayihii quruxda badnaa ee fanka waxaa inta badan heesaha u qaadi jiray fanaanka codka halaasiga lahaa Kishore Kumar ilaa sanadii 1987 marwalbo Rajesh filimadiisa Kishore ayaa ka heesi jiray waana xiligii uu Kishore geeriyooday.

Rajesh Khanna wuxuu sameeyay rikoor ilaa haatan u yaalo Super Star-kan madaama uu sameeyay 15-filim oo Hit wada noqdeen kuwaas oo uu si xariir ah u sameeyay intii u dhaxeesay 1969 ilaa 1971 weliba isaga kaligiis ayaa atoore kowaad ka ahaa.

Waxaana filimadaas ka mid ah: AradhanaDoliBandhanIttefaqDo RaasteKhamoshiSafarThe TrainKati PatangSachaa JhuthaAan Milo SajnaMehboob Ki MehendiDushmunAnand iyo Haathi Mere Saathi

Sidoo kale Super Star-kan 17-filim oo xariir ah kuwaas oo Hit dhameestiran wada noqdeen ayuu sameeyay intii u dhaxeesay 1969 ilaa 1972.

Weliba waxaa la sheegay intii u dhaxeesay 1969 ilaa 1971 in tiyaatarada kala duwan ee Hindiya ku yaalo laga daawan jiray filimada Rajesh Khanna oo kaliya.

Ma aamini kartaa aqriste inay dhici jirtay in labo tiyaatar oo iska soo horjeedo laga daawan jiray labo filim oo Rajesh Khanna atoore kowaad ka yahay waa jeceylkii waalida ahayd ee Super Star-kan loo qabay!!!!

Rajesh Khanna wuxuu ku dhawaad 8-filim la sameeyay atirishadii caanka ahayd Mumtaz waxay ahaayeen daris sidoo kalena saaxiibo dhow oo aad isku fahansan ayay ahaayeen.

Mumtaz hada ka hor waxay tiri “Waxaan awood u lahaa inaan Rajesh lugta ka qabto sidoo kalena dhibo dadka hortooda lana kaftamo”

Mumtaz oo sharaxeesay sida Rajesh Khanna loogu waalnaa waxay tiri “Marka uu Rajesh soo galo hooteelada ku yaalo Madras waxaa saf u gali jireen ilaa 600 oo gabdhood waxayna banaanka u taagnaayeen ilaa habeenkii xili dambe si ay halmar Rajesh u arkaan”

“Sidaa darteed marka uu banaanka usoo baxo halmar ayaa lagu soo xoomi jiray, dadka oo dhan saxiix ayay weydiisan jireen wuxuu ahaa qof aad u wanaagsan oo dadka jeceylkooda in badan qadarin jiray”

Intii u dhaxeesay 1969 ilaa 1974 waxaa dhici jirtay in Rajesh Khanna baabuurkiisa la dhunkan jiray marka uu meel dhigto sidoo kalena shumiska dumarka rooseetada marsadeen ayaa baabuurkiisa dhinac walbo kaga sawirmi jireen!

Rajesh aqalkiisa banaankiisa marnaba firaaqo ma noqonin subax iyo habeen si isku mid ah ayay taageerayaashiisa u taagnaan jireen gurigiisa hortiisa si ay halmar u arkaan.

Waxaa dhici jirtay inay soo gaari jireen warqado dhambaal jeceyl oo Super Star-kan gabdho taageerihiisa usoo qori jireen weliba qaarkood dhiigooda ayay kusoo qori jireen!

Aqriste Halkaas Ha Inoo Joogto Rajesh Khanna Iyo Taariikh Nololeedkiisa Aan Dhamaadka Laheyn La Soco Qaybta Labaad Sida Ugu Dhaqsiyaha Badan…….

 

1 Comment

  1. mahadsanidiin shabakada filimside.net filimside waa shabakad aan aqriskeda marwaliba aan jeclhy waxan ka aqristaa wararka xilikasta ka cusub & tariqyada xidiga xaqiiqoyinka aflaamta & dhaman arimaha fanka wayo waxan ahay qof aad ujecel arimaha aflaamta waxanatihiin filimside shabakada ugusaraysa oo waxkaqorta aflaamta oo waliba malinle ah hadaneh af Somali waxkuqorta filimside.net calankina hataknado

Comments are closed.