Filimka Tanhaji waxaa hogaamiye ka ah Super Star Ajay Devgan waxaana ku wehliyaan xaaskiisa Kajol Devgan iyo saaxiibkiisa Saif Ali Khan balse filimka laadar weyn ku matalaayo.

Filimkaan taariikhiga ah ayaa wax aan marnaba laga filan karin Box Officeka ka sameynaayo asigoona todobaadkiisii 2aad keenay 77 crore balse todobaadkiisa 3aad ayuu taariikh dhigayaa wuxuuna shalay (sabti) iyo daraad (jimce) keenay 13.50 crore nadiif ah (Trade Figure) sida ay doo daabacday shabakada BOI.

Balse maanta oo Axad ah sidoo kalana ah maalinta Jamhuuriga Hindiyana uu ka jiro fasax qaran ayuu filimkaan ganacsi waali ah markale sameynayaa asigoo subaxaan tiyaatarka kaga furmay 55% ilaa 60% waana bilaabasho Excellent oo aysan xitaa filimada tiyaatarka ku cusub sameyn karin ama ku dhibanyihiin.

Balse maanta duhurkii ayuu filimkaan kasii daray wuxuuna gaaray misna garaacayaa 85% asigoona shineemooyinka lasoo buux dhaafiyay.

Tanhaji wali waxaa u dhiman caawo fiidki oo uu markale sare u kac sameyn doono iyo caawo galinka dambe.

Waa hubaal in Axadiisa 3aad filimkaan uu keeni doono ganacsi 14 ilaa 15 crore waliba waxaa macquul ah in ganacsigiisa intaas kasii bato waxayna ku xirnaan doontaa sida uu caawo sare ugu kaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here