Waxaa suurtogal noqon karto arin mudo badan laga war dhowraayey taaso ah inee shaashada nin iyo xaaskiisa kujilaan ilma-adeerada lawada yaqaano Ranbir Kapoor iyo Kareena Kapoor Khan.

Marar badan ayee wareysi ku sheegeen ineysan jaceyl shaashada kujili karin labadooda maadama ay walaalo yihiin inkastoo ilmo-adeero yihiin hadana waa kala xishoonayaan taaso jirto waxaa meesha laga saari karin in xidigahan dabeecad ahaan iner wada shaqeyaan midba midka kale wuu iska ilaaliya oo kulankooda iyo sheekadooda nolosha dhabta ah ayaaba yar.

Heesaaga caanka ah ee Anup Jalota ayaa sabab u noqon kara inee labadan jilaa isla shaqeyaan dhowaan wareysi uu bixiyay waxaa la weydiiyay hadii noloshiisa Filim laga sameynaayo atooraha uu u arko inuu Filimkaas hogaamiyo waxuu yiri.

“Waxaan aaminsanahay Ranbir Kapoor inuu Filimkaas sameeyn karo sababto ah Sanju ayaa daawaday iyo sida uu shaashada Sanjay Dutt ugu matalay marka iima muuqdo atoore aan isaga aheyn inuu doorkeyga nolosha jili karo” heesaagan sido kalena ah music-yaqaan caan ah ayaa hadana la weydiiyay atiriishada Filimkaas ku fiicnaan lahed waxuu yiri.

“Aniga 3-dumar ayaan guursaday xaaskeyga kowaad waxaan la noolaa 8-sano waxaana u arkaa doorkaas inee kasoo bixi karto Kareena Kapoor Khan qof kaga haboona maleh halka xaaskeyga 3-aad oo aan 20-sano wada nooleyn ay jili karto Neena Gupta waayo muuqaal ahaan wey is shabahaan.”

Filimsameyaal ayaa hader qorsheyanayaan in Filimkaan sheekadiisa diyaariyaan sido kalena u bandhigaan Ranbir iyo Kareena walina laguma dhawaaqin in Filimkaan si rasmi ah loo sameeyn doono iyo agaasimihii howsha la wareegi lahaa balse adiga ahaan akhriste makula tahay Ranbir iyo Kareena oo ilmo-adeero ah inee ogolaanayaan shaashada nin iyo xaaskiisa kujila.?

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here