Home » Nolosha Jilaayaasha » Taariikh Nololeedka Super Star Shashi Kapoor Oo Dhamestiran Kaaso Maanta Dunida Macsalaameyay (+Sawiro)

Taariikh Nololeedka Super Star Shashi Kapoor Oo Dhamestiran Kaaso Maanta Dunida Macsalaameyay (+Sawiro)

Halyey Bollywood Shashi Kapoor wuxuu dhashtay 18 March 1938, waa jilaa howlgab kanoqday jilista filimda iyo waliba soosaarista aflaanta maadama Da’ iyo waxyaabo kale kadaba yimaaden.

Wuxuu ahaa filimsameye, filim soosaare iyo waliba jilaa, aabihiis waxaa lagu magacaaba Prithviraj  Kapoor sido kale waxuu ladhashtay labada jilaa ee kala ah Raj Kapoor iyo Shammi Kapoor.

Waa mid ka

mid ah Kapoor Family waana yaraanka Prithviraj Kapoor wuxuuna adeer u yahay Rishi Kapoor maadama xidigani ay walaalo yihiin Rishi Kapoor aabihiis (Raj Kapoor).

Sanadii 2011, Dowlada India xidigani waxay kudoonsiisay abaal marinta Padma Bhushan sido kale 2015 wuxuu gudoomay oo ay hadana Dowlada siisay Dadasaheb Phalke Award taaso ah abaal marinta ugu darajada sareyso taaso lasiiyo muwaadin hindi ah maadama fanka hindiya waxbadan u qabtay.

Sido kale waa qofka sedexaad ee familkiisa ah oo abaal marintaan qaaliga ah ku guuleysta waayo horey waxaa loosiyay aabihiis Prithviraj iyo walaalkis Raj Kapoor.

Wuxuu kasoo muuqday asigoo aad u yar 4 filim intii udhaxeysay 1948-1954, xiligaaso uu fanka aad ujeclaa inuu kubiro balse fursadas waxay ugu saamaxday walalkiis iyo aabihiis oo fanka hindiya darajo tii ugu sareysay ka gaareen.

Waxaa ladhaha jilista filimada waxaa lagasoo gaaray familkaan uu u horeyo Prithviraj Kapoor, waayo xilligiisa unbee bilaawatay in filim la duubo oo cinema laga daawado wuxuuna kamdi ahaa dadkii aas aasay fanka hindiya.

  Shashi Iyo Xiligii Uu Fanka Sitoos Ah Ugusoo Biiray:

Kapoor wuxuu helay fursad uu kunoqdo Director caawiye waana shaqadisa ugu horeysay ee fanka uu ka qabto kadib markuu soo weynaaday wuxuuna Director caawiye ka noqday filimkii ugu horeyay ee uu hogaamiye kanoqdo Super Star Sunil Dutt kasoo lagu magacaabo Post Box 999 inkastoo aflaan kale kahoreyen sida Mother India hadana waa filimka uu hogaamiye ka ahaa Sunil Dutt.

Intaa kadib Shashi wuxuu noqday atoore wuxuna kubilawday filimkiisi ugu horeyay ee Dharmputra kaso soobaxay 1961, guud ahaan xidigaan wuxuu kasoo muuqday 144 filim.

61 kamid ah aflaantas asiga ayaa hogaamiye ka ahaa ama atoore koowaad, halka 55 kamdi ahna ay lajileen xidigo badan (Multi Star-Cast) ama atorayal kale la hogaamiyen aflaantas, sido kale 7 filim na muuqaal marti ah ayuu kuyeeshtay.

Wuxuu kaloo sameyay 21 filim uu door atoore caawiye ah kujilay (Supporting Actor)

Shashi wuxuu lasoo shaqeyay halyeey oo dhan uu uhoreyo Amitabh Bachchan aflaantisa iyo jiliinkisa dadka aad aye ola dhaceen waqtigiisa, inkastoo laga awood badnaa hadana xidigaani awood ayuu asiga isasiiyay maadama uusan waligiis ku fikirin waxa atoorayasha kale kufikiraan sida abaal marinda.

Shashi wuxuu kamid ahaa xidigaha fara kutiriska ahaa ee gabi ahaanba abaal marinta wax qiimo ah aan aktoda kaleheen, waxaa xusid mudan in Shashi uu iska diiday dhowr jeer uu ku guuleystay abaal marinta Filimfare Awardsm,

asigoo kutilmaamay in uusan marnaba kubadeleneenin jiliinkiisa qaaliga ah abaal marin raqiis ah.

Xata waxaa lashegay in xidigaani uu mar iska diiday abaal marinta Dowlada India bixiso ee National Filim Awards taaso uu atoore walbo kuriyodo mar uun in lasiiyo, inkastoo marki dambe gudoomay hadana markii hore gabi ahaanba wuu iska diiday.

Shashi Iyo Abaal Marinada National iyo Filimfare inta uu kahelay:

Xidigaani abaal marinta qiimo lama laha balse wuu iska qaatay inkasto kuwa aan latirin Karin diday balse markii dambe familkisa oo la hadlen iyo saaxibadis ayu si dirqi ah ku gudomay abaal marinadan.

National Filim Awards:

Tiro 3 jeer ah ayuu ku guuleystay abaal marintaan oo la siiyay

1994-special jury award filim (Muhfiz)

1986-Best Actor (Delhi Times)

1979-Best Feature Filim Junoon(Producer)

FilimFare Awards:

1976-Best Supporting Actor Award (Deewar)

Movie Awards 1982 (Kalyug) iyo 1980 (Junoon)

2010-Lifetime Achievement Award

Waxaa jiraan abaal marino badan uu xidigaan gudomay kuwaaso ay siiyen shirkadaha kala duwan ee India balse halkaan kuma soo koobi karno.

  Noloshiisa gaarka ah: 

Xidigaani wuxuu wax kusoo bartay  Don Bosco High School

ee kuyaalay Mumbai, wuxuu Calcutta kula kulmay gabadha udhalatay UK ee Jennifier Kendal sanadkii 1956, ayagoo xiligaas kashaqeynayey tiyaatar uu laha xidigan aabihiis.

Ugu dambeyn waxay labadani is guursadeen sanadii 1958, ayagoo isku dhalaya sedex caruur ah oo lakala dhaho Kunal Kapoor, Karan Kapoor iyo waliba gabadh ladhaho Sanjana Kapoor, balse Shashi xaaskisa waxay dunida macsalaamesay sanadii 1984 ayado Cancer udhimatay.

Waxaa lashegay maanta in rugcadaagan geeriyooday kadib markii uu in badan xanuunsanaa wuxuuna ka shegayn jiray dhanka xabadka oo caabuq oga dhacay.

Waxaa lagu sameyay qaliin kadiban Hospitaalka ayaa laga soo saaray asigoo xaaladiisa la islahaa wey soo kabaneysa balse maanta ayuu si kadis ah xanuun uqabtay ugu dambeyna ay nafta kabaxday asigoo 79 jir ah.

 

 

Dhamaad…….

 

 

8 Responses to Taariikh Nololeedka Super Star Shashi Kapoor Oo Dhamestiran Kaaso Maanta Dunida Macsalaameyay (+Sawiro)

  1. Mohamed atoore Reply

    December 4, 2017 at 9:15 pm

    Wilkiisa karan kapoor wuxuu aktar ka ahaa filimkii loha 1987 dharmendra shatrughan sinha la jileen hadaan qaldaneen Somalida waagas wexee u yaqaanen atooraha ameerikanka

  2. Yaya Reply

    December 4, 2017 at 10:12 pm

    Hi:
    Sxb Ali Hadana khaldanaynin horay waxaad usoo dabacdeen maqaalo aad kuleedihin abaal marinta ugu qalisan ee qof hindi lasiiyo waa internional award marka Dadasaheb Phalke Award na waxaad leedihin waa tan ugu saraysa muwadin hindi lasiiyo Marka meeshan kistoo fahfahin igaSii

    • Ali Aadan Reply

      December 4, 2017 at 10:24 pm

      Sanad walba waxaa la bixiyaa abaal marino kala duwan sida National film award, filmfare award, star screen award IFFA Award iyo kuwa kale National ayaa ugu sareysa intooda dhan.

      Sido kale abaal marinad sida Dadasaheb Phalke Award sanad walba lama bixiyo atoore qaab jiliinkisa fiicnaadayna la iskuma siiyo ee qofka mudadad dheer howl kusoo jiray ee shaqo adag qabtay muwaadana ah ayaa lasiya sxb inta badana duqooshinka ayaa qaataan halka Filmfare iyo dhamana sanad walba labixiyo qaab jiliina la isku siiyo balse Dadasaheb Phalke Award waa abaal marin sharafeed o qofka si qaas ah loosiiyo

      • Yaya Reply

        December 4, 2017 at 11:10 pm

        Thank you mr ali
        Sxb adoo rali ah su all kale hadaan kuwaydiyay
        Hadaad dawatay filimka Humpty sharma ki dulhania qaybta somaliga ah Daqiiqada 10aad waxaad maqlaysa codadka jajumo iraq iyo nicmo oo dhahaayo filimkan waxa lagu turjumay filimside studio muqdisho marka Aflaanta maad turjuntaan mise waa xayasiin oo kaliya

        • Zakarie Abdi Reply

          December 4, 2017 at 11:16 pm

          Filimside marbay bilaawday turjumista filimada sida Dilwale, Bajirao Mastani, Humpty Sharma ke Dulhania, Special 26 iyo aflaan kale balse waan sii wadi weenay waxaan ogaanay inaan laheyn awood aan shaqadaas ku qabano waana iska joojinay waxaana xooga saarnaa hawsha nagula yaqaano oo ah qoraalka madaama aan nahay isha kowaad ee aqbaaraada aflaanta laga aqristo.

          • Yaya

            December 5, 2017 at 12:17 am

            Thank you Sir Zaki

  3. rudwaandxt Reply

    December 4, 2017 at 11:00 pm

    national award walal maku guulaystay srk mahad sanid

    • Zakarie Abdi Reply

      December 4, 2017 at 11:02 pm

      Maya kuma uusan guuleesanin

Leave a Reply to Yaya Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *