Inaba caadi ma ahan sida la isigu dagaalayo tikit-ka lagu daawan lahaa mashruuca weyn ee WAR kaaso maanta si rasmi ah tiyaatarada loo saaray waxaana hogaamiyaal ka ah Hrithik Roshan iyo Tiger Shroff.

Sida wararka soo tabinayaan filimka WAR qiimahiisa tikit-ka hormariska loogu iibsaday maalmihii u dambeyeen waa kuwa taariikh dhigeen si weyn oo waali ah ayuu u gadmay inkastoo uu loolan dhanka ganacsiga ah kala kulmi doono filimka Koonfur India Syeraa Narasimha Reddy iyo filimka Hollywoodka Joker.

WAR daafaha caalamka xitaa maanta waa laga daawanayaa maalintiisa kowaad ganacsiga uu sameeyn doono waa mid oagi dhaafi doono aflaamra Thugs of Hindostan, Prem Rathan Dhan Payo xitaa Baahubali sida la qiyaasay lagana cabir qaatay waalida tikit-kiisa loo iibsanaayo.

Gudaha India qeybta af hindiga lagu daawanaayo WAR waxaa la saari doonaa 3500 ilaa 4000 tiyaatar sido kale luuqad walba oo mashruucan lagu daawado waxaa India oo dhan laga saari doonaa ugu badnaan 4800 tiyaatar rasmina ma ahan balse waa qiyaas ahaan ilaa hadhow ayaa la ogaan doonaa tiyaatarada rasmiga ah uu helay.

Sababto ah filimka Chiranjeevi iyo Ram Charan wataan ayaa asna loolan adag ku hayo mashruucan oo tiyaatarada la qeybsanaayo inkastoo WAR tiyaatarada loo badiyay.

Box-office India waxay qiyaastay ganacsiga mashruucan maalintiisa kowaad keeni doono marka ay indho indheesay sida wax kusocdaan waxayna sheegtay 40 Crore inuu sare udhaafi doono ugu badnaanana 48 Crore gaari doono.

Iskoorka TOH ayaa qatar gali karo ayee leeyihiin xitaa waa macquul inuu 50 Crore gaaro maadama Filim Action uu yahay feestada Gandhi-na uu ka faaideysan doono waxaa la sugaya waa WAR iyo taariikhda uu dhigi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here