Home » Taariikhaha » Taariikh Nololeedka Super Star Ravi Teja “Mass Maharaja” Qaybta 1-aad

Taariikh Nololeedka Super Star Ravi Teja “Mass Maharaja” Qaybta 1-aad

Hordhaca Taariikhda Ravi Teja:

Super Star Ravi Teja waa atoore Telugu ah (Tollywood) inta badana caan ku ah magaca “Mass Maharaja” madaama uu yahay boqorka bulshada Hindiya mada daaliyo gaar ahaan kuwa jecel Action-ka iyo xarakada ee Koonfur Hindiya ku nool.

Ravi Teja siweyn waxaa loogu aqoonsaday inuu ka mid yahay atoorayaasha ugu caansan lacagaha ugu badana aflaanta Telugu ku sameeyaan wuxuuna ilaa haatan kasoo muuqday in ka badan 60-filim.

Ravi Teja wuxuu sedex jeer ku guuleestay abaal marinta dowlada Telugu ka jirto bixiyo Nandi Award Nee Kosam (1999) iyo Khadgam(2002) bilad gaar ah oo loo gartay iyo Neninthe (2008) oo atooraha ugu wanaagsan lagu siiyay.

Ravi Teja waayihiisa fanka wuxuu ku bilaabay filimkii Karthavyam (1990) oo uu door caawiye ah ku matalay kadibna filimo kala duwan ayuu doorar kooban ama yar yar ku yeeshay sida  Chaitanya (1991), Aaj Ka Goonda Raj (1992), Allari Priyudu (1993), Ninne Pelladata (1996) and Sindhooram (1997).

Sidoo kale Ravi Teja markii uu dhalinta yaraa aflaan kala duwan ayuu Director caawiye ka noqday sida uu shirkada Tollywood u cago dhigto.

Ravi Teja filimkiisii ugu horeeyay ee uu hogaamiye ka noqday waa Nee Kosam (1999) wuxuuna ku helay abaal marinta muhiimka ah Nandi Award aqoonsi wacana wuu helay.

Kadib waxaa u xigtay inuu sameeyay aflaan badan oo guulo wacan gaareen sida  Itlu Sravani Subramanyam (2001), Chiranjeevulu (2001), Avunu Valliddaru Ista Paddaru (2002), Idiot (2002), Khadgam (2002), Amma Nanna O Tamila Ammayi (2003), Venky (2004), Naa Autograph (2004), Bhadra (2005), Vikramarkudu (2006), Dubai Seenu (2007), Krishna (2008), Kick (2009), Don Seenu (2010), Mirapakay (2011), Daruvu(2012), Balupu (2013), Power (2014), iyo Bengal Tiger (2015).

Sanadii 2012 Ravi Teja kaalinta 50-aad ayuu ka galay liiska 100-ka qof ee Hindiya ugu caansan kuwooda ugu taajirsan ee shirkada Forbes soo bandhigtay waxaana daqli ahaan usoo galay 15.5 crore(US$2.4 million).

Sidoo kale 2013 liiskan kaalinta 68-aad ayuu ka galay waxaana daqli ahaan usoo galay 13 crore (US$2.0 million), sidoo kalena 2015 isla liiskan kaalinta 74-aad ayuu ka galay wuxuuna daqli ahaan kasbaday 12.5 crore (US$1.9 million).

Raji Teja Iyo Bilawgii Noloshiisa: 

Ravi waxaa waalid u ah Raj Gopal Raju iyo Rajya Lakshmi Bhupatiraju wuxuuna ku dhashay magaalada Kakinada ee ka tirsan gobolka Andhra Pradesh,

Ravi Teja waa 50-jir wuxuuna dhashay 26 Janaayo 1967 waxaana xusid mudan in Teja aabihiis uu ahaa farmashiste halka hooyadiis ay ahayd guri joogto.

Sidoo kalena Teja isaga ayaa ugu weynaa qoyskaan sedexda wiil ka koobnaayeen balse nasiib daro labada kale ee walaalihiis ah mid wuxuu ku geeriyooday shil baabuur 24 June 2017 waxaana la dhihi jiray Bharath halka midka kalena la dhaho Raghu waana atoore Tollywood ka tirsan.

Image result for ravi teja young

Ravi Teja inta badan noloshiisa wuxuu kusoo qaatay Waqooyiga Hindiya madaama aabihiis shaqadiisa ahayd mid guur guurto oo aan nagaansho laheyn.

Sidaa darteed Ravi Teja iskuul wuxuu kusoo qaatay magaalooyinka  Jaipur, Delhi, Mumbai iyo Bhopal kadibna Jamaacada shahaadada kowaad qaybta Arts-ka wuxuu ka qaatay Siddhartha Degree College, Vijayawada.

Sanadii 1988 ayuu Ravi Teja tagay magaalada Chennai asigoo halkaas ka bilaabay barashada filim jilista iyo waxyaabaha fanka la xariiraan.

Ravi Teja Iyo Bilawgii Waayihiisa Fanka (1990 – 1996) Inta uu magaalada Chennai ka baranaayay filim jilista waxay isku fasal noqdeen filim soo saarayaasha hada Koonfur Hindiya caan ka ah YVS Chowdary iyo Gunasekhar midaasna waxay ka caawisay inuu helo wadadii uu fanka usoo mari lahaa.

Ravi wuxuu muuqaalo marti ah ku yeeshay filimada caanka ah  Karthavyam (1990), Chaitanya (1991) iyo Aaj Ka Goonda Raj (1992) kadibna wuxuu ahaa nin aqoon leh wuxuu noqday Director caawiye aflaanta iyo TV-yada wuxuuna wax ka caawiyay sameynta filimada  Prathihnbandh, Aaj Ka Goonda Raj, iyo Criminal.

Ravi Teja waxaa siweyn usoo gacan qabtay filim sameeyaha caanka ah Krishna Vamsi kaasi oo uu la shaqeenayay ilaa sanadii 1996 inta badana filimadiisa ayuu caawiye ka noqon jiray.

Sidoo kale Director Vamsi wuxuu muuqaal yar Ravi Teja ka siiyay filimkiisii Hit-ka weyn noqday  Ninne Pelladutha.waxaana hogaamiye ka ahaan filimkaan 1996 soo baxay Nagarjuna Akkineni iyo Tabu.

Ravi Teja Iyo Sida Tartiibta Ah Ee Uu Ku Sal Dhigtay (1997 – 2000):

Ravi asigoo Director caawiye ku shaqeesanayo ayuu helay fursad ah inuu hogaamiye ka noqdo filimka Sindhooram (1997) waxaana Director ka ahaa saaxiibkiis soo garab qabtay Krishna Vamsi.

Filimkaan waxaa lagu qaatay abaal marinta National Film Award filimka ugu wanaagsan oo ay Telugu sameeyeen sanadii 1997 madaama fariintiisa aad loola dhacay.

Image result for nee kosam 1999

Kadib aflaan kala duwan ayuu kasoo muuqday laakiin Ravi wuxuu aqoonsi dhameestiran ku helay filimkii Nee Kosam ee uu hogaamiye ka ahaa kaasi oo sanadii 1999 la daawaday wuxuuna ku qaatay abaal marinta Nandi Award oo ay maamulka Telugu bixiyaan.

Ravi Taji kadib wuu talaabsaday wuxuuna filimkii Annayya (2000)  la sameeyay Mega Star Chiranjeevi asigoo door muhiim ah ku lahaa wuxuuna noqday filimkaan Blockbuster weyn oo iskooro badan dhigay.

Kadib Ravi Teja wuxuu kasoo muuqday aflaan kala duwan oo uu qaarkood hogaanka u haayay qaarna caawiye ka ahaa bilawgii qarnigaan sid Samudram, Kshemanga Velli Labanga Randi, Tirumala Tirupathi Venkatesa, Sakuntumba Sapari Vare Sametham iyo Ammayi Kosam.

Ravi Teja Iyo Markii Uu Bilaabay Sameynta Big Hits (2001 – 2005):

Sanadii 2001 Teja wuxuu bilaabay la shaqeynta Director-ka weyn Puri Jagannadh  waxayna isla sameeyeen filimka Hit-ka weyn noqday Itlu Sravani Subramanyam waana filimka 100% ka caawiyay Teja inuu kaligiis mashaariicda gadi karo.

Teja guulihiisa ayuu iska sii watay wuxuuna 2002 la yimid filimkii Hit-ka noqday Avunu Valliddaru Ista Paddaru, ee uu iska lahaa saaxiibkiisii fanka ku caawiyay Vamsi.

Laakiin 2002 wuxuu fanka Telugu ku qabsaday filimkiisii Blockbuster-ka weyn noqday  Idiot oo uu iska lahaa Puri Jagannadh  ilaa haatan hadalada Ravi filimkaan taageerayaashisia wey adeegsadaan.

Image result for ravi teja Idiot movie

Ravi wuxuu 2002 ku qatimay filimkii Hit-ka weyn noqday Khadgam ee saaxiibkiis Vamsi iska lahaa wuxuuna ku helay abaal marino kala duwan.

Ravi Teja iyo Puri Jagannadh  waxay noqdeen labo guusha u saaxiibka ah waxayna 2003 la imaadeen Blockbuster kale oo weyn waana filimka  Amma Nanna O Tamila Ammayi oo ay la sameesay atirishada Asin.

Ravi sidoo kale isla sanadkaas waxaa guulo wacan u gaareen filimada Dongodu iyo Veede balse waxaa ka guul dareesteen filimada kala ah Ee Abbayee Chala Manchodu, Anveshana iyo Oka Raju Oka Rani.

Sanadii 2004 Ravi wuxuu la yimid filimka guusha dhex dhexaadka ah gaaray Venky balse qaab jilinkiisa aad loogu amaanay balse waxaa ka guul dareesteen filimada Naa Autograph iyo Chanti.

Sanadii 2005 ayuu Super Star-kaan la yimid filim kale oo Hit ah waana filimka wacan Bhadra sidoo kalena filimkiisa kale  Bhageeratha guul dhex dhexaad ah ayuu gaaray laakiin filimkiisii ugu dambeeyay sanadkaas Shock wuxuu noqday Big Flop.

La Soco Qaybta Labaad Ravi Teja Iyo Markii Awoodiisa Cirka Sii Gashay Iyo Guulihii Uu Gaaray…

FIKIRKAAGA HALKAAN NOOGU REEB ADIGOO ISTICMAALAYO FACEBOOKAAGA, WELIBA CHECK SAAR (ALSO POST ON FACEBOOK)

One Response to Taariikh Nololeedka Super Star Ravi Teja “Mass Maharaja” Qaybta 1-aad

  1. Qalbi holcay Qalbi holcay Reply

    October 6, 2017 at 6:20 pm

    Sxb filimkii jigarwala no1 asi sooma jilin mise waan qaldanahay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *