Home » Arimaha Bulshada » Taariikhda Xoog-Weynaha Wwe Brock Lesnar

Taariikhda Xoog-Weynaha Wwe Brock Lesnar


Anigoo Tix-Gelinayno Akhristayaasheena Qiimaha Badan Oo Noosoo Gudbiyay Codsigooda Xidigaha Ay Doonayaan Taariikhdiisa Markan Eegnay Qoraalada Codsiyada Waxay U Badnaadeen Xidiga Brock Lesnar Iyadoo Aan Soo Gubin-Doono Xidigaha Sida Lookala Sareeyay.

Magaciisa Oo Dhamaystiran Waa Brock Edward Lesnar Waxa Uu Dhashay July 12, 1977 Isaga Waa American-Canadian
Oo Ah Xirfadle Musaaricada Isagoo Hore U Ahaa Qaybta Ciidanka  Mixed Martial artis Iyo Xidig Ciyaara Kubbada Cagta . Isaga Hadda Waxa Uu Ka Tirsan Yahay WWE,  Gaar Ahaan Bandhiga  Raw Iyo Isagoo Ah Shaqsiga Ugu Waqtiga Dheera Ee Haysta Suunka Universal Champion,

Brock Lesnar Iyo Bilowga Noloshiisa

Ka Dib Markuu Ku Guuleystay College Ka Bismarck State Iyo Markuu Dhameeyay Jaamacada University of Minnesota, Lesnar Waxaa La Saxiixatay WWE Qaybta  the World Wrestling Federation Sanadkii 2000. Waxaana Loo Diray Qaybta Hormarisa Xidigaha Soo Koraya Oo Magaceeda Loo Soo Gaabiyo (OVW), Isagoo Markas Qaaday 3 Jeer Suunka Iyo OVW Southern Tag Team Champion Oo Uu La Team Ahaa Shelton Benjamin.

Kadib Waxa Uu Ka Soo Muuqday Markii Ugu Horeesay Wwe Sanadkii  2002, Lesnar Waxa Uu Ku Guuleystay WWE (Undisputed) Championship Shan Bil Gudahood .

Kadib Kasoo Muuqashadiisa Ugu Horeesay Oo U Jiray 25 Sano Oo U Noqday Da’yarkii Ugu Yaraa Ee Ee Qaada Wwe Champions Taariikhda .

Sidoo Kale Isagoo Noqday Oo Uu Ku Guuleystay Sanadkii 2002 King of the Ring Iyo Isagoo Markan Ku Guuleystay Sanadkas 2003 Royal Rumble.Ciyaartii Xigtay Waxa Uu la Ciyaaray Bandhiga Wrestlemania Ninka La Yiraahdo Goldberg Lesnar

Ciyaartaas Ka Dib Waxa Uu Ka Tagay WWE Iyo Isagoo Mustaqbalkiisa U Weeciyay National Football League(NFL).

Isagoo Loo Magacaabay Difaaca tackle Ah Ee Kooxda  Minnesota Vikings, Laakiin Hal Season Ayuu U Ciyaaray Oo Ah Sanadkii 2004 season. 2005 Lesnar Waxa Uu Ku Soo Laabtay Xirfada Musaarcada Isagoo Aaday Japan Isagoo Heshiis La Gaaray New Japan Pro-Wrestling Oo Looso Gaabiyo (NJPW), Isagoo Ku Guuleystay IWGP Heavyweight Championshipons Ciyaartiisa Ugu Horeesay Ka Dib Waa U Ka Tagay Isagoo Aaday Bandhig Kale Oo Lagu Magacaabo  IWGP Oo Qaaday Suunka Heavyweight Championi. Oo Sanadkii 2006, Lesnar Mustaqbalkiisa Waxa Uu U Weeciyay Ciyaarta Lagdanka Ah Ee Looso Gaabiyoa mixed martial arts (MMA),

Isagoo Kuna Guuleystay Ciyaartiisa Ugu Horeesay Oo U La Dagaalamay Ninka La Yiraahdo Min-Soo Kim, Bishii June Sanadkii  2007 Waxa Uu La Saxiixday Shirkada Caanka Ah Ee Lagu Magacaabo Ultimate Fighting Championship(UFC)

Bishii October Lesnar Waxa Uu Ku Hor Qasaaray Frank Mirand Ciyaartiisa Ugu Horeesay Ka Dib Ma uusan Quusan Oo Waxa Uu Markas Ka Dib Ku Guuleystay Dagaalkiisa Labaad Isagoo Wajahayay Heath Herring.

Taariikhda Marka Ay Ahayd November 2008, Lesnar Waxa Uu Ka Badiyay Randy Isagoona Noqday  UFC Heavyweight Champion. Ka Dib Mudo Gaaban Guushiisa Waxa Uu Ciyaar Ciyaar Ku Celis Ka Dib Uuna Lumiyay Suunkiisa. Isagoo Markas Kasoo Ciyaaray Ciyaaro Kala Duwan Oo Ka Mid Ahaayeen UFc 116 Isagoo Ka Noqday Ufc Championship Isagoo Markas Ka Dhamaaday Ama Iska Daayay Ciyaaraha Laysku Yiraahdo Mixed Martial Arts

Noloshiisa Musaaracada

Brock Lesnar Waxa Si La Yaab Ah Ugu Soo Laabtay Wwe Sanadkii 2012 Ka Dib Markii Uu Ka Maqnaa Sideed Sanadood Isagoo Markas Doonayay Inuu Soo Ceshto Sumcadii Iyo Magacii Uu Kulahaa Wwe .Waxa Ay Xifaaltan Uu La Galay Wajiga Wwe Xilligaas Ahaa John Cena Oo  Uu Ciyaartiisa Ugu Horeesay La Ciyaaray Bandhiga Extreme Rules Laakiin Waji-Gabax Ayuu Kala Kulmay Micnaha Guul-Daro Laakiin.

Sanadkii 2014 Waxa Uu Helay Guushii Ugu Weenayd Taariikhdiisa Markii Uu Ka Guuleystay Undertaker Bandhiga Wrestlemania 30 Isagoona Dhigay Record Markii U soo Gaba-Gabeeyay Guulihii Undertaker Bandhiga Wrestlemania.

Brock lesnar Ka Dib Waxa Uu Noqday Wajiga Wwe Oo Markas Helay Sumcadii Ugu Weynayd Waxaana U Qaaday Wadadada Horumarkiisa Kadib Waxa Uu Ku Guulaystay World Championship Oo Uu Ka Qaaday John Cena  Bandhiga Summer Slam


Isagoo Difaacday Bandhigii Xigtay Oo U La Ciyaaray John Cena Wuuna Ka Difaacday. Haddane Waxa Uu Ka Difaacday Ciyaar Dhacday Bandhiga Royal Rumble Isagoo La Ciyaaray John Cena Iyo Seth Rollins Oo Ahay Ahay Ciyaar Kulul Mar Kale Ayuuna Difaacday Suunkiisa World Championship .

Isagoo Suunkiisa Heystay Ilaa Uu Ka Gaaro Bandhigii Wrestlemania 32 Oo Uu La Ciyaaray Roman Reings Oo Ciyaartas Uu Seth Rollins Uu Dhigtay Money In the Bank Ka Dibna Ka Dhex-Qaaday Suunka

Markas Brock Waxaa Ku Dhacay Ganaax Isagoo Weeraray Wariyaal Iyo Camero Man Ka Dib Waxa Uu Ka Tagay Wwe Isagoo Aaday Ufc 200 Isagoo La Ciyaaray Uuna Ka Guuleystay Mark Hunt Laakiin Sababo La Xariira Inuu Isticmaalay Daroogo Ayaa Guusha Looga Qaaday

Ka Dib Waxa Uu Ku Soo Laabtay Wwe Sanadkas Ka Dib Sanadkii 2017 Bandhiga Wrestlemania Waxa Uu Ku Guuleystay Suunka Universal Championships Oo U Ka Qaaday Goldberg

Oo U Noqday Qofka Ugu Waqtiga Dheera Ee Haysta Suun Isagoo Jabiyay Recordka Cm Punk  Oo Gaarayay 434

Isagoo Ka Sara-Maray Sidoo Kale Isagoona Noqday Qofkii Ugu Horeeyay Ee Wada Qaada Shan Mar world champion in WWE, Hal Mar heavyweight champion UFC, Hal Mar  heavyweight champion in NJPW, Iyo Hal Mar  heavyweight wrestlingchampion in NCAA, Waa Qof Kaliya Ee Intas Qaaday Taariikhda

Noloshiisa Gaar Ka Ah

Brock Edward Lesnar Waxa Uu Dhashay Sanadkii 1977  Waa Wiilka Ay Dhaleyn  Stephanie Iyo Richard Lesnar, Waxa Soo Koriyay Waalidiintiisa Iyagoo Lahaa Beer.

Brock Lesnar Waxa Uu Leeyahay Labo Walaalo Oo Ka Weyn Oo Lagu Magacaabo  Troy Iyo Chad

Iyo Waxa Uu Leeyahay Hal Gabar Oo Ka Yar  Oo Kala Ah Brandi Oo Jirta 16. Lesnar Waxa Uu Ku Biiray Qaybta Ciidanka Ee La yiraahdo the Army National Guard, Isagoo Markas Ka Ka Shaqeenayay Qaybta Xafiiska.

Brock Waxa Uu guursaday Sable Oo Iyadana Ciyaarta Musaracada

Markii Ugu Horeesay Ay Kulmaan Waxay Ahayd Sanadkii 2004  Iyagoo Saaxibo ah Ilaa Iyo 2005 Bilowgiisa Ka Dib Waxay Kala Tageen Ka Dib Waxay Dib U Midoobeen Dhamaadka Sanadkii 2005.

Brock lesnar Waxauu Sable U Faraanti U Galiyay January 2006 Iyagoo Isguursaday 6 May 6 2006. Waxay U Joogan 3 Gabdhood Oo Kala Ah Duke Lesnar  Turk Lesnar  Mya Lynn Lesnar Iyo Hal Wiil Luke Lesnar Oo Hadda Ay Haystaan.

Dhamaad

Mahadsanidiin

One Response to Taariikhda Xoog-Weynaha Wwe Brock Lesnar

  1. KIINOOWCABDIRASHIID KC

    June 28, 2018 at 1:47 pm

    Thanks filimside.net